Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waa goob dhaqan oo qabata hawlo badan oo ay ka mid yihiin ururinta, meelaynta iyo kaydinta aasaartii qaddiimiga ahayd.

Goobtaas waxa yaalla oo la isugu keenay kutub hore oo la qoray qarniyo hore, sidoo kale waxaa yaalla sawirro taariikhi ah oo ku mid yahay, Masjidu Qiblatayn oo Saylac ku yaal kana mid ah dhismayaasha qadiimiga ah ee Somaliland ku yaal. Mar ay BBC-du weydiisey Maxamed Axmed Dalmar oo ah oo dhaqan yaqaan, shiikh iyo suxufiba ah kuna sugnaa markii aannu booqannay goobtaasi, waxa masjidkaas magucu ugu baxay, waxa uu yidhi:

Maxamed Axmed Dalmar oo ah oo dhaqan yaqaan, shiikh iyo suxufiba

‘Horta kolley taariikhdaasi baadhis badan bay u baahan tahay, waxay se tilmaamaysaa taariiikhda islaamka wakhtigii aan jasiirad carab aan la soo dhaafin, Nebigu NNKH intii aan la hijroon ee uu Maka joogay, marka uu tukanayo waxay qibladiisu ahayd Quddus oo looma tukan jirin Maka.

Markaa waxaa jira masjid ku yaalla Maddiina agagaarkeeda oo la yidhaahdo Qiblatayn, oo iyadoo lagu tukanyo oo loo jeedo Quddus ayay aayadi soo degtay oo xaggii Quddus oo waqooyi ahayd laga jeestay oo koonfur oo ay markaa Maki ka xigtay loo jeestay, sidaana Masjidkii labaqiblo lahaa loogu bixiyey, kan se ma hubo oo taariikh bay u baahan tahay.

Waa suure in yadoo xaggaa loo tukado ay soo gaadhay in Maka ay sax tahay, iyo in ay tahay muujinta taariikhaas si loo xasuusnaado’

Magaalada taariikhiga ah ee Taleex ayaa ka muuqata iyana goobaha sawirrada lagu kaydiyey, gaar ahaan taariikhdii Daraawiishta iyo halgankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. ‘Sida magaalada Taleex loo dhisi karo, iyadoo taariikhdeeda aan la baabbiinayn’ ayay BBC-du weydiisay isla Dalmar waxa uuna ku jawaabay: ‘Waxaa weeyaan haddii dib u dhis lagu sameeyo khibrad badan bay u baahan tahay, laakiin habka iyo caynka ay tahay anan laga duwanayn oo qaabka ay tahay la raacayo iyadoo aan la duminayn, illeen taariikhdii way isbeddelaysaaye waxay u baahan tahay dib usoo celin wax la yidhaahdo’

xarunta dhaqanka ee Hargeysa, sida uu sheegay Siciid Jaamac Xuseen, waxaa la aasaasay xilli aan dhawayn iyadoo rabta oo isuxilqaantay qaybta iyada la gudboon ee ku saabsan afka, suugaanta iyo dhaqanka. Yoolkeeduna waa sidii ummaddu burburka gaadhay uga kabmi lahayd, ee loo soo noolayn lahaa ‘soo jireenkii’ waxayna soo uruurisaa wax kasta oo jiri jirey, iyadoo sidoo kale bandhigyo wacyigelin ah iyo kuwo dood isweydaarsi ah u qabata dhallinyarta magaalada Hargeysa.


BBCSOMALI

Facebook Comments