Soomaaliya waxa ay maanta ku sugantahay marxalad kala guur ah, oo kala gaash ah, waxaa wali lagu muransanyahay habka ay dalkaan ugu dhici lahayd doorashooyin waqtigooda ku dhaca islamarkaana wadar ogol lagu yahay.

Dhinaca kale madaxda dowlada dhexe oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waxaa uu ku doodayaa in uu dalkaan ay ka qabsoomaan doorashooyin baarlamaan oo ay shacabka Soomaaliyeed ay soo doortaan hadba xildhibaankii matali lahaa sidaasna xukunka dowladeed ee Soomaaliya lagu soo celiyo gacanta shacab weynaha Soomaaliyeed.

Siyaasiyiinta iyo mucaaradka waxa ay ku micneeyeen hadalka madaxweynaha siyaabo kala duwan oo ay iyagu la tahay, qaar waxa ay fekerka madaxweyne Farmaajo ku micneeyeen in uu ku doonayo muddo kororsi iyo dib u dhac ku yimaado doorasho waqtigeeda ku qabsoonta.

Waxaa barbar socda arintaas dowlad goboleedyada dalka ka dhisan oo iyaguna meesha ka saaray in muddo kororsi uu yimaado, iyadoo ay ugu sii dambeysay isu imaatinkii Dhuusamareeb1iyo2 oo ay dhinacyada dowlada dhexe iyo kuwa goboleedyada ay kaga shireen sidii xal looga gaari lahaa doorashooyin waqtigooda ku dhaca oo loo dhanyahay.

Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo waxaa uu ku adkeysanayaa in dalka Soomaaliya 50 sano ka dib ay ka dhacdo doorashooyin ay shacabku soo dooranayaan iyadoo taasi la dhihi karo in loo baahna xukuumadii uu isaga magacaabay tan iyo markii xilka loo doortay ay u suura gali weyday inay hirgaliyaan arinta madaxweynuhu rabay ee qof iyo codka, waxaa taasi ka daran in madaxweynuhu uu daaqada ka saaray reysul wasaarihiisii Xasan Cali kheyre oo ay isku xisbi ahaayeen islamarkaana ay ka dhexeysay mowqif iyo mabda’ siyaasadeed oo ay rabeen inay talada Soomaaliya ku maamulaan.

Nasiib darro markii la gaaray xaaladihii ugu dambeeyey ee muddo xileedkooda waxaa dhacday kala aragti duwanaansho sababtay in reysul wasaare kheyre lagu rido oo xilka looga tuuro. Ma tahay in xilligaan oo ay Farmaajo u harsantahay wax ka yar 6 bilood uu reysul wasaare soo magacaabo ku hirgalin karo damaciisa qof iyo codka ah?

Haddii aan daba raacno weydiintan waxay noqoneysaa in aysan suura gal ahayn iyadoo la wada ogyahay gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil mar ay hadal ka jeedineysay golaha shacabka ay dalbatay in muddo 13 bilood fursad ahaan loo siiyo si ay ugu soo shaqeyso qaabkii doorashooyinka dadweynaha ku dhici lahaayeen, isla hadalka Xaliimo yareey haddii aragti dhexeysan laga bixiyo waxay noqoneysaa in muddo kororsi ay dhacdo iyadoo la wada ogyahay in mucaaradka, maamulada, iyo beesha caalamkuba si weyn kaga biyadiideen in muddo kororsi ay ku dhacaan madaxda villa Somalia.

 

Xalku muxuu yahay?

Soomaaliya waa dal burbursan in ka badan rubuc qarni oo aysan ka jirin nidaam dowladeed oo hufan islamarkaana gacanta ku haya awooda dalka, iyadoo sidaa ay tahay usii dheeryihiin kooxo Islaamiyiin ah oo 15kii sano ee ugu dambeeyey qaybo badan oo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay ka araminayaan taasoo sababtay in kooxahaasi wali lala gaarin xal iyo xeelad midna.

Jamhuuriyadda Soomaaliya in la isku celiyo ama in Somaliland ay noqoto waddan gooni u taagan, waa arrin ku xiran dadka Soomaaliyeed ee ku nool Soomaliya iyo Somaliland. Abiy Axmed midnimo ma keeni karo, iyo Erdegon toona ama Switzerland; sidoo kalana, Imaaraad ama Ameerikaan iyo Ingiriis midna kala go’ ma hirgelin karaan, sideedana, maba habboona, in waqti-badan la isaga dhumiyo, tuhun ah in ajaanib ay xalkeeda hayaan, xaajo, dhab ahaantii, gacanta Soomaalida ku jirta.
Weliba, khilaafka Soomaaliya iyo Somaliland laguma xaliyi karo wax aan ahayn, in ay gacanta la galaan xeer-beegti iyo xeel-dheerayaal, (ahlul-xalli wal-caqdi) ama dadka ay tahay in ay taliyaan; waana in hawsho xallinta khilaafka la siiyo waqti ku filan, si ay u bax-naaniyaan waxgaradkaas.

Dhanka kale waxaa ka jira gobolada Waqooyi ee Soomaaliya maamul iyaga u gaar ah oo ay ku doonayaan inay kaga go’aan Soomaaliya iyo inteeda kale taasoo muddo 30sano ku dhow ay sheegtaan inay yihiin dal madax banaan hase yeeshee aan helin aqoonsi caalami.

Jamhuuriyadda Soomaaliya in la isku celiyo ama in Somaliland ay noqoto waddan gooni u taagan, waa arrin ku xiran dadka Soomaaliyeed ee ku nool Soomaliya iyo Somaliland. Abiy Axmed midnimo ma keeni karo, iyo Erdegon toona ama Switzerland; sidoo kalana, Imaaraad ama Ameerikaan iyo Ingiriis midna kala go’ ma hirgelin karaan, sideedana, maba habboona, in waqti-badan la isaga dhumiyo, tuhun ah in ajaanib ay xalkeeda hayaan, xaajo, dhab ahaantii, gacanta Soomaalida ku jirta.

Weliba, khilaafka Soomaaliya iyo Somaliland laguma xaliyi karo wax aan ahayn, in ay gacanta la galaan xeer-beegti iyo xeel-dheerayaal, (ahlul-xalli wal-caqdi) ama dadka ay tahay in ay taliyaan; waana in hawsho xallinta khilaafka la siiyo waqti ku filan, si ay u bax-naaniyaan waxgaradkaas.

Sidaas darteed, qaabka ugu habboon ee xal loogu heli karo khilaafka daba-dheeraaday horumarkana dabraya ee Soomaaliya iyo Somaliland, waa in labada dhinac ay abuuraan laba guddi qaran, joogto ah oo ay ku jiraan cid kasta oo aan laga maarmin, lana siiyo muddo ugu yaraan saddex ilaa shan sano ah si ay xal waara u keenaan, iyaga oo soo hormarinaya talooyinka iyo xalka si dhib-yar loo hirglin karo labada dhinac-na ka gadmaya, isla markaana wixii aad loogu kala aragti duwan yahayna dib u dhigaya.

Sida muuqata labada dhinacba, guddiyada hadda jira waa guddiyo xukuumadeed; haddii xal waara, oo loo aayo la doonayo, waa in hawsha loo xilsaaro guddiyo qaran ama lagu dhan yahay. Tusaale ahaan, waa in baarlamaanada labada dhinac uu midkiiba soo xulo laba mudane, oo iyaga matala hawshana ku habboon; sidoo kale Aqalka Sare iyo Golaha Guurtidu waa in ay soo xulaan midkiiba hal mudane ama labo, xukuumaduhu waa in iyana soo xulaan laba qof oo miisaan leh kuna habboon hawshaan, culumada laba dhinac waa in ay iska soo dhex-saaraan dhan kasta laba sheekh ama caalim, ganacsatada labada dhinac waa in ay ka yimaadaan dhiniciiba laba wakiil, hoggaanka dhaqanka waa in ugu yaraan Somaliland ay soo dirsato laba wakiil, Soomaaliyana labo kale.

Iyadoo ay jiraan dhibaatooyinkaasi iyo duruufo adag ayaa dadka siyaasada falan qeeya ku micneeyeen iyadoon xal laga gaarin arimaha kooxaha Islaamiyiinta iyo gobolada waqooyi maamulka ka dhisan aysan ku habooneyn in Soomaaliya ay ka qabsoonto doorashooyin shacab, waxaana sabab u ah bay yidheen in loo baahanyahay amni guud iyo ciidan awood leh oo talada dalka si isku mid ah u maamula, waxaana taasi ay meesha ka saareysaa hadalka Xaliimo yareey ee ku aadan in 13 bilood ay doorasho qof iyo cod ah ku qabaneyso.

Ugu dambeyntii xalka aan u baahanahay waxaa uu yahay in loo turo shacabka daalan ee daruufeysan oo muddo badan aanan helin dowlad u adeegta badalkeedana loo baahanyahay xal ah isu tanaasul iyo wada ogol heshiis lagu yahay oo aysan ahayn in madaxdu kursiga sii joogaan iyagoon raali looga ahayn, mucaarad iyo muxaafadna waa inaysan ahaan hab fekerkooda mid ku saleysan danohooda gaarka ah ee kursi doonimo iyo kursi diidnimo oo ay ahaataa danta shacabka daalan iyo sidii looga fogaan lahaa dib usocosho.

Facebook Comments