Qur’aanka barashadiisa waa halka aynu aqoonta iyo wax-barashada ka bilowno hadaynu soomaali iyo muslimiinba nahay, sida caadadeenu tahay ilmaheena iyagoo aad u da’ yar ayaa hinkaada carabiga iyo Qur’aanka barashadiisa loo bilaabaa, waxaa lageeyaa dugisayada (malcaamadaha) Qur’aanka wiilal iyo gabdhaba, waxaa dhiga dugsiyada macalimiin Illahay khayr hasiiyee iyagu ah kuwa hidaayada farta inoogu fiiqa marka aynu garaadsano kadib.

Dadkeena soomaaliduna aad ayay aduunka oo dhan caan uga yihiin marka Qur’aanka xifdintiisa laga hadlayo, tartanada golayaasha caalamka ayaynu koobka u qaadnaa meelo badan iyo marar badan.

Ma doonayo inaan faallo dheer ka qoro dugsiyada iyo macalimiinta dhigta, balse waxaan rabaa inaan talooyin kooban oo wax-tar leh usoo jeediyo macalimiinta Qur’aanka dhigta, sida aan soo sheegay tarbiyadda ilmaheena iyo waxbarashadooduba waxay ka bilaamataa dugsiga Qur’aanka in la geeyo.

Waxaana ognahay in tarbiyadda ubadka yaryari ay howl badan tahay cilmi balaadhan oo la bartana ay tahay oo takhasusaadkiisa leh, marka ilmaha la tarbiyaynayo waxyaaba badan ayaa u baahan tixgalin sida jinsiga, da’da, marxalada cimri, garaadka, nooca awoodda fahanka, duruufaha ardayga ku xeeran iwm oo badan.

Dhammaan waxyaabahaasi tixgalintooda ayay leeyihiin cilmiga tarbiyadda ayaana looga hadlaa, waana waxyaabo qof walba oo macalin (bare) noqonaya loo baahan yahay in uu fiiro iyo aqoon u leeyahay si uu xaalad walba tixgalinteeda u siiyo, qodobkaas ku dheeraan mayo waa iga baraarujin.

Dugsiyadeena waxaa ka jira dhaqan soo jireen ah oo ilmaha in la dilo oo dil Qur’aanka lagu xifdisiiyo ah, caruurta dugsiyada Qur’aanka in lagu dilo (garaaco) waa caado aad u baahsan, waxaa jira naynaaso caan ah oo ay macalimiinta Qur’aanku leeyihiin: macalin basbaas, macalin jilicow, dharbaaxa wayne iwm.

Ilmaha oo la dilo khasabna wax lagu xifdisiiyo waxay leedahay saamayn xun oo noloshooda iyo habdhaqankooda qofnimaba u daran, garaacida xad-dhaafka ah ee ilmaha yaryar la garaaco saamayn jidh ahaaneed iyo mid nafsadeedba way leedahay, arrintaas waxaa lagu faahfaahiyaa buugaagta laga qoray caruurta iyo tarbiyayntooda, balse anigu hada waxaan doonayaa inaan dhan kale macalimiinta wax uga iftiimiyo.

Waxaan rabaa inaan wax ka tuso xagal kale oo uu macalin walba heer walba oo ay aqoontiisa iyo garaadkiisu yahay uu fahmi karo aadna uu ila garan doono, kadibna waxaan u raacinayaa taladayda ku aadan hab dhib yar oo Qur’aanka ilmaha loo bari karo iyagoo haaraan iyo hiif la marsiin, la nacsiina dugsiyada Qur’aanka waana tan hada jirta in caruurteenu iskuulka ay ka jecel yihiin dugsi Qur’aanka.

Macalinku waa in uu ogaadaa ilmaha yaryarka ah ee dugsiga loogu keenay in ay iskugu jiraan dadkii bari kala noqon lahaa dhammaan noocyada ay bulsho leedahay, mid walbana uu leeyahay kartida iyo awoodda waxa uu dookhandoono berri marka uu ismaamul gaaro, caruurtan yaryar ee Qur’aanka dhiganaya waxay isugu jiraan berrina u kala baxayaan: aqoonyahan, dhakhaatiir, makaanikyo, darawalo, bayloodyo, hoggaamiyaal, siyaasiyiin, askar, tuugo, dambiilayaal iyo dhamaan noocyada kale ee bulsho leedahay, cunug walbana waxa uu berri xirfadda iyo camalka uu ka dhigan doono inta uu yaryahay ayuu leeyahay awoodda iyo kartida waxaas uu berri dooran doono.

Waxyaabaha kale oo Qur’aan xifdintu ka mid noqon kartana waxaa laga yaabaa inuusan firfircooni iyo rabitaan badan uusan u ahayn, sidaas awgeed waxaa macalinka looga baahan yahay in uu xaqiiqadaas uu ogsoonaado tixgalinteedana uu siiyo, waa inuu isku dayaa in uu caruurta loo keenay ee ardaydiisa noqotay uu fahmaa mid walba iyo waxa uu kartida gaarka ah u leeyahay kuna wanaagsan yahay, waa inuu si gaar ah uu xoog usaaraa iskuna dayaa in uu xifdisiiyo Qur’aanka inta awoodooda xifdi ay aad u sarayso hamigooda inay wax xifdiyaana uu wanaagsan yahay.

Inta kale ee aan xifdiska ku wacnayn ma aha in ay damiino yihiin ama aysan qaymo lahayn ee waa inuu ogaadaa inay yihiin kuwii berri bulshada kaalimo muhiim ah u buuxin lahaa, hadaba qaarka aan xifdiska ku wacnayn sidee iyaga Qur’aanka loo barayaa inee waalid baa keenay dugisga Qur’aanka ha la ii baro oo hala xifdisiiyo leh; waa tan taladaydu:

Sideedaba waxaa muhiim ah inaan fahano in Qur’aanka oo la xifdiyo aysan waajib ahayn inta salaada uu qofku ku tukanayo xifdinteeda mooyee, sidaas darteed laguma dili karo loogumana xadgudbi karo ilma saqiir ah in uu Qur’aanka xifdin waayay, ra’sumaalka dhabta ahna waa Qur’aanka in si bilaa laaxin ah loo akhriyo ee ma aha in xifdin mudo yar kadib la hilmaami karo la isku hawlo ama ilmaha lagu hawlo.

Adkeynta iyo ciriiri ka dhigidda fahamka diinta islaamka ee fudud waa waxa kaliya ee caawinaya kuwa ku shuqlan inay dadka diinta ka fidneeyaan. Laga soo billaabo aabaheen Nabi Aadan Naxariis iyo nabadgalyo eebbe korkiisa ahaataye ilaa laga soo gaaro Nabigeennii suubanaa naxariis iyo nabadgalyo eebbe korkiisa ahaataye waxay dadka ugu baaqayeen hal jid oo ahaa jidkaas diinta Islaamka ah , jidkaas oo ah ka addoonka u ridaya dariiqa loo marayo Jannada Ilaahay addoomadiisa wanaagsan u yaboohay, kii diin kale raacaana Eebbe ka yeeli maayo.

Talada aan hayo ayaa ah in ilmaha inta ay yaryaryihiin hinkaada si wacan loo wada baro, kadibna la xifdisiiyo labo ilaa sedex jus oo Qur’aanka kamid ah si ay salaada ugu tukadaan, intaas kadibna in Qur’aanka kitaabka looga akhriyo si saxanna uu ardaygu uga baxo Qur’aankii la siiyay isaga oo kitaabka ka akhrinaya macalinka hortiisa, taas waxay sahlaysaa in ilmaha yari uu mudo yar Qur’aanka ku dhameeyo isaga oo si sax ah kitaabka uga wada akhrin kara niyad wanaagsanna u haya dugsiga dhigashadiisa.

Sidoo kale waxay arrintani sahlaysaa in marka uu waynaado uu Qur’aanka jaceyl u hayo saaxiibna uu la ahaado akhriskiisa maalintii uu go’aan ku gaaro in uu Illahay darti Qur’aanka u xifdiyana in uu Qur’aan si bilaa laxni ah uu kitaabka ka xifdiyo isagoo aan dugsi iyo macalin u baahan, halka marka la dilo uu niyad-jab dugsigii ka qaadayo Qur’aankana maalinta uu dugsiga ka baxo ay ugu dambaynayso.

Macalinku waa in uu xaqiiqadaas tixgaliyo caruurtana uusan simin kuligood, in ay Qur’aanka xifdiyaana waa inuusan waajib uga dhigin ee uu la socdo mid walba iyo awooddiisa fahan sida ay tahay, kii jus xifdin kara, kii laba xidin kara, kii toban xifdin kara iyo kii isagoo dhan xifdin kara mid walba waa inuu u tixgaliyaa awoodda iyo fahanka Rabbi u uumay.

Waxa kaliya ee loo baahan yahay in uu ardada ka simo si isku mid ahna uu ugula dadaalo ayaa ah in uu hinkaada si wanaagsan u baro Qur’aankana ay si bilaa laxni ah kitaabka uga akhriyaan.

Facebook Comments