Magaca Buugga: Safiirka
Qoraha: Peter Bridges
Turjumidda iyo Soo koobidda: Kamaal Marjaan
Daabacaadda: Hiil Press

Buugga Safiirka waa buug uu qoray danjire Maraykan ah oo la dhihi jiray Petter Bridge, wuxuu Soomaaliya ka shaqaynayey muddadii u dhaxaysay 1984-tii illaa 1986-dii. Hase ahaatee wuxuu sawir buuxa ka bixinayaa siyaasaddii Soomaaliya intii ka danbaysay xoriyadda. Dhanka kale wuxuu daah-qaadayaa siyaasaddii arrimaha dibadda ee Maraykanka, wuxuu muujinayaa hardinkii ka dhaxeeyey Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti.

Waxaan ka dheehday aqoon baaxad leh oo si gundheer u faarfaareysa duruufihii iyo fursadihii ku dahaarnaa siyaasaddii milatariga oo uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre iyo xaaladihii nololeed shacabka Soomaaliyeed haystay.

Marka laga soo tago maquurashada waayo-aragnimada diblomaasiyadeed, wuxuun buuggani faaqidayaa caqabadii haystay siyaasaddii sii daandaamaysay ee Millatariga, sida uu musuqmaasuquq u biyo dhigay, sida eexda iyo nin jeclaysigu uu caadi u haa halka uu ceeb ahaan lahaa, sida qabiillo gaar ah iskugu koobeen darkii siyaasadda. Si aan gabbasho lahayn ayuu u tibaaxayaa sawirkii foosha xubaa ee Soomaalida laga haystay gaar ahaan waddamada shisheeye.

Wuxuu dhowr jeer carrabka ku adkaynayaa in Soomaaliya loo wada yaqaanay “DALKII WAX ISII”. Taasna waxaa caddaynaysay sida dowladdii gebi-dhaclaynaysay ay cidkasta gacmaha ugu hoorsanaysay iyaga oo aan eegayn siyaasaddii xulufaysiga ku dhisnayd taas oo kalsooni darro ku abuurtay garabkii hanti-goosadka.

Magaca Buugga: Safiirka
Qoraha: Peter Bridges
Turjumidda iyo Soo koobidda: Kamaal Marjaan
Daabacaadda: Hiil Press

Dhanka kale, wuxuu aqoon mug leh oo miidi dhex ceegaagto u noqonayaa dadka sida gaarka ah u xiiseeya diblomaasiyadda, siyaasadda arrimaha dibadda/gudaha, axdiyada caalamiga ah, sirdoonka iyo sooyaalkaba. Wuxuu ku dhex-gaynayaa duruufihii gudaha, danihii shisheeye, dulmigii Siyaad.

Intaas oo isbahaystay waxay madaxa dhulka ugu dhufteen dowladdii ugu xoogga badnayd Afrika, marka laga reebo dhowr waddan. Inta aan ku guda jiray buuggan akhrintiisa, waxay ila ahayd inaan la socday danjiraha inkasta oo uu mar iga qoslinayey, mar iga yaabinayey, marna uu iga nixinayey.

Waxaad darsaysaa sida dhaqankii Soomaalida, dhaqaalihii iyo siyaasaddiiba ay u sii daxalaysanayeen, wuxuu toosh afar qaad ah ku ifinayaa gadh-qaadkii xumaa ee bohosha inoo horseeday. Wuxuu ku tusinayaa Itoobiya oo u ekayd Magangooye(Noole-ure) la cariyey, oo harjadaya raadinayana cid uu gantaalihiisa hore ku qabto.

Wuxuu kuu sawirayaa qalfooftii guud ee dhibaatooyin ku gadaannaa bulshada rayidka. Wuxuu ku dul-gaynayaa umad ay halakeeyeen abaaro, gaajo, qaxootinimo, xanuunno(daacuun iyo duumo), cadaadis, xabsi iyo xasuuq oo ku nool calool Nibiri oo caawimaaddii la siiyaba aysan gaarayn! Waxaa kale oo uu buuggu kuu bidhaamin dhacdooyin badan iyo waayo-aragnimo, waxaan ka maqnayn xogo ku saabsan ciidamadii kala duwaa ee Soomaalida(Millatari, Biliis iyo Nabad-sugid NSS)iyo saanaddoodii.

Wuxuu iftiiminayaa guushii Soomaaliya ka gaartay dagaalkii 77 iyo sidii loo lagtay. Wuxuu san hilmaamin waxqabadyadii waawaynaa ee uu Siyaad Barre ka tagay.

Waxaad dhex tagaysaa safaarad ku taal Muqdisho oo dal shisheeye leeyahay, waxaad dheehanaysaa saabka, qaab-dhismeedka iyo waaxyaha kala duwan ee safaaradda. Qoraagu kama uu sarriiiganayo in uu xuso xagjirnimada asal-raaca ah ee Soomaalida dhiiggooda ku jirta taas oo horseedi la’ diblomaasiyiinta dalalka shisheeye inay fahmaan oo dhexgalaan shacabka Soomaalida. Arrintaas ayaa sababtay in macalimiinta shisheeye ee jaamacadaha dhiga ay ka cararaan waddanka.

Waxay kale oo sababtay diblomaasiyiinta iyo danjire-yaasha dalalka qalaad ka yimid inaysan jeclaysan ku noolaanshaha caasumadda Soomaaliya ee Muqdisho. Baryo iyo nacayb ayeey isku darsadeen!

Qoraa peter wuxuu xoogaa dul istaagayaa burburkii iyo isqalashadii umadda Soomaaliyeed. Foolxumooyin badan ayuu afka ku dhufanayaa. Wuxuu ka dhigayaa inay ahaayeen wayba u ekaayeene umad gajaysan oo haddana horar ah, in sidii bahalada dad cunka ah in hilib samada looga soo tuuro ma ahane aan loo dhawaan karin.

Waxaa Maraykanku go’aan sadeen inay caawimo gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed ee gaajada u dhimanaya, iyaga oo isticmaalayo diyaaro in samada looga soo daadiyo wixii la awoodo! Xogo kale oo muhiim oo Afrika ku saabsan ayaa ku qoran buuga. Waxaan uga bogan kartaa inaad akhrisid. Muudsiga iyo calalinta qofkale buuggaan uga dhargi maysid.

Goddaloolada buugga

Waxaan jeclaan lahaa in sheekada buugga ku qoran ay isku toosan tahay bilow illaa dhammaad oo aysan jirin dib-u-noqod. Sheekada sida uu qoraagu kuugu wado markii uu gabo-gabo ku dhow yahay ayuu ku leeyahay, waagii aan Muqdisho imid ama waagii la isoo magacaabay. Wuxuu kaa kaxayn 1984tii, wuxuu ku gayn 1986dii, ka dib ayaad arkaysaa isaga oo ka sheekaynaya 1984tii ama 1985tii. Aragti ahaantay ilama qurux badna balse lagayaabe inay dad caadi la tahay.

Gudaha buugga waxaan ku arkay sheekooyin badan oo aan isdhaho sidee bay sheekadaan ula xiriiraan? Tan saddexaadna waa mid uu qoraagu ka afeeftay oo la xiriirta ogolaansha turjumidda buugga inkasta oo uu Kamaal dhowr jeer ku xusay buugga haddana waa in qof walba ogaado inay jiraan xeerar degsan oo la xiriira xuquuqda qoraaga. 

Facebook Comments