Kadib dagaalkii 1967 ee Israa’iil iyo Carab oo dhex maray Masar, Urdun iyo Suuriya oo dhinac iyo Israa’iil oo dhinaca kale, waddamada carabta ayaa kafaala qaaday oo riixay qaraarkii Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay 242. Qaraarkii UNSC ee 242 ayaa sanadihii ugu dambeeyay loo adeegsan jiray aasaaska ee wadahadalada u dhexeeya carabta iyo Israa’iil. Qaybta ugu muhiimsan ee qaraarkaan ayaa ah in Israa’iil ay dib u siiso dhammaan dhulkii ay qabsatay dagaalkii 1967.

Jaamacada Carabta waa urur kulmiya wadamada carabta. Waa urur kulmiya wadamo ku yaala Afrika iyo Aasiya xubnaha kujira waxaa loo yaqaanaa dawldaha caraba. Waa dawlado wadaaga arrimo dhaqaale iyo arrimo siyaasadeed.

Ilaa Israa’iil ay ka wareejiso dhulalkaas Jaamacadda Carabtu waxay ogolaatay inaysan nabad helin, aqoonsi iyo gorgortan midna lala yeelan doonin dawladda Israa’iil.

Si kastaba ha noqotee, Masar iyo Jordan waxay jabiyeen jaranjaradii 1977 iyo 1994 siday u kala horreeyaan markii ay wadahadallada galeen, waxay saxiixeen heshiisyo nabadeed waxayna xiriir rasmi ah la galeen Israa’iil. Israa’iil iyo dalka Imaaraadka Carabta ayaa kala saxiixday heshiis si dib loogu soo celiyo xiriirka labada dhinac. Israa’iil ayaa waxay aqbashay inay joojiso qorsheeda ay isku sii ballaarinayso qeybo ka mid ah daanta galbeed.

13kii agoosto 2020 Israa’iil iyo Isutagga Imaaraatka carabta (UAE) waxay ku heshiiyeen inay caadi ka dhigaan xiriirka ka dhigaya UAE dalkii seddexaad ee carbeed in ay heshiis nabadeed la saxiixato oo ay caadi ka noqoto Israa’iil.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dad badan ka yaabiyay markii uu kaga dhawaaqay Aqalka Cad. Saxiixa rasmiga ah ee heshiiska u dhexeeya Israa’iil iyo UAE uu ka dhici doona Washington, Trump ayaa xaqiijiyay.

Rai’sul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa soo dhaweeyay waxaa uuna sheegay in ay tahay tallaabo loo qaaday dhanka nabadda bariga dhexe. Madaxwaynaha Masar Cabdul Fattah Al-Sisi ayaa dhankiisa soo dhaweeyay heshiiska, halka wasiirka arrimaha dibadda Urdun uu sheegay in heshiiskan uu gacan ka geysan doono in wadahadaladii istaagay lasii wado.

Isxasuusin:- Qorshaha Trump ee nabadeynta Israa’iil iyo Falastiin oo loogu magac daray “Heshiiska Qarniga” ayaa dhigaya in dhammaan deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed ay kusii jaraan gacanta Israa’iil. Wasiir Naftali Bennett, oo ka mid ah dowladda isbaheysiga ee Netanyahu, balse ka tirsan xisbiyada midigta fog, ayaa amray in la sameeyo koox sharciga iyo madax-banaanida Israa’iil ku dabaqda dhammaan deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed.

Daanta galbeed: waa dhul xiran oo ka mid ah dhulka Falastiin. Daanta galbeed, waxaa bariga kaga xiga Wabiga Urdun, dhinaca waqooyiga iyo galbeedka iyo koonfurtaba waxaa kaga dhagan xariiqanta Cagaaran oo Israa”il sameesay sanadka marka uu ahaa 1949kii, waa markii uu dhamaaday dagaalkii Carabta iyo Israa’iil 1948ii. Dadka degen Daanta galbeed, waxay gaarayaan, in ka badan 2,4 miliyan oo qof.

Falastiiniyiinta ayaa hadalladiisa ku macneeyey inuu caddeyn u yahay in qorshaha Trump uu Yahuudda u fasaxayo inay si rasmi ah u sheegato Daanta Galbeed, oo ay haysatay tan iyo sanaddii 1967-kii, markaasi oo ay ku qabsatay dagaalkii carabta iyo Israa’iil.

Bishii maay ee sanaadkaan, Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa ogolaansho siiyey Israel, si ay u goosato oo ay ugu darsato qeybo ka mid ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Anadolu Agency.
“Dowladda Israel ayaa go’aan ka gaari doonta arrinta, oo ah goorta iyo sida ay ugu darsaneyso,” ayuu Pompeo ku yiri wareysi uu siiyey Kan Radio oo ku yaalla Israel.
“Waxaan rajeynayaa in Falastiiniyiinta ay fahmaan in nabadda ay wax wanaagsan u tahay,” ayuu Pompeo ku yiri wareysiga oo uu soo xigtay wargeyska Jerusalem Post.

Heshiiskii 13 agoosto ee u dhaxeeyey Isutagga Imaaraatka Carabta iyo Israa’iil: Sida uu sheegayo Trump, Israa’iil, waxay sidoo kale, ogolaatay inay joojiso dib-u-dhiska Daanta Galbeed. Tallaabadan ugu dambeysay ee ay sameeyeen xubin ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa wali ah dib u dhac kale oo ku yimid halganka Falastiin, waxayna sii daciifin doontaa Jaamacadda Carabta.

Toddobaadyada soo socda ayaa waxaa kulan yeelan doona ergooyiin ka kala socda Imaaraadka iyo Israa’iil si loo saxiixdo heshiisyo laba geesood ah. Heshiisyadan ayaa ah kuwa la xiriira maalgashiga, dalxiiska, duulimaadyo tooska ah, ammaanka, isgaarsiinta, tiknoolajiyada, tamarta, caafimaadka, dhaqanka iyo deegaanka. Waxaa sidoo kale ka mid ah in labada dhinac ay is waydaarsadaan safiiro. Wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa sheegay aqoonsiga ay Imaaraadak aqonsadeen Israa’iil inay ahayd “tallaabo geesinnimo leh “.

Way adkaan doontaa in Israa’iil lagu cadaadiyo inay si caddaalad ah ula dhaqanto Falastiin maaddaamaa xubno badan ay jabsanayaan safka. Mid ka mid ah himilooyinkii Jaamacada Carabta ayaa ahayd in la sameeyo siyaasad shisheeye oo wadashaqayn dhexmarta dawladaha carbeed. Wadahadalka nabada ee Falastiin iyo Israa’iil ayaa wali ah arimaha ugu yar ee had iyo jeer lagu gaaro isfahamka goobahaas.

Siyaasadda arrimaha dibedda ee dhowaan taagan, ee adag keligeedna ah ee UAE ee la xiriirta Israa’iil iyo arrimaha kale ee gobolka waxay u egtahay inay caado u noqon doonto waddamada kale inay suurogal ka dhigto arrinta soo socota.

Sacuudi Carabiya ayaa horay u muujisay damaceeda ah inay caadi ka dhigato xiriirka iyada oo xiriir joogta ah la leh Israa’iil. Israa’iil iyo Saudi Arabia ayaa lagu soo waramayaa inay wadeen shirar qarsoodi ah tan iyo bishii Diisambar ee la soo dhaafay, taas oo ku saabsan in ay ka mid yihiin wakiilo ka socda Sacuudiga oo jooga Golaha Waqf Islamic Comfund ee Al-Aqsa ee Jerusalem.

 

Heshiiskan Falastiiniyiinta muxuu uga dhigan yahay?

Heshiiskan Israa’iil iyo Isutagga Imaaraadka Carabta wuxuu ka dhex abuurayaa iney labada dal safaarado isdhaafsadan, wuxuu sida oo kale heshiiskan uu jabinayaa qodobbo ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu adag ee ay sanado badan ay Falastiin iyo Israa’iil iskumari waayeen oo ah qorshaha Israa’iil ay ku dooneyso iney ku qabsato dhul hor leh oo ka mid ah daanta galbeed ee Falastiin.

Ra’isal wasaaraha Israa’iil Bejamin Netanyahu wuxuu sheegay dhulka Israa’iil inuu 30% uu u ballaarinayo dhinaca daanta galbeed oo ay Falastiiniyiintu ku hamminayaan inuu ka mid noqdo dal madax bannaan oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin sida uu dhigayo waxa looga yeeray heshiiska Trump uu damacsan yahay. Falastiiniyiintu waxay sheegeen tallaabbada noocaasi ah iney halis ku tahay dowladnimadooda inkasta oo ilaa iyo hadda oggolaashihi ugu dambeeyey aan laga helin dhinaca Washington taasoo u muuqato inuu qorshahaasi istaagay.

Hoggaamiyayaasha Falastiiniyiinta ayaa la sheegay inay tallaabadani ay la yaab ku noqotay.

Afhayeen u hadlay madaxwaynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbas ayaa heshiiskan ku tilmaamay ” khiyaano qaran “, islamarkana waxaa dib loogu yeeray safiirkii Falastiin u fadhiyay Imaaraadka.

Falastiin waxay dhalleeceysay qaab dhismeedka xiriirka dhow ee labada dal. Sida ay qabaan falastiiniyiinta, “Falastiin muddo tobanaan sano ah ayey si joogto ah u baahnaayeen. Is-afgaradku wuxuu billaabmay 1948 markii kumanaan reer Falastiin ah laga eryay dhulkoodii, marna ma laga joojineynin dib-u-cusbooneysiinta dhulkoodii”.

Si kasta uu qofku u akhriyo heshiiska diblomaasiyadeed ee Khamiista u dhexeeyey Israa’iil iyo Imaaraatka – runtiina waxaa jiri doona taageerayaal badan iyo dhagar-qabayaal marka loo fiiriyo dabeecadiisa taariikhiga ah – waxaa jira hal gabagabo oo umuuqda mid aan laga quusan karayn: Israa’iil ayaa lahayd guushii ugu weyneyd. Israa’iil, gaar ahaan Benjamin Netanyahu, wuxuu dhaliyay guul weyn. Isaga oo joojinaya hanjabaadaha ku wajahan qaybo ka mid ah Daanta Galbeed si uu u helo sharciyeyn buuxda, wuxuu naftiisa u oggolaaday inuu ka laabto ballanqaadkaas laakiin laga yaabo inuu ka laabto qodobo kamid ah heshiiskaas.

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Teyib Erdogan ayaa ka hadlay heshiiska taariikhiga ahaa ee ay gaareen dalalka Imaaraatka Carabta iyo Isra’iil. Madaxweyne Erdogan oo khudbad ka jeediyay telefishenka ayaa sheegay in dalkiisa ay dhici karto in uu xiriirka u jaro Imaaraatka, waxaana sababta uu ku sheegay xiriirka ay la yeelaneyso Isra’iil.

“Tallabaad la xiriirta arrinta Falastiin, ma ahan mid inaga dageyso, waxaa laga yaabaa in aan qaadno tallaabo aan meesha uga saareyno xiriirka diblomaasiyadeed ee naga la dhaxeeya Abu Dhabi, waxaana dhici karta in aan u yeerano safiirka halkaa inoo fadhiya,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Erdogan ayaa intaa sii raaciyay “waxaan garab taaganahay shacabka Falastiin, waligeenna ma oggolaanin in Falastiin la burburiyo.”

Imaraadka carabta ayaa horaantii bishaan ku dhawaaqday inay si guul leh u bilaawday warshadheeda tamarta nukliyeerka Barakah, oo ah tii ugu horeysey ee wadamada carabta iyo talaabo muhiim ah oo ku wajahan hadafkii wadanka ee koronto la’aanta.

Si kasta oo ay ahaato sababaha qaarkood waxyaabo la hubo, oo ay ka mid tahay in Trump uu heli doono sawirkiisii ugu dambeeyay ee muuqaalka leh ka hor doorashooyinka ka dhacaya Rose Garden ee Aqalka Cad. Imaraatka waxay ku biiri doontaa horyaal awood-yahannada gobolka. Netanyahu wuxuu suurtagal usii dheerayn karaa cimrigiisa siyaasadeed, waana Falastiiniyiinta cidda khasaaray.

“Qaar ka mid ah dalalka Carabta ee taageeraya qorshaha noocan ah waxay sameynayaan Khiyaano Qaran oo ka dhan ah Qudus, shacabkooda iyo guud ahaan bani’aadannimada” ayuu Erdogan u sheegay madax goboleedyada xisbigiisa oo uu kula kulmay Ankara. Erdogan oo ah hoggaamiye diinta Islaamka ku adag, una ololeeya xuquuqda Falastiin, ayaa si gaar ah u magacaabay Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Masar, Baxreyn iyo Jordan.

Facebook Comments