Hal-abuurku: waa soo kordhinta wax cusub, fikrad cusub, farsamo cusub, iyo weliba aqoon cusub, taas oo caalamka horteed dhaayo la saarin [=Creativity is conceiving that wich has not been conceived before]. Sidoo kalena, hal-abuurku, waa gacmaha ay abuurmaan ‘xaddaaraduhu’ [=Creativity is the hand that molds the face of civilizations].

Haddaba, isticmaalka erey-bixinta “ Hal-abuur’ kuma habboona in gabyaannimada loo adeegsado.– maxaa yeelay, gabeygu xaddaarad ma dhiso, wax cusubna dunida kuma soo kordhiyo, waanna halkii abwaankii weynaa lahaa”……..”

Qaamuuska afsoomaaliga ee diyaariyeen Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur aynnu eegno wuxuu ku macneeyey labadan erey:

hal-abuur1 m.l (-rro, m.dh) Curinta maansada.
hal-abuur2 f.g1 (-ray, -rtay) Maanso curin.
hibo1 m.dh Deeq aan dan gaar ah laga lahayn oo cid la siiyo.
hibo2 f.g3 (-btay, -batay) Dhacdo la dhibsado
dib u xasuusasho.

Wey adag tahay inaad maankaaga u isticmaasho hab ku taxalluqa ‘Maangalnnimada’, sidoo kalena muuqaal-hummaaga-maskaxeed kuma aha wax aad saameyn karto la’aanta kol aanad wax la dheerer ah oo minqiyaaska heysan.

Bilowga nolosha aadamuhu waxay soo martey dharraaro caqligoodu la mid ahaa sabiga, kaas oo jaahilnnimo u suuren jirey dhacdooyinka koonka, iyo muuqaalada caja’ibka ee deegaan-dabiiciga iyago ku tiraabaya Tiraab-khiyaal ah oo baalmarsan xaqiiqada.

Si kastey ahaataba, lur dabadeed, waxeynu soo gaadhney ( sideynu doono aynnu kusoo gaadhno) nolol gaadhey darajada aadmi gaadhin lahaa xilliga tan ee 21th).

Muuqaalka leh wax la arki karo lana taaban kara [= Physical Undrestanding] waa mid ku qotoma calaaqaad ka dhexeysiinta. Aqoonta ogaalka ah waxa lagu hantaa, afar nidaam oo is-daba taxan: faallo-ka-bixin ( observation), caqliyeyn ( reason), hal-abuur ( creativity) iyo gudbin (infusión).

Faallo-ka-bixintu: waa aasaaska cilmiyeynta xaqiiqada kaas oo salka ku haya waaqici ( ku saleysan wax la qaban karo ama la dareemi karo). Waaqiciga salka ku haya qabashada iyo dareemitaanka, isna waxa lagu hantaa – faallo-ka-bixin iyo halbeeg [= observation and measurement] – waanna luqadda Sayniska.

Fiisig yaqaan ku wuxuu soo ururiyaa xogta ku taxalluqda muuqaalka dabiiciga [= Physical nature] iyo dabeecadahooda; cilmi bulsho yaqaanku wuxuu faallo ka bixiyaa dhaqanka bulsho, iyo sidey xidhiidh uga dhexeeyaan, isagoo sal uga dhigaa sababaha dabeecadda; taarikh yaqaanku, sidoo kale isna wuxuu hidde-raac ku sameeyaa kor-u-kaca iyo hoos-u-dhaca xaddaaradaha.

Labada dabeecaddood ee waaqiciga caalamku waa: in dhammaan bini’aadam ku heli karo xog waaqici ah; kuwaas oo dareenka (senses) door ka qaataan helidda xogtan. Sidaas darted, waxaad ogaata in dareemayaashu yihiin sahan socda oo toos ula falgala caalamka, si uu dhiraandhirin ugu sameyo waaqiciga.

“Hal abuurnimada waa qaab qofka u raadinaayo jawaabaha saxda ah ee maskaxdiisa kujira. Tusaalle, ciyaaraha dhaqanka waa hal abuurnimo ay curiyeen Soomaalidii naga horeysay anaga.” – Afrikaan.so

Runtu ma jecla bini’aadamku, waxey tahay xaqiiqadu in gaabis-xaddidan uu jiro dhankasta oo dareemayaasha ah – tusaale ahaan dareenka bini’aadam ka lama odhan karo waa awood dhameystiran oo ilma nebi aadam ay ku ogaan karaan xaqiiqo kasta oo ka qarsoon. Maqalka bini’aadamku wuxuu u dhexeeya 20 – 20,000 wareeg ( Cycles) oo la odhan karo waa maqal aad u hooseeya—halka hoombarta iyo fiidmeertu ( Dolphin and Bats) ay hoombartu maqasho sanqadha ka socota badda hoosteeda.

Wadarta dareemayaasha, oo xidhiidh toos ah laga dhaxeysiiyey waaqiciga, waxey albaabada u furtaa Hal-abuur. Halka gabyaagu keliya adeegsanayo dareemayaal, waaqiciga la socon. Dhacdooyin horey u tagey, bey dareemayaashu xusuusta u gudbinayaan.

Marka ninka gabyaaga ahi uu allifo Maanso, curinta uu adeegsanayo waa aqoon maankiisa kujirtey oo uu u dhigey hab kooban. Waa farqiga u dhexeeya qoraalka iyo gabeyga. Qoraal kaa qaadan karaa 20 bog baa lagu soo koobi karaa shan beyd oo farshaxnnimo ah.

Dhinac kale, Maansada oo Gabaygu soo hoos gelanaya, waxaa la odhan karaa markale waa Taariikh-ka-sheeke. Jeer kalena uu ahaan karo, farriin timaaddada laga digayo. Wax cusub ma sheegeyso aan ka aheyn inaad taariikh kooban dadka uga sheekeyso, haddii aanu ahaan mid wax ka beddeli karaa qaab-noloodkooda. Imisa gabyaa bey Soomaalidu leedahay; ama imisa gabey ama maanso baa jira waqtigan ama jirey?. Maxey kusoo kordhiyeen nolosheenna? Burburka Soomaali hagardaamiyey, mxuu ka tarey Gabeygu?..

Waa jawaab fudud, haddii aan leys makeekiyeyn! Waxba uma uu tarin! Keliya, waa wax lagu nafiso. Waa hadal Gabeygu, haddii aanu ficil la socon—horeyna ay iyagu ba ku murtiyoodeen “ Hadal badan haan ma buuxsho!”

Sidaas si lamid ah, idil ahaan dareemayaasheennu waa kuwo xadidan, bini’aadam si uu taas uga baxo wuxuu hal-abuurey aalado u gargaara oo kaabis ahaan u ah gaadhida himiladdooda.

Siddeedaba, hal-abuurku ma aha wax la kala dhaxlo, halka hibadu noqon karto wax la kala dhaxlo, sida Maansadu u noqoto hibo. Hal-abuurku, waa wax waaqiciga ah oo horseeda isbeddel la taaban karo ama la dareemi karo. Isticmaalka Computer ku ma uu jirin qarniyadii tagey, ikhtiraaciisu wuxuu isbeddel ku sameeyey nolosha bulshada; nalka iftiinka ah ee aynnu iftiinsano, waxa hal-abuurey Thomas Edison, hal-abuurkannina wuxuu wax ka beddeley qaab-u-socodka nolosha aadamaha.

Hal-abuurka: waa shey dabiici ah, oo aadamigu wadaago. Hal-abuurku waa nidaam caddaali ah, oo aan dadka u kala soocin: muuqaalkooda, deegaankooda, sinjigooda, qabiilkooda iyo diintooda. Haseyeeshe, hal-abuurka leys ma amaahiyo, lamana meteli karo, lama barto. Waa wax keddis ah oo maanka kusoo dhaca, oo sida iftiinka oo kale ah, naftana muuqaal u sawira ( kadibna) dib-u-laabta.

Dadka caadiga ah Mucjisada noocana ma arkaan, mana arki karaan. Laakiin, hibadu waa cagsiga sifahaas, waa wax la barto, la meteli karo, la kala dhaxlo.

Nebi Muuse (NNKH), markuu waxyigu u imanayey wuxuu dusha ka saarna buurta Siinaay, wuuna miyir-doorsoomey [=Swooned]. Albert Einstein, isagoo baan ku yaal Vienna ka shaqeyanaya, horena maanka uga hayey, waxaa maskaxdiisa kusoo dhacey xeerka Caalamiga ah ee “ Theory of Relativity). Markale, xisaabyahankii la odhan jirey Archimedes, isagoo ku dhex qubeysanaya saxanka lagu meydho, ayaa waxa maskaxdiisa kusoo dhacey Qaanuunka loo yaqaan [= Principle of Bouyance kaas oo la xidhiidha: awoodda ay walaxi ku dhex sabbeyn karto biyo ama hawo].

Kaddib, intuu isagoo qaawan cararey buu ku dhawaaqey…Eureka…Eureka,. Waan helay. Waan helay! Ma aha wax canjilaad lagu suubbiyo, ee cilmi xaqiiqo ah weeye. Gabeygu waa canjilaad la kala dhaxlo—kaas oo la mid ah— sidii intaad sigaar afka ku qabato, cunug yar oo kuu ag-dbawina sameeyo sidii aad sameysey. Laakin, hal-abuurku waa wax ka gun dheer canjilaad.

Facebook Comments