Alla hayow Waxaan ku weydiisanayaa galabkaan codsi qaas ah, waxeyna tahay in aad iga dhigto ”mobile,,

Maalin maalmaha ka mid ah, macalimad ayaa gashay fasal, waxeyna salaantay ardadeedii, ka dib waxay waydiisay si qadarin iyo xiiseyn ah inay u soo qoraan mowduuc ay ku weydiisanayaan Eebbe inuu siiyo wax ka badan waxa ay jecel yihiin oo rajeynayaan inay gaaraan adduunkaan dushiisa…

Kadib markii daraasada maalinkaa dhamaatay, ardaduna ay guryahoodii u rawaxeen, mid walbaa wuu fadhiistey isagoo ka fikiraya hammigiisa, qaar waxay rajeeyeen ciyaar cusub, qaarne waxay rajeeyeen guul, qaar kalane waxay rajeeyeen dib u heshiinta wixi dhexmaray ayaga iyo walaalahood, kuwaas oo muran shalay is dhaafsadeen.

Sidaas ayey maalintii xigtay arday kasta waxaa uu macalimadda u dhiibay warqadi uu ku qoray baryadii iyo rajada uu ka qabo Eebbe hiisa.

Waraaqadihi ayey soo qaadatay, ayadoo ardada u balanqaaday in ay aqrin doonto warqadahooda ayadoo daneyneysa.

Meel ayey fadhiisatay warqadihii ayeyna eegtay ayadoo aqrinaysa himmadaha ardadeeda, hase yeeshee waxey si kadis ah u aragtay warqad, taas oo ka ka booyisay “oo hisay” intii ay ku guda jirtay aqrinta waraaqadaha, deedne ninkeedii ayaa usoo galay qolka, wuxuuna arkay ayadoo booyee “oo yee”, wuuna weydiiyey sababta ay u booyee “oo yee” ? 

Warqadii ay aqrinaysey ayey u dhiibtay waxeyna kutiri “hoo oo adigu aqri ciwanaka qisadaan”.….

Saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Sheffield ee dalka Britain ayaa qaxiijiyay in wakhti badan oo ay caruurtu ku qaataan baraha bulshada, sida Facebook iyo Twitter ay u keenayso mushkilado dhanka caafimaadka nafta ah oo hoos u ridaya kalsoonida ay naftooda ku qabeen.

Waraaqda waxaa ku qornaa ereyo aad u saameyn badan, runtii halkaas oo ardaygu ku qoray: 

“Allahayow waxaan ku weydiisanayaa galabkaan codsi qaas ah, waxeyna tahay in aad iga dhigto ”mobile,,

Maxaa yeeley waxaan rabaa in aan booskiisa noqdo kadibne guriga meel kadago, sidaanne ku noqdo xarunta dareenka qof kasta, si xiiso lehne loo soo eego. Ma doonayo inaan dib ugu laabto gurigayga oo aan ka helo aabbahay oo mashquul ku ah ku hadalka taleefoonka, iyo aniga oo hooyaday iga mashquul santahay, fiirinaysane sawirada taleefoonkeeda qaar ka mid ah.

Waxaan rabaa inaan noqdo nafteyda taleefoonkan oo qof walbaa xiiseynayo. Waxaan doonayaa in Aabbe uu ila saaxiibo markii uu xaafada imaado uu shaqada ka ka soo rawaxo, haba daalanaadee goortaas, iyo sidoo kale in ay ila fadhiisato hooyo xittaa ayadoo caajisan ama murugsan

Yarabbi! In badan kuma weydiisanaayo, kaliya in aan u noolaado sida taleefoonkaan ayaan ku weydiisanaa!!Zowjkii marki uu dhammeeyey aqrinta mawduuca wuxuu guda galay in ilintu indhihiisa kasoo daadato.

Wuxuu eegay zawjadiisi wuxuu na yiri

Allahayow kani waa ficil cunug yar ee sameeye”

“Maxaa ka xumaan badan labadi waalid ee dhalay,,

Waxaa siyaaday oohinta macalimada ayadoo dhaheyso “Ciwaan kani waa kii uu qoray wiilkeenna”

Ujeedka sheekada

Caruurtu waa nimco Eebe bixiyo, waana raasamaalka adduunka iyo maalgashiga faa’iidada leh, waana waxa ugu muhiimsan ee koonkaan lahanto. La noolaada caruurtiina oo sababtooda ha u noolaanina.

Aaladaha qarnigaan waxa ay inaga xadeen Eheladeeni iyo carruurteeni xittaa dareemaheeni ayey inaga xadeen. Waxa ugu wanaagsan ee carruurtiina u sameysaan ha ahaadaan in aad dhageysataan sheekadoodane daneysaan, siiba xiliga ay ku jiraan caruurnimada.

Facebook Comments