Iftiimin guud: Sebenkan maanta aynu joogno dhalinyarada iyo jiilasha haatan soo kacaamaya, waxa aan ku baraarujin lahaa oo kala talin lahaa in ay dhugmo dheeraad ah u yeeshaan oo aanay ku kadsoomin Dukamantariyada iyo Aflaamta loo eekaysiiyo qaar cilmi iyo nadariyaad ku dhisan.

Dhammaantoodna hal mid ayay ka siman yihiin ama sheegaan; waxaana ka mid ah:

  • Bini’aadamku waxa uu u egyahay daanyeerka.
  • Bini’aadamku berigii hore waa uu qaawanaa sida xayawaanka kale.
  • Bini’aadamku tadawur (Evolution) ayuu sameeyay si uu muuqan maanta uu yahay oo kale u yeesho.
  • Bini’aadamku dabshidkii iyo xilligii Casru Jaahiliga waxa ay ku wada hadli jireen faraha (hadal ma jirin).
  • Bini’aadamku dabka waxa ay ogaadeen xilligii ‘Dabaashiriyadda’.
  • Aragtida soo ifbaxa xayawaanada qaarkood, sida shimbiraha iyo sameysanka qaab dhismeedkii ugubka ahaa ee dhulka ee ay ugu magac dareen waagii Dabaashiriyadda (Cretaceous era).

(Xilligan loo asteeyay waagii Dabaashiriyadda waxa ay sheegaan in ay ku beegnayd muddo haatan ku siman 140 ilaa 60 Million oo dabshid. Waxa ay ku qeexaan isbeddelkii iyo geddoonkii ku dhacay oogada, kaas oo qaabeeyay juqraafiyaddii dhulka. Waxay ay yidhaahdeen waa soo ifbixii qaar badan oo ka mid ah xayawaanada naasleyda, xamaaratada iyo weliba shimbiraha).

Waxaa iskuulada Yurub iyo wadamada qaarkiis lagu dhigaa in bani’aadamka asalkooda ay ka yimadeen daanyeerta waxayna yiraahdeen in “Bini’aadamka, daanyeerka gorilaha iyo bonoboska ku kala duwan yihiin boqolkiiba 1.6%, halka bini’aadamka iyo daanyeerada afrikaanka ah ay ku kala duwan yihiin orangutan, farqiga u dhexeeyana uu yahay 1.3%. Dhamaan daanyeerka waaweyn, oo ay kujiraan bini’aadamka waxa ay ku kala duwan yihiin xagga daanyeernimada 7%. Bini’aadanka ayaa waligood lagu yaqaanay inay abtirsiisyada la wadaagaan daanyeerka, ama jabaqda si ay u ahaadaan mid cilmi ahaaneed sax ah.”

  • Cimiriga iyo gu’ga dhulku uu jiraa waa 300 oo sano.
  • Xayawaanka Diinosoorka loo yaqaanaa waxa uu noolaa Bini’aadamka hortii.
  • Bini’aadamku waxa uu hadalka bilaabay xilligii Bronziga.

(Xilligii Bronziga ama ‘Bronze age’ waxa ay yidhaahdeen oo ku sheegaan in ay tahay markii ugu horraysay ee aadanuhu isticmaalo aaladda Birta (metal), meelaha ay ka curatay waayahani ayaa ah dhulalka Shiinaha iyo Giriiga muddo haatan laga joogo 3000 oo dabshid Ciise hortii BC).

  • Bini’aadamkii hore may aqoon sida wax loo beerto, keliyaata midhaha way goosan jireen kaddibna cuni jireen.
  • Dadku waxa ay ahaayeen qaar qaawan oo cawradoodu muuqato, kolkaasna xilligii Bronziyiinta ayaa ay bilaabeen hu’ga.!

Haddaba xaqiiqooyinkaas oo idil ee barnaamijyadaas iyo Dukamantariyadaas isku raaceen ee ay tebiyaan waa qaar xaqiiqada ka fog oo gacan ku rimis ah, ee bal sadarkan hoose isha la raac iyo sida ay wax u jiraan: 

  • Markii ugu horraysay Nebi Aadam ayaa ahaa Aabbaha aadanaha oo idil kasoo farcameen, kolkii addunyada korkeeda yimidna, Eebbe waxa uu ugu waxyooday in uu asturo cawradiisa, dhanka kale addunyaduna ma ahayn mid ay ku daboolnayd lakabyo baraf ah.
  • Eebbe waxa uu Nebi Aadam baray magacaanta dhammaantood, qaabka dabka loo shido, qaabka loo hadlo, qaabka wax loo beerto, sidoo kale Nebi Aadam waxa uu noolaa in ka badan 1000 sano – ku darsoo adduunku ma ahayn wax kedis ku abuurmay.
  • Nebigii ku xigay Aadam waxa uu ahaa Nebi Idiris CS, Nebigu waxa uu lahaa xirfadda Dhar tolista ama harqaanka, markaasna dharka waxa loo farsamayn jiray sancooyin kala duwan oo heer sarreeya.

Markaas illaa xilligaas dadku waa yaqaanay dhar xidhashada, mana ahayn qaar qaawan.

  • Noolayaasha kawnka korkiisa ku nool oo dhami waa makhluuqaadkii Rabbi dunida ku uumay, nooc kasta oo ay yihiinba, mana jiraan qaar si shil ama kedis ah dunida ugu abuurmay.
  • Aragtida tadawurka iyo in aadanuhu kasoo tafiirmay daanyeero iyo xayawaano dhalan rogmay, dhammaantood waxa ay ku danbeeyeen dhalanteed, aqoonta casriga ahna boos kuma laha khuraafaadkani – gebi ahaanba aqoonta cusub ee maanta jirtaa waa ay beenisay aragtidan nooc kasta oo loo jilo ama loo iib geeyaba !

Ugu danbeyn barnaamijyadani sida ay u badan yihiin badankood, waa kuwo asalkoodu yahay faafinta ilxaadka iyo dabargoynta caqiiddada abuuritaanka Eebbe ee kawnka iyo fagaagga. Kolkaasna ruuxii daawanayaa – sidoo kale ha dhugto dood cilmiyeedyada ay tebiyaan culimada Islaamka ee ku talax tagay aqoonta Islaamka iyo aqoonta casriga ah ee reer Galbeedka.

Facebook Comments