Hordhac: Duqeyda dhaqanka ee kala geddisan oo ay bulshada Soomaalidu muddo aad u badan uu ku dhisnaa hab-maamulkoodu, gumeystihii ka hor iyo ka dib. Waxa ay u noqdeen tiir adag dhismaha nabadda oo horseedda qarandhiska Soomaalida.

Dhammaan burburkii ka dib maamulladii la dhisay oo dhan waxa kaalin weyn oo muhiim ah ka qaatay duqeyda dhaqanka.

In ay duqeyda dhaqanku kaalin weyn ku yeesheen arrimihii siyaasaddeenna waa dood kale oo aynaan kaga hadlayn maqaalkan, laakiin kaalinta ay ku leeyihiin dhismaha nabadda ee bulshadeenna. Middaas oo horseed u ah had iyo jeeraale in la dhiso qaran nabaddiisu ay fadhido, sal adagna ay leedahay.

Tusaale ahaan dhismaha nabadda ee Soomaalilaan iyo Buntilaanba waxyaabaha ugu waaweyn ay ku taagan tahay waa duqeyda dhaqanka (Madax dhaqameedka ama Isimada). Haddaba maxaa ay Koonfurta Soomaaliya ee aan nabadda ahayn ay ka baran kartaa qaabdhismeedka nabadda iyo kaalinta dhaqanku ku leeyahay nabadeynta dalka, caqabadaha hortaagan, ururka Al-Shabaab iyo la dagaalanka uu kula jiro madaxdhaqameedka, weli ma la isku dayay in dhaqan wax lagu dhiso, saameyn intee le’eg baa uu ku yeelan karaa qarandhiska dambe iyo sida oo kale ma yahay qorshe guuleystay oo si toos ah (Practical) loo arkay? Waa wayddiimaha aynnu maqaalkan ku lafaguri doonno, haddii Eebbe idmahayo.

Madaxdhaqameedka Soomaalida

Taariikhda fog ee ay odayada dhaqanku ku dhex leeyihiin bulshada Soomaalida, waa mid guun ah oo ka soo bilaabmaysa ilaa asalkii Soomaalida iyo unkamiddoodii hore.

Taariikhda fog ee ay odayada dhaqanku ku dhex leeyihiin bulshada Soomaalida, waa mid guun ah oo ka soo bilaabmaysa ilaa asalkii Soomaalida iyo unkamiddoodii hore. Mar kasta oo ay bulshada tiradeeda wax ku kordhaan waxa ay ahayd mar kasta oo duubka iyo isimada la cumaamadayo ay sii kordhayeen.

Dhammaan beelaha Soomaalida ayaa ka wada siman oday laga qaato talada oo ay doorteen (Caleema-saaraan), hadhowtana ay wiilashiisu ka dhaxlaan talada. Waa hab sidii boqortooyada oo kale ah, laakiin ay taladu had iyo jeeraale dhextaallo duqeyda dhaqanka kale ee reeraha hoose leeyihiin (Tala-wadaag).

Kolka laga tago beesha guud, waxa haddana reeraha hoose, raasaska, jufooyinka ama laftuhu ay leeyihiin oday ka sokeeya midka guud oo u taliya, metela, kolka xaajo timaaddana lagala hadlo arrimaha u gaarka ah ciddaas uu metelo. Duqeyda dhaqanka iyada oo loo fiirinayo deegaannada kala duwan ee Soomaalida, qoloba waxa ay ula baxdaa magac u gaar ah, sida: Suldaan, Ugaas, Garaad, Isin, Caaqil, Boqor, Malaaq, Imaam, iwm.

Gumeystayaashii reer Yurub ee yimid carriga Soomaalida dhammaadkii qarnigii 19-aad, waxa ay bulshada kala dhaqmayeen odayada dhaqanka, weliba waa ay sharciyaynayeen oo ka dhigayeen wax bulshada lagula xidhiidhi karo weligeed. In kasta oo gumeystayaashu ka sinnaayeen in la burburiyo dhammaan wixii ay hore bulshadaasi u lahayd, sida: dhaqan, diin, caado, qiyam iwm.

Haddana Ingiriisku waxa uu istiraatiijiyaddaas beddelay kolkii uu bilaabmay kacdoonkii Mahdiga ee Suudaan iyo kacdoonkii Askarta Hindida. Taas oo sababtay in uu beddelo, oo uu bulshada u dhaafo wixii ay hiddaha u lahaayeen. Kuna qasbanaado la dhaqanka iyo sharciyaynta odayada kaaba-qabiillada, ama qowmiyadaha ah.

Walow ay arrintaas uu gumeystuhu ku kacay ay ahayd mid maanta ka dhex muuqata qarandhiska iyo nabad-dhiska Afrika, ayna yihiin dhaqanka iyo qabiilku waxyaabaha ay Afrika ka kori la’dahay. Kuwaas oo teed iyo caqabad aan la loodin karin ku noqday qaranimadii, muwaaddinnimadii iyo dawladnimadii casriga ahayd. Halka ay ahayd gumeystuhu maaddaama uu yahay xukumaha bulshada, yahayna midka u keenay hannaankan dawliga ah ee cusub, in uu baabiiyo oo burburiyo dhammaan aqoonsiyada kala duwan ee ay bulshadu kala sheeganayso, una sameeyo hal aqoonsi (Identity) ama sharci oo sugaya in bulshadu siman tahay.

Intii uu kala duwnaantii (Diversity) bulshada uu sii adkeyn lahaa, ayna noqotay waxa maanta cidhibta haya muwaaddinnimada iyo dawladnimada Afrika. Laakiin xaalku maanta waa uu ka duwanaan lahaa haddii uu u adkeyn lahaa, una sameyn lahaa wax guud oo ka dhexeeya oo ay mar walba wax ku dhisaan, ilaashadaan, dantiisana ka shaqeeyaan (Common Share).

Wax ay tahayba, hagardaamo iyo dhib ka ahaataa, ama talaxumo iyo wahsi ka ahaatayaaba, innaga ka bulsho ahaan ayay ahayd in aqoonyahanka iyo indheergaradku ay taladaas iyo dib-u-habeyntaas keenaan. Waxa se nasiibxumo noqotay in iyagiina ay dabka sii huriyeen oo baasiin ku sii daareen uun.

Sidee Madaxdhaqameedka Nabad Loogu Dhisi Karaa?

Qarandhiska dawladnimo waxa u shardiya had iyo jeeraale in wax lagu dhiso qaabdhismeedka bulshada (Social Structure). Horena waa aynu u tilmaamnay in gumeystuhu kaalin weyn uu ku lahaa in dawladnimada Soomaalidu ay had iyo jeeraale dhaqanka iyo isimadu ay bud-dhig u noqdaan. Saxnaanshaheeda iyo khaldanaanteeduna waa dood kale.

Haddaba sida aynu ognahay shirkii Carta ee 1999/2000 dadka ugu badan ee kaalinta weyn ku lahaa, in muddo toban sanno ka dib ah dib loo soo yagleelo dawladdii Soomaaliya, waa dhaqanka. Kolka laga tago hoggaamiyo kooxeedyadii iyo jabahadihii kala duwanaa.

Sidaas oo ay tahay beel wal oo Soomaaliyeed waxa u joogay isimo iyo wakiillo metelaya, kuwaas oo damaanad qaadaya in ay raalli ku yihiin dawladda la yagleelayo. Si ay oggolaansho buuxda u siiyaan maamulka iyo metelaadda shacabka guud ahaantiis. Waana halka aynu ka dhiraandhirin karno kaalinta uu dhaqanku ku leeyahay nabadeynta dalka.

Sidaas oo ay tahay hadda maaddaama oo caqabadda ugu weyn ee koonfurta Soomaaliya haysataa ay tahay argagixisada Al-Shabaab. Loona maaro la’yahay oo ay noqdeen tusbax furan oo loo taag heli waayay. Ayaa waxa ay su’aashu tahay sidee ayaa nabadeynta loogu adeegsan karaa duqeyda dhaqanka?

Dhallinta u dagaallamaysa kooxda Al-Shabaab ama ISS waxa ay ka dhasheen bulshada dhexdeeda, isin iyo duqey u taliya oo metela, masuulna ka ah baa ay leeyihiin. In loo adeegsado duqeydaas soo dabbaalidda wiilashaas faraha ka baxay waa mid ay masuuliyaddeeda ay leeyihiin iyagu. Shakhsiga wax dilaya, shakhsiga wax qarxinaya, shakhsiga xubinta ka ah iyo dhammaan cid kasta oo kaalmenysa ururradaas bulshada dhexdeeda iyo deegaannada waa ay ka dhex tilmaaman yihiin.

Isinka iyo odayga guud ee bulshadaa u taliya in lagula xisaabtamo waa mid horseedi karta dabridda ururka Al-Shabaab. Mana jiraan ogaalkay isimo aan xildhibaanno ku lahayn dawladda federaalka, gebi ahaantood waxa ay ku xidhan yihiin dawladda federaalka. Haddana deegaannadoodii iyo bulshadii ay metelayeenba ururkaas bay u afxidhan yihiin.

Soomaalilaan iyo Kaalintii Nabadeynta ee Madaxdhaqameedka

Dhismihii ugu horreeyay ee Soomaalilaan kaas oo ahaa sannaddii 1991-kii waxa kaalin weyn ku lahaa duqeyda dhaqanka ee bulshada. Heshiis ay isku waafaqeen, iskuna raaceen dhismaha dawlad ka wada dhexaysa ayaa ay Soomaalilaan ku timid. Sidaas oo kale isla shirkii labaad ee 1993-kii ay bulshada Soomaalilaan ku qabsadeen magaalada Boorama ee gobolka Awdal, waxa isagana lafdhabar u ahaa duqeyda dhaqanka Soomaalilaan. Waxa kale oo iyaduna ku xigtay shir saddexaad oo magaalada Hargeysa ka dhacay 1997-kii oo isna daarnaa nabadeynta dagaalladii sokeeye ee dhexmaray Soomaalilaan (1994 – 1997). Nabaddaas oo madaxdhaqameedka Soomaalilaan ay dedaal dheeri ah ku bixiyeen, ayna tahay midda sababtay soo afjaridda colaaddaas.

Saddexdaas shir ee Soomaalilaan ka dhacayba waxa lagu doortay saddex madaxweyne, kii koowaad ee magaalada Burco oo 1991-kii ahaa waxa la doortay Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur”, shirkii labaad ee magaalada Boorama oo ahaa 1993-kii waxa la doortay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, shirkii saddexaad ee magaalada Hargeysa oo ahaa 1997-kii, kaas oo nabadeyn iyo doorasho dadban ujeedkiisu ahaana, waxa mar labaad loo doortay madaxweynaha Soomaalilaan isla Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.

Dhammaan hannaanka doorashooyin ee Soomaalilaan iyo nabadeynteedaba waxa bud-dhig iyo udubdhexaad u ahaa madaxdhaqameedka.

Sidaas oo ay tahay ayaa madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal waxa uu madaxdhaqameedka Soomaalilaan hoosgeeyay, kana diiwaangeliyay wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaalilaan oo ay mushahar ka qaataan. Taas oo muujinaysa faa’iidada iyo muhiimadda ay shacabka Soomaalilaan u leeyihiin madaxda dhaqanku. Ilaa maantana kaalin weyn baa ay ugu jiraan, wixii dagaallo iyo colaado reereed ahna isla iyaga ayaa dhammeeya. Xaqiiq ahaanna middaasi waa wax ay ku ammaanan yihiin, bogaadinna waa ay mudanyihiin.

Al-Shabaab iyo Madaxdhaqameedka

Ururrada xagjirka ah sida Al-Shabaab iyo ISIS waxa ay dagaal adag kula jiraan madax-dhaqameedka had iyo jeeraale soo xula xildhibaannada federaalka. Ergooyin tira badan iyo madaxdhaqameed ka soo jeeda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa deegaannadooda iyo magaalada Muqdisho ay ku dileen tobankii sanno ee la soo dhaafay. Kuwaas oo u badan duqeydii iyo ergooyinkii soo xuley barlamaankii tobnaad 2016. Sida oo kale waxa ay Al-Shabaab hore wacad ugu martay in ay dili doonto ergada soo xushay xildhibaannada barlamaanka ee 2016-2017. Dilalka tirada badan ee ay kula kaceen waxa ka mid ah:

  1. 2dii bishii Julaay ee sannadkii 2018kii, waxa deegaanka Gamboole oo u dhow degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe lagu diley oday dhaqameed 93-jir ah oo lagu magacaabo Abshir Nuur Xuseen ‘Abshir Milis” oo ka mid ahaa ergadii soo xushay xildhibaannada 2016. Ka dib kolkii ay muddo afar bilood ah haysteen oo ay deegaanka ka qabteen, ayaa ay meel fagaare ah ku toogteen.” (GarooweOnline, Monday 02/07/2018).
  1. 7dii bishii Maarso ee sannadkii 2019kii, waxa degmada Boondheere ee ee gobolka Banaadir lagu diley haweenay ka mid ahayd ergooyinkii xildhibaannada ku soo doortay magaalada Jowhar, oo lagu magacaabo Baxsan Boolaay.” (Radio Shacab, Thursday March 07, 2019).
  1. 1dii bishii Julaay ee sannadkii 2018-kii, waxa degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir lagu diley Ibraahin Cali Xuseen, oo ka mid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaannada Golaha Shacabka ee maamul goboleedka Koonfur-Galbeed.” (Sagal Radio Services • News Report • July 1, 2018)
  1. Habeennimadii 1dii bishii Julaay ee sannadkii 2015-kii, waxa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose lagu diley Nabaddoon Cali Abubakar Xaaji Xasan ‘Cali-Gaab’. Cali waxa uu ka mid ahaa odayaasha Golaha Dhaqanka Gobolka Shabeellada Hoose, waxaana dilkiisa loo tiiriyay ururka Al-Shabaab.” (Dhacdo.COM 2nd July 2015).
  2. 1dii bishii Diisembar ee sannadkii 2016-kii, waxa gobolka Mudug ay maleeshiyaad Al-Shabaab ahi ku gawraceen siddeed oday dhaqameed, ka dib markii dadkii deegaanku ay diideen Sakada ay Al-Shabaab ka qaaddo shacabka.” (PuntlandMirror, 1 December, 2016).

Gumaadka ay Al-Shabaab ku hayso oday dhaqameedka Soomaaliya ayaa waxa uu daaran yahay laba qodob oo waaweyn: midi waa fekerka Al-Shabaab oo diiddan barlamaan, dimuqraadiyad iyo doorashooyinka ka dhaca Soomaaliya. Shakhsi wal oo ka qeybqaatana uu agtooda dil iyo gaalnimo ugu xukuman yahay. Midda labaadi waa in la helo oday dhaqameedyo carbisan, Al-Shabaab ka dambeeya oo ka cabsada, amarkooda iyo ajendayaashooda ku shaqeeya. Si ay Al-Shabaab ugu fududaato dano badan oo ay leedahay.

15kii bishii Julaay ee sannadkii hore ee 2019-kii, ayaa ay ururka Al-Shabaab soo saareen baaq ay ugu magac dareen “Towbad Keen”. Baaqaas oo daarnaa in ay gaalo yihiin dhammaan ergooyinkii iyo duqeydii dhaqanka ee ka qeybqaadatay soo xulista barlamaanka. Sidaa darteed ay ku towbad keenaan, iskana diiwaangeliyaan xarumaha ku yaalla deegaannada ay Al-Shabaab ka taliso, ee Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya. Iyaga oo u qabatay muddo dhan 45 maalmood oo ka bilaabmaysa 15-ka Julaay ilaa 1-da Sebtembar. (Gundhig.com, July 15, 2019). \Amarkaas iyo baaqaasi waxa uu fuley si toos ah, ka dib markii odayaashii dhaqanku ay iska xaadiriyeen xarumihii looga yeedhay.

Qaarkood tababbaro lagu barayo dhanka xagjirnimada iyo fikirka Al-Shabaab ayaa loo qabtay, qaarkood dib ayaa loo muslimiyay, shuruudo iyo heshiisna la soo galey Al-Shabaab. Kulmadii ugu horreeyay ee dhacay waxa ka mid ahaa kuwo ka dhacay deegaannada Mudug, Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Qarandhiska dawladnimo waxa u shardiya had iyo jeeraale in wax lagu dhiso qaabdhismeedka bulshada. Horena waa aynu u tilmaamnay in gumeystuhu kaalin weyn uu ku lahaa in dawladnimada Soomaalidu ay had iyo jeeraale dhaqanka iyo isimadu ay bud-dhig u noqdaan.

4tii bishii Ogoosto ee sannadkii 2019-ka waxa ay warbaahinta Al-Shabaab soo bandhigeen kulan ay deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan ku wada yeesheen guddoomiyayaasha Al-Shabaab ee gobollada Mudug, Hiiraan iyo Sahbeellada iyo duqeyda dhaqanka ee saddexdaas gobol.

Kuwaas oo ka mid ahaa ergadii soo xushay xildhibaananda federaalka. Odayadaas oo 33 ka mid ah ay ka yimaaddeen maamulgoboleedka Galmudug, halka 55 kalena ay ka yimaaddeen maamulgoboleedka Hirshabeelle. (Halqaran.com News, August 4, 2019). 30kii bishii Julaay ee sannadkii 2019-kii waxa ay Al-Shabaab soo bandhigeen ergooyinkii xildhibaannada soo xuley, kuwaas oo kulan loogu qabtay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Ergooyinkaas oo lagu sheegay 159 qof, ayaa isugu jirey kuwo kala metelayay maamulgoboleedyada Hirshabeelle, Jubbalaan, Galmudug iyo Koonfur-Galbeed. (Daljir.com, Luulyo 30, 2019). Idaacadaha ay Al-Shabaab maamusho sida Andalus ayaa tilmaamay in xilligii ay ku ekayd ballantu oo ahaa 1-da Sebtembar, ay ergooyinka isdiiwaangeliyay gaadhayaan ku dhawaad 635 ergo. (Calamada.com, Julaay, 2019)

Haddaba waxa is wayddiin mudan, maxaa loola shiray ergooyinka? Maxaa ergooyinka loo diiwaangeliyay? Maxaa lagala hadlay? Maxay se tahay natiijada ka dhalan doontaa?

Ugu horreyn ergooyinkani waa kuwo soo xula xildhibaannada dawladda federaalka iyo kuwa maamulgoboleedyadaba. Al-Shabaab waxa ay shantii sanno ee u dambeysay ay beddeshay istiraatiijiyaddii dagaalka, waxa ay u beddeshay in bulshada la isu ekaysiiyo (Haykal ahaan, dhisme ahaan iyo dhaqdhaqaaq ahaanba). Waxyaabaha ugu waaweyn ee ay ku hawlan tahay waxa ka mid ah in ay xildhibaanno Al-Shabaab metela ay ka hesho federaalka, iyaga oo u sii maraya ergooyinkan la dhufaanay.

Waxaana loo diiwaangeliyay in ay yihiin odayaal dhaqameed ka tirsan, metalayana danaha ururkaas. Wax kasta oo ururka Al-Shabaab u baahdo waxa ay u marayaan madax-dhaqameedka ay diiwaangeliyeen. Dhammaan ergooyinkan iyo madaxdhaqameedkan waxa la baray casharro la xidhiidha fikirka xagjirka ah ee Al-Shabaab. Intooda laga wareystay idaacadaha si qarsoon, waxa ay tilmaamayaan in la baray macnaha saxda ah iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Dabcan, waa sida Al-Shabaab u taqaan, uguna dhaqanto Shareecada Islaamka. Tusaale ahaan:

18-kii Sebtembar sannadkii 2019-ka waxa ay idaacadaha Al-Shabaab wareysteen haween ka kooban lix, oo ka mid ahaa ergooyinkii soo xuley xildhibaannada federaalka ee maamulgoboleedka Koonfur Galbeed. Haweenkaasi waxa ay sheegeen: in Al-Shabaab ay kala kulmeen soo dhaweyn fiican, cabsina aanay qabin hadda oo la cafiyay.

Sida oo kalena ay hadda fahmeen Islaamka, lana baray tiirarka Islaamka oo aanay markii hore garanahaynin. (Caasimadda.net, 18 September, 2019). Waxa ayna dhibaatada ugu waaweyne ee ay ergooyinku ka cabanayaan ka mid ah: in dawladdu aysan nabadgelyadooda ilaalin, xasaanadna aanay lahayn. Halka xildhibaannadii ay soo xuleen iyagu, ay nabadgelyo iyo xasaanadba leeyihiin.

Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad oo ay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC ay wareysi la waxa yidhi: “Walwal ayaan ka muujinayaa arrinkan, dhinacaas odaygu in uu nafiso oo uu dhinac ka nabadgalo ayaa la doonayaa, dawladduna shuruuc ayay leedahay, maxay Al-Shabaab kuugu yeertay? Waxay u baahan tahay in sharciga la waafajiyo, anigu waxaan qabaa haddii la jabhadaynayo oo meesha sharciga laga saarayo waa wax kale. Odaygu Shabaab ma dalban, isaguna ma aadin in lagu xidho anigu ma qabo. Meelaha laga qariban yahay ayay ka mid tahay, oo aan loo samayn wax nidaam ah, waa run odayga marka uu xildhibaanka keeno halkaas ayaa looga haraa, mushaharaad ma laha, ilaalo malaha!” (com/somali, 7 Ogoosto, 2019).

1-dii Sebtember 2019-kii oo ku beegnayd maalintii amarka Al-Shabaab uu ku dhammaa, ayaa Wargeyska ka soo baxa dalka Kiiniya ee lagu magcaabo The STAR, waxa uu soo saaray warbixin uu ugu magacdaray “Al-Shabaab oo laaluushaysa si ay xildhibaanno ugu hesho doorashada 2020”. Wargeyska oo soo bandhigay ilo wareedyo dahsoon oo uusan sheegin, kuwaas oo ahaa oday dhaqameedkii dhawaan u tagey Al-Shabaab, ayaa sheegay in muddo labaatan maalmood ah la haystay, laga lana soo xaajooday arrimo ku saabsan doorashooyinka.

Waxa ay yidhaahdeen odayadu: “Waxa nala siiyay dhar iyo lacag, waxa kale oo ay noo ballanqaadeen in ay bil kasta na siinayaan lacag 300$ ah, balse ay ku xidhan tahay hal shuruud oo ah inaan sameyno waxa ay iyagu nagu amraan. Waxa ay noo sheegeen in dalka ay Gaalo qaadanayso, sidaasi darteed aan badbaadinno, welina waxa aannu sugeynaa amarkooda.” (Garoweonline.com, 1 September, 2019). Hadalkan ay odayadu dhaheen maxaa yahay macnihiisu? Waa hadal cad, misena dahsoon oo u baahan in si wacan loo dhuuxo,

Dalka Gaalo ayaa qaadaneysee badbaadiya” waxa uu la macno yahay: “Dalka u doora xildhibaanno badbaadiya oo ah Al-Shabaab oo aannu annagu keensannay!”

Haddaba maxaa dhici doona haddii ay Al-Shabaab xildhibaanno ku yeelato barlamanaanka federaalka? Waa halis iyo khatar weyn oo aan la saadaalin karin. Haykal dawladeed oo dhismaya oo xididdadiisii ay xagjir iyo argagixiso ku ababeen, waxa uu noqon doonaa mid cidhibxumo ballaadhan ku yeelan doona Soomaaliya. Isbeddelka ku dhacay istiraatiijiyadda Al-Shabaab waa mid aad u weyn, ayna rabaan in haykalka (System) dawliga ah ay kaga qeyb noqdaan.

Saameynta Taban ee Nabadda Lagu Dhiso Dhaqanka

Aragti walba iyo shay walba waxa uu leeyahay saameyn taban iyo mid togan, ma jiro shay wada taban, ama wada togan. Nabadda iyo qaranka lagu dhiso dhaqan, weliba xaaladdeenna Soomaalidu waa mid cidhibxumo dambe leh. Waxa isku milmaya danihii qaranka ee aqoonta u saaxiibka ahaa iyo curfigii, qabiilkii baadiyaha iyo jahliga u saaxiibka ahaa. Waxa adkaanaysa in la helo muwaaddinnimo dhab ah, hayb qaran bulshada ka wada dhexaysa. Waxa kale oo ay horseedi kartaa in khilaafka iyo hardanka ka dhexjira reeruhu uu qaranka burburiyo.

Laakiin iyada oo arrimo badan oo dhib ahi ku geddaamanyihiin habkan, haddana waxa hadda lagama maarmaan ah in la sameeyo dhiigjoojin. Wax walba waxa ka muhiimsan, xataa caqabadaha dambe in hadda la helo nabad iyo xasilooni. Haddii awoodda la isugu geynayo in nabadda (Peace) lagu guntado, Soomaaliya 30-sanno bilaa nabad ma ay ahaateen. Nabaddu waa aasaaska nolosha iyo dawladnimada oo dhan. Waana halka dawladnimada Soomaalilaan laga soo bilaabay, in ugu horreynba nabadda lagu faraguntaday. Ka dibna loo gudbay wixii kale ee qarandhis, hay’ado dawli ah dhisidiwm.

Gunaanad

Ugu dambeyn waxa aan ku soo gabagabeynayaa in dawladda federaalka, indheergaradka Soomaaliya iyo aqoonyahanka iyo dhammaan cid kasta oo ku hawlan xal-u-helidda arrimaha Soomaaliya, ay isku dayaan habkan dhaqanka lagu dhisayo nabadda. Dawladaha iyo maamullada Soomaalida ee habkan guul ku gaadhayn ay wax ka bartaan.

Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in loo dhugyeesho, ishana lagu hayo musiibada dahsoon ee ka soo socota ergooyinka iyo madaxdhaqameedka ay Al-Shabaab la heshiisay, feker ahaan iyo siyaasad ahaanna ay u xukumeyso. Waxa kale oo aan ku soo afmeerayaa in dadka madaxda ah, kuwooda u bisil arrimahan ay miiska la yimaaddaan istiraatiijiyad qoran oo dhanka nabadgelyada ah (Strategic Security), lagu nabadeynayo Soomaaliya.

Facebook Comments