Warbixin ka kooban 25-bog oo ay diyaarisay hay’adda dhexe ee sirdoonka Maraykanka (Central Intelligence Agency – CIA) ayaan akhriyay. Walow 25-ka bog meelo badan oo xasaasi ah ay qariyeen, haddana nuxurka iyo falanqeytuba waa ay muuqdaan. Goobaha ay qariyeenna, arrimo la xidhiidha siyaasaddooda amni ayaa u qariyeen.

Warbixintani waxa ay ku saabsantahay xaaladda ay ku sugantahay Soomaali-Galbeed (Ogadenia), ka dib dagaalkii 77 ee Soomaaliya iyo Itoobbiya. Waxa ay soo saareen 7-dii bishii Abriil ee 1980-kii. Afar cutub ayaa ay ka koobantahay oo kala ah: The Background of the Ogaden Problem, The Ogaden War 1977-78, March 1978 Until the Present, Outlook and Implications For US Interests. Si guud baan rabaa inaan dhawr arrimood oo muhiim ah, iigulana muuqda aan soo dheegto.

  1. Xiddada Colaadda 77

    Dagaalkii xoraynta Soomaali Galbeed waxa uu ahaa dagaal dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya. Kaasoo u jeedada dagaalku u bilaabmay ay ahayd, khilaaf kataagnaa gobolka soomaalida ee Itoobiya amaba Ogaden ee Soomaalida u taqaan Soomaali Galbeed.

Asalka guud ee khilaafka dhulka Soomaali-Galbeed arrimo waaweyn oo taariikhi ah baa uu salka ku hayaa, waxaana ka mid ah: 1) Halgan adag oo qarniyo socday una dhexeeyay dadka Kiristaanka buuraleyda ah iyo Muslimiinta dhulka hoose ee Geeska Afrika. Sida oo kale in la xidhiidho dawlad Afrikaan oo ilaashanaysa/dhawraysa mabdaa’ida iyo xeerarka madaxbannaanideeda dhuleed (Ethiopia) iyo Qaran kale oo Afrikaan ah oo goonidiisa isu taagay, dhulka Ogaadeeniyana u tixgelinaya shuqul gumeyste (Colonial Issue).

Ugu dambeyn in dhulka Soomaali-Galbeed uu yahay mid deegaan ahaan iyo bulsho ahaanba ku xidhan Soomaaliya, uuna yahay mid qeyb ka ah dhaqaalaha iyo hab-dhiska bulsho ee Soomaalida.

Dhinaca kale aragtida Soomaaliweyn labadii gumeyste ee Talyaaniga iyo Ingiriisku waa ay dhiirriyeen, tusaale ahaan: Faashiistihii Talyaanigu kolka uu qabsaday Itoobbiya 1936-1941, ayaa Talyaanigu waxa uu qowmiyadnimada Soomaalida iyo Muslimnimadooda u adeegsaday in ku cadaadiyo Itoobbiya. Sidaas oo kale, Ingiriisku kolka uu jebiyay Talyaaniga qabsadayna afar ka mid ah dhulkii Soomaalida, waxa uu isku dayay in uu hal dawlad oo xor noqota u sameeyo. Balse, waxa uu la kulmay mucaaradnimo adag oo ka timid dhanka: Ethiopia, Italia, US iyo France.

Maaddaama oo Xaylse Salaase uu diblumaasiyad adag ka ciyaaray League of Nations, diidayna waxa uu wado Ingiriisku. Waxaana arrintaa ku kaalmeeyay Maraykanka oo aragtidiisu isbeddeshay, ka dib kolkii Xaylse Salaase uu 1946-kii heshiis lagu qodayay shidaalka Ogaadeeniya uu la saxeexay shirkadda Sinclair Oil Company, sidaa darteed Itoobbiya waxa ay dan weyn tustay dawladda Maraykanka, si ay arrintaas ugu taageerto.

  1. AU, Xaylse Salaase iyo Soomaaliya

Dhismihii ururka Midowga Afrika (AU), boqorkii Itoobbiya ee Xaylse Salaase door muhiim ah oo ballaadhan baa uu ku yeeshay, waxaana uu dadaal badan ku bixiyay laba qodob oo waaweyn: in xuduudaha sidii gumeystuhu u dhigay loo daayo, wixii doonaaba ha dhaceene.

Sidoo kale in Soomaaliya ay bannaanka ka noqoto arrimaha Afrika oo aanay saameyn ku yeelan ururka Midowga Afrika (ie: Odd man out). Middaas beddelkeedana Soomaaliya gebi ahaanba waa ay qaaddacday aqoonsashada xuduudihii gumeystuhu dhigay.

Waxaana ay miiska soo saartay dood adag oo sharci ah, in Itoobbiya iyo Talyaaniguba aanay qeexin (Defined) xuduudda Italian Somaliland iyo Ethiopia, intii u dhexeysay 1955-60. Ayna weli tahay mid aan rasmi ahayn. Sidoo kale, heshiisyadii ay qabiillada Soomaalidu la galeen gumeystayaasha oo dhigayay in aanan dhulka cid kale la siin karin, wax kasta oo dhaca. Middaasna la khilaafay. Ugu dambeyn in Itoobbiya aanay dhulka Ogaadeeniya si rasmi ah u maamulin badankiis, kolka laga tago 25-kii sanno ee u dambeeyay oo ay qabsatay mooyiye.

  1. Sababihii Dagaalkii 77

Arrimahaas kore kolka laga tago, ayaa qodobada waaweyn ee dedejiyay dagaalka waxa ka mid ahaa; in dawladda Itoobbiya ay Soomaalida ku dhaqan Soomaali-Galbeed ka ilaalisay xukunka, siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba. Itoobbiyaankuna kuma kalsoonayn Soomaalida, maaddaama ay Muslin yihiin. Sidaas oo kale cashuurtii ay Itoobbiya ku soo rogtay Hawdka, ayaa iyaduna qeyb weyn ka qaadatay kacdoonnada shacabku bilaabeen. Ta kale waa in dawladda Itoobbiya ay faragelin ku bilowday 40-kii sanno ee u dambeeyay daaqsinta dhulkaas.

Qodobada kale waa dhanka Jamhuuriyadda Soomaalida e, oo heshiisyadii xukuumaddii Cigaal iyo Cabdirashiid ay la galeen Kenya (ie: Caruusha 1967) iyo Ethiopia (ie: Addis Ababa 1968), oo dhigayay in hardanka xuduudaha ka taagan la dhameeyo, sarena loo qaado in la wada yeesho xidhiidh siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Laakiin, afgembigii Gen. Maxamed Siyaad Barre ee 1969, hub iyo saanad badan oo uu Midowgii Soofiyeeti ku caawiyay Soomaaliya iyo warbixino kolkaas soo baxay oo sheegay in saliid laga qodayo Ogaadeeniya (Oil Exploration), ayaa horseeday dagaalka.

Sawirkaan waa Xabsiga Jeel Ogaadeen wuxuu ku yaallaa magalada Jigjiga, wuxuuna ku fadhiyaa dhul weyn waxaana ku wareegsan darbi aad u dheer oo salig lagu wareejiyey. Albaabka hore ee laga soo galayo inkasta oo uu ku qoran yahay Xabsiga Dhexe ee Deegaanka Soomalida haddana xabsiga wuxuu ku soo caan baxay oo loo yaqaanna ‘Jeel Ogaadeen’.

Sidaas oo kale istiraatiijiyad ahaan, duullaanka ay dawladda Soomaaliya ku qaadday Ogaadeeniya, ayaa waxa u sabab ahaa xukuumaddii hore ee Itoobbiya oo dhacday (Xayle Salaase), ayna timid xukuumad kacaan oo cusub (Mengiste). Haddaba, daciifnimdaas darteed ay fududdahay in laga faa’iidaysto. Ta kale, waa in aanay keliya Itoobbiya ku furnayn xiisadda kacdoon ee Soomaali-Galbeed, balse sidaas oo kale xiisad kale ay kaga furantahay Eritrea.

Dhanka kale, millateriga Itoobbiya aad baa uu u daciifay, sababo badan awgood dhanka Ogaadeeniya iyo Eritrea, mooraal ahaan iyo in kaalmadii Maraykanku joogsatay bishii Abriil, 1977. Gen. Maxamed S. Barre, si kalena waa uu isu tusiyay wax, oo waxa uu damacsanaa haddii dagaal kaga adkaado, waaba uu kaga adkaan doonaaye, in Itoobbiya ay rabitaankiisa yeeli doonto. Dhulkaasna ay u oggolaan doonto.

Dhanka kale waxa uu ka cabsi qabay heshiiyadii dhanka ciidanka Millateriga ee Itoobbiya iyo Midowgii Soofiyeeti ay ku saxeexdeen (Moscow iyo Addis Ababa) intii u dhexaysay Diisembar 1976 ilaa May 1977, ay sababi doonto in labada dawladood (Ethiopia iyo Somalia) ay isku awood noqdaan. Taa isaga oo ka hortagaya ayaa uu damcay inta aanay xoogaysan Itoobbiya in uu dagaal ku qaado.

  1. Bilowgii Dagaalka 77

Horraantii June 1977 ka dib markii ay jabhaddii WSLF (Western Somali Liberation Front) ay ku jiraan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) ay gooyeen biriishkii isku xidhayay tareenka Itoobbiya iyo Djibouti, in kasta oo ay is tuurtuur dagaal socdeen. Ayaa haddana dhammaadkii bishii July 1977 ay ciidamada SNA iyo WSLF dagaal toos ah ku bilaabeen Ogaadeeniya. Muddo laba bilood ah ayaa ay gebi ahaanba dhulka Soomaali-Galbeed badankiisii ku qabsadeen.

Qabsashadaas fudud sababaha keenay waxa ka mid ahayd: in Soomaaliya ay hub ahaan iyo tababbar ahaanba ay ka sarreeyeen dhiggoodii Itoobbiya, mooraal ahaan ay dhisnaayeen, tiro ahaanba badnaayeen iyo in jabhaddii WSLF ay ka barbar dagaallameysay. Iyada oo ay guulahaasi dhaceen ayaa haddana ay ciidamada Soomaaliya (SNA) lahaayeen gal-daloolooyin lagaga guuleysan karo, ahna xaqiiqatan kuwo sababay in la jebiyo kolkii dambe.

Waxa ka mid ahaa: ma jirin taaktiik iyo istiritiijiyad ay ku haysan karaan dhulka ay qabsadeen, dagaalka oo ay ku galeen burburin badan, waxa ay sababtay in itoobbiyaankii mooraal ahaan ay shacab iyo dawladba uu dib u midoobaan.

“30 maxbuus annaga oo ah ayaan qolkaa yar ku xirneen sida eyda ayaan u sexan jirnay oo dusha ayaan iska wada fuuli jirnay maadaamaa qolka uu ciriiri ahaa. Askartana waxay nagu sameeynayeen si aan u seexan qolka dhan biya ayey ka soo buuxin jireen.” ayuu yiri Cali Xasan.

Ta kale, waa in ay adkayd, ayna fogeydna kaalmada ciidamada Soomaaliya, sida wax lagu soo gaadhsiiyaana ay adkeyd. Arrintaaas oo Itoobbiya ka caawisay in ay xooggeedii si degdeg u dhisto. Waxa soo raaca middaas in Soomaaliya ay dayactiri kari wayday qalabkeedii dagaalka iyo ciidankeediiba, sababta oo ah Noofembar 1977, waxa go’ay gebi ahaanba xidhiidhkii dibadda ee ay la lahayd Midowgii Soofiyeeti.

Ugu dambeyn, waa in weerarkii cirka ee Soomaaliya uu ugu horreyntiiba burburay, taas liddigeedii ciidamadii Soofiyeetka iyo Kuubaanka ee garbaha soo geliyay Itoobbiya waxa ay heleen dhuumihii ciidanka SNA wax looga soo gudbinayay oo ku yaallay Waqooyiga Ogaadeeniya, ka dibna waa ay burburiyeen. Wax difaac ah oo cirka ahna ma ay haysanin Soomaaliya xilligaas. Si kasta oo ay ahaataba, qodobka ugu weyn ee Soomaaliya lagu jebiyay waa in Itoobbiya ay heshay xulafo cusub oo adag (Soviet and Cuban Allies).

  1. Ku Lug-lahaanshaha Soofiyeetka iyo Kuuba ee 77

In kasta oo xidhiidhka dhanka millateriga ee Soofiyeetka iyo Soomaalidu uu bilowday 1963-kii, haddana waxa uu Soofiyeetku taageere dhaqaale iyo millateriba u fidiyay si rasmi ah horraantii 1970-kii. Sidaas oo kale dhanka Itoobbiya kacaankii ka dhashay 1974-kii, isagana Midowga Soofiyeeti iyo Kuubaba waa ay wada taageereen.

Sidaa darteed Soofiyeetku waxa damcay in labada dhinacba uu millateri ahaanba taageere u fidiyo. Gen. Maxamed Siyaad Barre dheg jalaq uma siinin Soofiyeetka oo xilligaas rabay in uu arrinta labada Dal isku hayaan uu dhexgalo, ama si kooban kuma uu qancin sida Soofiyeetku rabo.

August 1977-kii ayaa Soofiyeetku si badheedh ah u dhaleeceeyay dagaalka ay Soomaaliya ku qaadday dhulka Soomaali-Galbeed. Halka Maxamed Siyaad Barre uu xilligaas Moscow kala soo noqday fara madhanaan. Taa beddelkeedana Noofembar 1977, Soofiyeetka iyo Kuuba waxa ay sii kordhiyeen kaalmadii ciidanka ee Itoobbiya, halka ay hoos u dhigeen middii Soomaaliya. Cadaadiskaas darteed Gen. Maxamed S. Barre waxa uu gebi ahaanba xidhiidhka u jaray Midowgii Soofiyeeti, isaga oo eryay la taliyayaashii dhanka Millateriga ee Soofiyeetka iyo Kuuba, waxa uuna ugu gooddiyay in uu Galbeedka la saaxiibi doono.

Kaalmada uu Soofiyeetku u fidiyay Itoobbiya oo ahayd 1,300 oo diyaaradaha dagaal ee xammuulka ah. Sida oo kale waxa uu ugu deeqay 1,000 qalabka millateriga ah oo u qalma ku dhawaad haaf million dollar. Qalabkaas oo ahaa mid aad u horumarsan, kana casrisan midkii ay Itoobbiyaanku hore u haysteen.

Haddaba, si Itoobbiya hubkaas uu ugu dhawrsamo, Soofiyeetku waxa kale oo uu u soo raaciyay 1,000 qof oo isugu jira la taliyayaal iyo xirfadlayaal Soofiyeet iyo Kuubaan ah. Ugu dambeyn waxa dagaalka soo galey 17,000 oo ciidanka dhulka oo Kuubaan ah. Taas oo sare u qaadday dhinaca difaaca Itoobbiya, halka ciidamada cirka ee Kuubaankuna ay si wadajir ah ula dagaallameen ciidamada SNA ee Soomaaliya.

  1. Natiijadii Dagaalka 77

Gen. Maxamed Siyaad Barre, waxa uu si fudud ugu khamaaray dhulka Ogaadeeniya, waana taas waxa raaca in Soomaalidu ay saadaalisatay guul ay ka gaadho dagaalka, oo ay sabab u ahayd:

1) In ciidamada Itoobbiya aanay ka soo kaban doonin dhirbaaxada culus ee horraantii ay gaadhsiiyeen ciidamada Soomaaliya.

2) In Midowga Soofiyeeti iyo Kuuba ay arrintan dhexdhexaad ka noqon doonaan, ama ay ku fashilmi doonaan kaalmeynta Itoobbiya.

3) In Soomaaliya ay ujeedkeeda gaadhi doonto iyada oo khasaare fudud soo gaadhay, amaba ka hor inta waqtigu ka dhicin. Saddexdaas qodobna waa ay beenoobeen, oo liddigeeda ayay noqotay xaaladdu.

Ugu dambeyn warbixintani waxa ay inta dambe ka hadlaysaa sidii ciidamada Soomaaliya ay uga soo baxeen dhulka Ogaadeeniya, xaaladihhii ku hareeraysnaa ee Soofiyeetka iyo Kuuba. Sida oo kale jahbaddii WSLF iyo arrimo badan oo la xidhiidha. Jahbadihii kale ee bilaabmay sida SSF (SSDF) oo soo raacday Itoobbiya, ka dib kolkii dagaalkii laga soo noqday oo weli sii qoyanyahay. Qeybta ugu dambeysana waaxa ay ka warramaysaa danta Maraykanka iyo saadaalinta ay hay’addu ku sameysay xaaladdaas.


Fiiro gaar ah: halkan hoose kala deg warbixinta haayada sirdoonka Mareykanka ee CIA

https://www.cia.gov/library/readingroom/docs/CIA-RDP97S00289R000100190006-3.pdf

Facebook Comments