Neo-liberalism: in la helaa bulsho qaab siyaasad iyo dhaqaale ahaan ku abaabulan suuqyada xorta ah. Dawladdu ma laha astaamo lagu kala wado suuqyada, sidaa awgeed ma aha xannibaad inay ku noqoto hormarkiisa, waa in ay gacanta u galisaa ganacstada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.”

Suuqyada xorta ah, oo maanta Caalamka ntiisa badan laga isticimaalo ayaa waxaa la sheega inuu xidhiidh la leeyahay waxa loo yaqaano Neo-Colonialism(Gumeysi weji cusub). Dalalka Afrikaanta badankood kadib markii xorriyadoodi dib loo siiyay neo-liberlismka wuxuu noqday waddadii loo soo mari lahaa si miiskooda go’aan qaadshada kursi looga helo.

Suuqyo xor ah ayaa looga dhigay waddada kaliya ee lagu baabin karo saboolnimada si looga wareejiyo ilaha dhaqaaleed ee awood dhaqaaleed iyo siyaasadeed ay ku heli lahaayeen. waxaa markaasi suuqyadii gacanta loo galiyay ganacstada iyo shirkaddo gaar ah.

Dawladdu waxay markaas weeysaa dakhli ay bulshada ugu adeegto sidaa awgeed waxaa khasab ku noqota gargaar shisheeye in ay raadsato, wixii shuruuddo ahna ay aqbasho, sida National resources inay privatization ku sameeydo, halkii laga doonayay “Redistribution”. intii suuqyqda xorta lagu dhaqmayo suurtagal ma ah in dawladu ay gaadho isku-filnaasho dhaqaale.

Nidaamkan suuqyada xorta ah, shirkaduhu waxay uga faaideystaan in ay bulshada ka iibiyaan adeeg aysan u baahnayn waliba qiimaha ay doonan,(i.e labiska fashion-ka ah ay shiinaha soo saarto intuusan suuqyada dalkasi gaadhin buu bakaaro yimaada) Marka sidan soo ma aha dhiig miirasho?

Dawladdu siday ku shaqaaleeysiin kartaa dhalinyartaa haddiiba waxba gacanta ugu jirin?

Dawladdu marka suuqyada wax soo saarka gacanta ay ku heeyso, waxay shaqo abuur u sameeyn kartaa dhalinyarta shaqo la’aanta ah iyadoo sinaanta dhowrysa balse shirkaduhu waxay shaqaaleeysiiyan kuwa ay dhiiga wadaagan(Sinaan darro). Waxaa intaa usii dheer shirkadaha waxay shaqaalaha siiyaan mushaar aad u hooseeya, inkastooy yihiin dadka wax- soo saara balse ma laha xuquuq ay faaidada kula sheegtaan milkiilaha.(Kali- talisnimo)

Dawladdu waxaa masuuliyadd ka saaran in bulshada ay saboolnimada ka saarto iyadoo adeegsanaysa dakhliga kasoo gala suuqyadan. Se lkn markii suuqyadan aysan gacanta ku heynin waxay lumisaa tiir muhiim u ah dhismaha dawladnimada. Dalkii baa markaa gacanta u gala shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo ganacstada, saaxadda siyaasaddana waxay noqotaa goob hanti lagu tabacado.

Dadkii saboolka ahaana waxay lacago yar siistan xuquuqdoda aasaasiga ah si ka lacagta heysta uu u xukmo.

Ugu danbeyntii waxaan aaminsanahay haddii la doonayo dawladd kasoo baxda masuuliyadda ka saaran muwaadiniinteeda, waxaa loo baahanyahay in free market loo arko sida fikir xagjir ah, oo qaranimadeena hoos u dhigaya iyo ka hor imanaya dadaaladda ay dawladda shacabka ugu adeegi lahayd.

Ma dooneyno qeyb kamid ah bulshada in ay heer sare ku noolato halka kuwa kale ay la’yihiin wax ay cunaan. Waxaan dooneynaa dawladd u adeegsta dakhliga suuqyada si muwaadin walba uu u helo adeegyo hufan oo bilaash ah sida adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.

Wabillahi Tawfiiq.

Facebook Comments