“Ninkii aan qorshe degsan, nin qorshe leh ayaa qorshihiisa ku buuxsada”.

Inta aanan ka hadlin waxa la isku haayo iyo dagaalka jira halka uu salka ku haayo. Waxaan jeclahay inaan war bixin kooban kaa siiyo labada dal waa Soamaaliya iyo United Arab Emirates: Imaaraatka waa dal yar oo ka mid ah dalalka carabta ee dhaca jaziiradda carbeed, bedkiisu waa 77,700 sq km, dheererka xeebtiisuna (coastline) waa 1,318 kilomitir, wuxuu juqraafi ahaan ka yar yahay gobolka magaciisa la yiraahdo Maine ee dalka Mareykanka kaasoo ah gobolka 39aad dhanka waynaanta bedka.

Dawladda Imaaraatku waxay ka kooban tahay todoba Imaaradood (maamul) oo isu-tagay (Ajman, Dubai, Abu Dhabai, Fujayrah, Sharjah, Umm al Quwain, iyo Ras al-Khaymah), todobadan Imaaradood markii ay xoroobeen ayay ku midoobeen nidaam federaal ah oo ay si wada jir ah u wada dhisteen 2 December 1971, xilligaas waxaa midoobay lixda Imaaradood ee ugu horeeya todobadda aynu kor ku soo xusnay, laba bilood kadib waxaa la midawday Imaaradda Ras al-Khaymah 10 February 1972.

Dawladan yar waxay ku taal dhul kulul saxara ah isla markaasna ay ku yar yihiin khayraadka dhulka laga helo ee noocyada badan. Inta aanay shidaalka la soo bixin ka hor wuxuu dhaqaalahoodu ku tiirsanaa jilabashada badda, waxayna ku jireen Imaaradahaan yar yari xaalad nololeed adag, niskii dambe ee qarnigii tagay ayay shidaal la soo bexeen, waxay sameeyeen dhaqaale aad u awood badan, waxay hormariyeen kaabayaasha dhaqaale ee dalka, waxay sameeyeen mashaariic hormarineed oo aad u waawayn.

Waxay dhisteen suuq kamid ah suuqyada xortaa ee ugu waawayn caalamka, waxay dhiseen dekadda ugu shaqada badan dekadaha badda cas, waxay dhisteen fawqa u dheer dunida, waxay sameeyeen xarumo dalxiis oo aad u fara badan, dhammaan mashaariicdaas baaxada leh ee ay noloshooda iyo tan jiilasha soo socdaba ku hormarinayaan waxay uga faa’iidaysteen dakhliga ka soo gala shidaalka faraha badan ee ay dhoofiyaan.

Imaaraatku iskuma halayn dhaqaalaha shidaalka ka soo gala sidda dalalka carbeed qaarkood yeeleen ee waxuu isku dayay in uu aad u dhimo ku tiirsanaanta shidaalka ee dhaqaalahooda, taa waxaa cadaynaya halka toddobaataneeyadii shidaalku ahaa 79% dhaqaalaha Imaaraatka, maanta wuu ka yaryahay 32%.

Waxaa ka mid ah mashaariicda culculus ee Imaaraatku hirgaliyay uuna ugu tala galay in dadkiisu ka faa’iidaystaan kuwa hadda jooga iyo jiilasha soo socdaba: dekadda “Jebel Ali” dekadani waxay ka mid tahay 13-ka dekadood ee Imaaraatka ku yaal, waa dekadda 9-aad ee ugu mashquulka badan dunida, waa dekadda koowaad ee ugu shaqada badan dekadaha badda cas, waxay wax u kala xawishaa 140 dekadood oo caalamka ku yaal, asbuucii waxay samaysaa 90 adeeg. Waxay u adeegtaa maraakiibta marta marinka ay dhacdo, Jebel Ali waa il dhaqaale xoogan ka soo galo dawladda Imaaraatka, waxayna ahayd muddo 20 sano ka badan dekadda ugu horaysa dekadaha badda cas.

Waxaan iyana ka miisaan yarayn Al-rashiidiya oo dekad kale ah oo aan ka miisaan yarayn “Jebel Ali”.

Hadaba dalka Imaaraatka oo aynu ka soo sheekaynay hormarkaas uu sameeyay iyo istiraatiijiyada dhaqaale ee uu dalkiisa u jeexay kuma ekaysan ee wuxuu ku daray dadaal dheeri ah oo uu ku difaacayo mustaqbalka dhaqaalihiisa iyo istiraatiijiyadaha uu jeexday, Imaaraatku wuxuu dagsaday qorshe aad u xoog badan oo uu kaga hortagayo in dekaddiisa Jebel Ali suuqeeda dawlad kale la wareegto, wuxuu isku dayay in uu dhammaan la wareego dekadaha halista ku ah suuqiisa iyo dekaddiisa caalamiga ah.

Dawladdan yar si cajiib ah ayay u maaraysay kobcinta iyo hormarinta dhaqaalaheeda waxayse seegtay marinkii wacnaa ee ay u mari lahayd difaacashada istiraatiijiyadaheeda dhaqaale, waxay waqti aad u kooban isku dayday in ay dhammaan u taliso ganacsiga iyo dekadaha badda cas, markii ay dadyowgii dhulalkaas daganaa ay ka biyadiideena ma garowsan khaladkeedii siyaasad xakiimana maanay adeegsan ee waxay bilowday dagaal dhaqaale aad u fara badan ay u adeegsanayso oo ay ku waxyeelaynayso dawladaha dariska ah iyo dawladaha ay wadaagaan istiraatiijiyada dhuleed.

Muran dublamaasiyadeed oo balaaran ayaa u dhaxeeya Imaaraatka iyo dowladda Soomaaliya, kaas oo cirka isku sii shareeray kadib markii dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ku qabatay diyaarad siday lacag badan oo caddaan ah, taas oo ay Imaaraatka sheegeen in ay u wadeen ciidammada ay tabobaraan.

 

Arintani waxay sababtay in maanta dawladda Imaaraatku gobalka ka tahay tuke cambaar leh niyadeeda xunna ay tahay mid meel fog laga milicsan karo.

Markaynu dhabta ka hadlayno Imaaraatku (UAE) waa dal aad u hormarsan dhaqaala ahaan balse dambeeya siyaasad ahaan, hoggaanka dalkaasi waxay si wanaagsan u maareeyeen hormarinta dhaqaalaha iyo kaabayaashiisa, laakiin waxay ku fashilmeen maaraynta siyaasadooda arrimaha dibadda iyo iswaafajinta maslaxadaha ummadeed ee kala dhexeeya dawladaha dariska ah.

= Soomaaliya: waa dal dhaca qaarada Afrika, gaar ahaan geeska Afrika ee dhinaca bari, bedkiisu waa 627,337 km2, dhererka xeebtiisuna (coastline) waa 3,025 km, dhul beereedkiisuna waa 440,270 square km.

Soomaaliya waa dal hodan ku ah khayraad badan oo dabiici ah waxaa kamid ah xoolaha, kaluunka, beeraha, biyaha (bado, wabiyo iyo illo), meydiga, kaydad shidaal imw. Waa dal leh labo badood badwaynta Hindiya iyo badda Cas.

Soomaaliya waxay xornimadeedii qaadatay (qaybta waqooyi) 26/06/1960 qaybta konfureedna iyana waxay xorowday afar cisho kadib 01/07/1960, taariikhdan dambe waxaa midoobay labadii qaybood ee Soomaalida waqooyi iyo koonfur oo ay kala gumaysanayeen Ingiriis iyo Talyaani, waxaa samaysantay Jamhuuriyadii Soomaaliya.

Xorriyaddii kadib dalka waxaa soo maray sadex xukuumadood oo madani ah (shacab doortay), kadibna waxaa ku xigay Kacaankii Milatariga ee dalka inqilaabka ku qabsaday 1969, dalkana u talinayay 21 sano.

Sanaddadii 1970meeyadii inta badan qaaradda Afrika waxa ay la ciirciiraysay nabad gelya la’aan abuurtay xasillooni darro qaaradda halakeysay, dil, dhac, kufsi iyo dhiilla joogta ah ayey Afrika inteeda badan la kacaa kufaysay. Taas beddelkeeda ayaa ammaanka dalka Soomaaliya waxa uu kacaanka 21ka Octoobar ka curtay dalka waxa uu ka dhigay mid si deggan u sugan, waxaana arrintaas ka marag kacay weriye Devid Lamb oo buug uu qoray oo lagu magacaabo The Africans ku caddeeyay in Soomaaliya dal xasilloon oo badbaado iyo nabad lagu dhex mushaaxi karo uu yahay. 21kii Jannaayo 1973dii waxay ahayd maalin weyn oo Soomaalida baal dahab ah ugu qoran, waa maalin aan weligeed xusuusteenna ka tirmi doonin, waa maalintii la hir geliyay qorista far Soomaaliga.

Waxaa xusid muddan xilligii xukuumadihii madaniga ahaa iyadoo dalka doorashooyin ka dhacayeen xukunkana si nabad ah lagula kala wareegayay haddana hufnaan dawladnimo wanaag ku dhisan iyo bisayl shacab oo buuxa ma jirin, dalka iyo dadkuna dawlad barad ayay ahaayeen, waa gar waa dal xornimadiisu ugub tahay dadkiisuna reer miyi xoolo dhaqata ah yihiin dawladnimadana aan fahan badan u lahayn.

Markii Taliskii Milatarigu yimid waxaa isbadalay wax walba, waxaa lalaalay dastuurkii dalka, waxaa meesha kabaxday dimuquraadiyadii iyo in dadku dawladooda doorto, waxaa dalka ka curtay fikrad “hanti wadaag” oo loogu yeeri jiray “Kacaanka Hanti Wadaaga Cilmiga ku dhisan”. Dalkii wuxuu cagta saaray wadda cusub, wuxuu qaatay hanaan dawladeed oo aad uga duwan kii hore.

Inkastoo uu hanaankii iyo maamulkii dalku jiiro galay, hadana waqtigii uu Milatarigu talinayay Soomaaliyada casrigaa waxay ahayd waqtigii ay ugu magaca bilnayd, waxaa jirtay dawlad awood badan miisanna ku leh gobalka iyo adduunkaba, waxay dhistay ciidan cudud iyo cataad culus leh, waxay dhistay kaabayaasha dhaqaalaha ee illaa maanta aynu wuxun kamid ah miciinsano, waxaa hirgalay in badan oo kamid ah adeegyada bulshada, waxay qortay Far-Soomaaliga, waxayna samaysay Ololihii reer miyiga oo sare u qaaday akhriska iyo qoritaanka Ummada Soomaaliyeed.

Intaas waxaa barbar yaal foolxumooyin iyo khaladyo waawayn oo saamayntooda leh ilaa maantana mirahoodii kharaaraa aan guranayno, khaladyadaas oo Nidaamka Kacaanku dalka dhaxalsiiyay, sidda badalida nimaadkii dimuquraadiga ahaa ee dalka ka jiray, Qaadashadii “Hanti Wadaaga”, dagaalkii 77-kii ee sidda khaldan loo maamulay, iyo wax-ka-burburintii qaranka.

Xukunkii Milatariga waxaa xigay Qaran-jabkii Soomaaliya ee 1991-dii, waxaa dhacay wax aan caqligu qaadin maqalkana u roonayn, dagaala sokeeye oo soomaalidii ay qabiil qabiil isku laysay iyo jabhado xukun ku hardamaya oo iyana qabiilka ku daaban ayaa dalkii ka dilaacay.

Waxaa burburay dhammaan astaamihii qaran lahaa, waxaa hal mar dalkii isku badalay wadan lamid ah wadamadii jiri jiray inta aan aadamuhu dawladnimada baran. Fidnada dagaalada sokeeye taas qabiilka kuma ekayn ee waxaa weheliyay ururo diimeed iyaguna dabka dhankooda ka shidayay oo magacyo badan lahaa xilliyo kala duwanna dalka ka soo dagaalamay illaa haatanna aysan fidnadoodu damin.

Muddadaas dheer ee 30-ka sano ku sii dhow ee dalku burburka ku jiray waxaa garab socday fowdada jirta dadaalo lagu doonayay in dalka mar un dawlad hanata iyo nidaam taaba gala lagu soo dabaalo, hasa yeeshee dadaaladaas waxna waa ka suura galeen waxna wali mira dhal ma noqon.

Hadda Soomaaliya waxay qaadatay nidaam Federaal ah oo ah nidaam dawladeed oo aan midna ahayn labadii nidaam oo ay Soomaaliya horey ugu soo dhaqantay, waxaa jira dawlad dhexe oo aan tabar badan lahayn iyo maamul gobaleedyo aan is-maqal wanaagsani kala dhexayn dawladda dhexe. Waxaa jira lix maamul (Somaliland, Puntland, Galmudug, Hir-shabeele, Koonfur galbeed, iyo Jubbaland).

Dalka dagaala sokeeye oo darani kama jiraan, dhibaato gacan ka hadal ah oo aan tan Al-shabaab ahayna kama jiraan, balse waxaa jira sicir barar siyaasadeed oo aad u daran, dastuur rasmi ah oo loo dhan yahay ma jiro, awoodaha iyo khayraadku ma qaybsana, kala dambeyn dawladnimo oo ka dhaxaysa dawladda dhexe iyo dawladdaha xubnaha ka ah ma jirto, wasiirka arrimaha dibada iyo madaxwaynaha maamul gobaleedka lama kala yaqaan, maalin walba waa muran iyo is qab-qabsi hor leh, xiisad marka ay dantaba mid kale ayaa abuuranta, taasi waa xaalada siyaasadeed ee dalka.

Dhanka dhaqaale hadaan eegno, dadka soomaalida oo ah dad firfircoon oo iyagu noloshooda si caadi ah u watay ilaa burburkii, dhaqaalana sameeyay in badanna iyagu si kali kali ah dalkooda wax badan ugu qabtay, intaas marka laga soo tago ma jiraan wax badan oo ka qabsoomay adeegyadii dawladda looga fadhiyay, waana cadahay sababtu dawlad curdan ah, nidaam aan fahan badan loo lahayn, khilaaf joogta ah iyo maqnaanshaha dastuurkii wax kala hagi lahaa intuba waxay sabab u yihiin falgale asaasiyana u noqdeen heerka maanta aan joogno iyo dhaqaala xumida dawladda iyo dalkaba haysa, waana maamul xumada iyo xasilooni la’aanta waxa loo aanayn karo dhaqaala xumada jirta, waayo soomaaliya baaxadeeda iyo khayraadkeedaba horay ayaan ku soo xusnay, waxaa caddaan ah meeshii maamul xumo iyo is dhexyaac siyaasadeed ka jiro in ay dhaqaala xumana hoy u noqonayso.

Istiraatiijiyad horumarin ummadeed oo dagsan oo la raaco daaye, xitaa qorshe sanadeed si buuxda u dhaqan gala ayaysan dawladeheenu lahayn. Waxaa taas barbar socda niyad jab iyo daal badan oo dadka dawladnimadii ka galay, wacyi yaraan ka jirta waxa gobalka ka socda iyo aduunkaba, iyo u dhug la’aan sida taariikhdu u qormayso iyo halka ay wax u socdaan.

Iyadoo ay intaasba jirto oo ay habacsanaan inaba aan gar ahayni taal ayaa hadana waxaa muuqata qamaam shisheeye oo dalka afka soo saaray, maalinna maalinta ka dambaysa sii xoogaysanaya, waxaa bilowday hardan iyo is riix riix aan qarsoodi ahayn oo dawlado shisheeye dalka isku haystaan taas oo saamayn muuqata ku yeelatay siyaasadda dalka iyo xasiloonidiisa.

Waxaan filayaa fikrad guud oo aad wax ku qaymayn karto in aad hadda ka haysato labada dal, waa Soomaaliya iyo Imaaraat e, waxaa cadaan ah in laba dal oo aad u kala fog marka dhan walba laga eego ay soo baxayaan, waa dal 30 sano burbur iyo haataa wilif ku jira ilaa maantana aan wali cagihiisa isku taagin oo siyaasadiisa iyo amaankiisaba dusha laga maamulo dhaqaale iyo istiraatiijiyad ummadeedna warkeedaba daa, iyo dal dawlad xididaysatay hannaan dawladnimo oo heshiis lagu yahay ka jiro, dhaqaalaheeduna aad u kobcay tobaneeyadii sano ee la soo dhaafay, waa dal aan ku joogsan in uu ilo dhaqaale sameeyay istiraatiijiyad hor-umarin umadeedna dhisay ee wuxuu u tafaxaytay difaacashada danihiisa dhaqaale iyo ilaalinta jiritaanka qorshayaashiisa muddada fog.

Waxaan soo sheegnay in Imaaraatku uu qorshayaal taabagal ah u dagsaday horumarinta dalkiisa iyo u danaynta muwaadiniintiisa, waxaase jiira ka gashay samaan ku difaacashada danihiisa, waxaana bar madow ka fuushay siyaasada gobal ee uu halleeyay, balse waxaan marna meesha oolin inaanu isbarbar dhig ula samayno soomaaliyada dhan walba la’ marka ay joogto danaha hardanka wada iyo halka ay sartu ka qurunsan tahay ee is riixriixashadaba keentay.

Haddaba waxaa is waydiin mudan hadii ay imaaraat-ku qorsho dagsaday difaacanayaana qorshayaashana uu innaga ina ku darsaday oo uu maanta u soo tafaxaytay in uu dalka galaan-gal iyo gacan bidixaynba ku sameeyo si uu u helo fursadihii uu ku hubin lahaa fulitaanka istiraatiijiyadihiisa uu dagsaday, arrinkan oo dadaalka uu ugu jiro qaadashada (maamulida) dekadeheena ay kow ka tahay, maxaynu kaga hortagi karnaa in anaynu istiraatiijiyada Imaaraat-ka qayb ka noqono?

Waxaa hubaal ah in lagdan walba uu layligiisa leeyahay, wax walbana hab loo wajaho oo haboon ay leeyihiin, waxaa meesha yaal waa dal hormarkiisa qorshe ka samaystay, isla markaasna fulinaya difaacna ula diyaar ah wax-allaala iyo wixii carqalad ku noqon kara, sidaas hadii ay xaajadu tahay Imaaraat ugama rayn karno loolanka mana noqon karno dawlad dheeli tiri karaysa dheeliga jira, oo kuma dheelitiri karno hadalo xamaasadaysan iyo go’aamo deg-deg loo qaaday, mana uga rayn karno isu dhiibid iyo in aan madaxa laalaadino.

Hubanti waxaa ah inaynu noqon karno dal danihiisa ilaashada shisheeyana si dheeli la’ ula garaysta dan-wadaagna ula noqda marka aynu leenahay siyaasad sal leh, oo maamul gobaleed iyo dawlad dhexe aysan xifaaltamayn muran iyo doodina ka dhex aloosnayn had iyo jeer, marka aynu leenahay qorshe hor-umarin ummadeed, istiraatiijiyad mug wayn iyo aragti ummadeed oo maslaxadda guud ee dalka iyo dadkaba lagu saleeyay, deetana aynan intaas uga harine ku darno inaan jeexno tabihii aynu ku difaaci lahayn waxaan qorshe dhignay.

Intaas oo howl ah oo ay iyagu horay usoo qabsadeen ayaynu u baahannahay inaynu qabano si aynu garoonka musaaracada u nimaano, xilligaas ayanu noqon karnaa ummad cidii wanaag ka rabtaana ay qaab ay ula xirato garan karto, cidii xumaan ka lihina ay arkayso wax ay kaga haybaysato. Waana halka laga yiraahdo: “hadii aadan qorshe lahayn, qof qorshe leh ayaa qorshihiisa kuu adeegsada”.

Facebook Comments