Waraaqehena taxana ah ee ay qoreen weriyaasha Afrikaanka ah, waxaan toddobaadkan ku soo qaadaneynaa qormada Zeinab Mohammed Salih oo ku saabsan midab takoorka ay la kulmaan dadka madow ee Sudan.

Digniin: Qormadan waxaa ku jira erayo la dhibsan karo

Iyadoo ay dunida ka socdaan dibadbaxyo kala duwan oo looga soo horjeedo midab-takoorka kaddib dilkii George Floyd hase yeeshee Suudan waxay u muuqataa iney ku taallo duni kale. Hashatagii baraha bulshada qabsaday ee #BlackLivesMatter, Suudaan aad loogama hadal hayn; badalkii taasna waxay ku mashquulsanaayeen arrin barahooda bulshada qabsatay oo ku saabsanyd midab takoor lagula kacay cayaarhan caan ah kubadda cagta dheela oo lagu magacaabo Issam Abdulraheem, oo ah madow. Issam ayaa waxa uu guursaday Reem Khougli, oo ah gabadh Carab ah waxaana baraha bulshada lagu baahiyay qoraalkan.

“Xaqiiqatan waa xaaraam in boqorad uu guursado addoon,” nin ka mid ah dadka isticmaala Facebook ayaa sidaasi qoray kaddib markii uu arkay sawirka lammaanaha.

Tebintii tooska ahayd ee Facebook ee toddobo baxoodi.

Tobanaan falcelino oo la mid ah kuwaasi ayaa qabsaday barta Faceebook ee ay bulshada ku wada xiriirto, layaab malahan sababtoo dadka reer Suudaan waxay isu arkaan iney Carab yihiin badalkii Afrikaanimada. Erayga “addoon” waxaa lagu qeexaa dadka madow.

Qarnigii 19-naad Suudan waxay ka mid ahayd goobihii ugu ugu darnaa ee ka jiray ganacsiga addoomada

Suudaan waxaa u badan dadka midabka furan oo ku hadla luuqadda Carabiga ah, halka daka madow ee Afrikaanka ah ee deggan koonfurta iyo galbeeddka dalka ay la kulmaan mida-takoor iyo faquuq. Waxaa caan ka ah dalkaasi in wargeysayada lagu daabaco erayo takoor xambaarsan oo uu ka mid yahay erayga “addoon”

Dadka madow ee yar.

Dhacdo kale oo dhacday dhowaan ayaa iyadana ku saleysnayd midabtakoor oo madaxa Ururka Udooda Xuquuqda dumarka ayaa ka falcelisay sawir muujinaya nin madow ah iyo xaskiisa oo reer Yurub ah. Waxay tiri labadaan qof waxay kala yihiin sida farqiga u dhaxeeya bini’aadan iyo daanyeer.

Suudaan midabtakoorka waxa uu ka yahay caan, xilliyadii gumeysiga iyo tan iyo markii ay xurnimadii kaaqatayba. Xitaa dowladda gudeheeda waxaa ka jira midabtakoor ba’an oo jagooyinka sar-sare waxaa ka buuxa Carabta waqooyiga dalka degta iyo qomiyadda Nubian-ka.

Suudaan midabtakoorka waxa uu ka yahay caan, xilliyadii gumeysiga iyo tan iyo markii ay xurnimadii kaaqatayba. Xitaa dowladda gudeheeda waxaa ka jira midabtakoor ba’an oo jagooyinka sar-sare waxaa ka buuxa Carabta waqooyiga dalka degta iyo qomiyadda Nubian-ka.

Dhammaan saraakisha sarsare ee milatariga waxaa haysta qowmiyadahaasi, sidoo kale waxay awood ku leeyihiin waaxda ganacsiga.

 

Ganacsiyadii addoonsiga ee Suudaan

Midabtakoorka Suudaan waxaa uu la bilwoday aasaaskii khartuum ee 1821-kii, xiligaas oo ay magaalada ahayd suuqa kala iibsiga addoomada.

Ilaa haatan ganacsadayaashii addoomada weli waa laga ixtiraamaa Suudaan oo waxa jirta waddo ku taalla bartamaha magaalada oo lagu magacdary al-Zubair Pasha Rahma oo qarnigii 19-naad caan ku ahaa ganacsiga addoomada.

Ganacsiga addomaha waxaa meesha laga saaray 1924-kii balse go’aankaasi waxaa ka soo horjeestay hogaamiyashi Carabta ee xilligaasi waxaa ka mid ahaa Abdelrahman al-Mahdi iyo Ali al-Mirghani, oo ay dad badani aaminsan yihiin iney addoomo badan uga shaqeynayeen dhulkii ay ku lahaayeen agagaarka webiga Niil.

 

Laba cilmi baarayaal oo reer Suudan oo lagu kala magacaabo Sulimen Baldo iyo Ushari Mahoumd ayaa 1987-dii shaaca ka qaaday cadeymo muujinaya in qaar ka mid ah kooxaha waqooyiga Suudaan oo adoonsanaya dadka madow ee koonfurta. Waxay shegeen in kooxahaasi ay hubeynayeen milatariga Sadiq al-Mahdi.

Addoonsigii qarnigii 21-aad ee Suudan

Tan iyo xornimadii Suudaan, waxaa dalkaasi hareeyay dagaallo ay horseedeen aragtiyadii xubna ka tirsan Carabta Suudaan oo isku arkayay iney ka wanaagsan yihiin dadka madow.

Weerarrada gumeysiga koonfurta ee la soo werinayay ayaa socday tan iyo dhammaadkii dagaalkii sokeeye ee 2005-tii.Haweenkii iyo caruurtii ee ay afduubteen kooxihii Carabta si ay ugu shaqeeyaan ayaanan weli xornimadoodii helin oo aan dib u arakin qoysaskoodii.Dhanka kale tan iyo markii uu bilowday dagaalkii Darfur horraantii 2000 maleeshiyadii Carabta Janjaweed ee taabacsanayd dowladda ayaa lagu soo eedeyay iney dil iyo kufsi u geysteen dadka madow.

Isbadalkii 2019-kii ayaa waxaa lagu soo dhisay dowlad ku meel gaar ah kaddib markii ay meesha ka baxday dowladdii Cumar Xasan Al-bashiir hase yeeshee ilaa haatan ma cadda hab wax looga qabanayo midab-takoorka ka jira dalka Suudaan.

Facebook Comments