Maalmahan waxaa aad loo hadal hayaa dhismaha Aya-Sufiya oo markale masaajid laga dhigay, ka dib ku dhowaad 90 sano oo madxaf uu ahaa.

Madax, hoggaamiyeyaal diin iyo dad kale ayaa ka falceliyay, balse madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa difaacay go’aankaas ka soo baxay maxkamad. Haddaba aanu eegno shanta dhisme ee masaajidda ahaan jiray ka dibna kaniisad laga dhigay ama kaniisad ahaan jiray oo hadda masaajid ah:

1- Aya Sufiya – Turkiga.

Dhismaha caanka ah ee madxafka ahaa ee ku yaalla Istanbul – Aya Sofiya – ayaa dib loogu dhigay masaajid. Dhismahan wuxuu ahaan jiray macbad cathedral ah oo ay lahaayeen boqortooyo haystay diinta Orthodox oo maamuli jirtay Istanbul (oo xilligii Cusmaaniyiinta ay qabsanayeen lagu magacaabi jiray constantinople).

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa go’aanka ku dhawaaqay ka dib markii maxkamad ay meesha ka saartay in dhismaha uu yahay madxaf.

GETTY IMAGES. Dhismaha wuxuu hadda yahay midka ay booqdaan dalxiiseyaasha ugu badan ee Turkiga taga

Xaruntan oo la dhisay 1,500 oo sano ka hor, waxaa masaajid loo badalay ka dib dagaal culus oo Cusmaaniyiintii ay ku qabsadeen magaalada, sannadkii 1453-dii.

Sannadkii 1934, ayaa laga dhigay xarun madxaf ah, haddana waxay ka mid tahay Goobaha Dhaqanka ee UNESCO ay aqoonsan tahay. Qaar ka mid Musliniinta Turkiga ayaa muddo dalbanayay in dib looga dhigo masaajid, in kastoo ay jireen dad aragtidaas diidanaa.

Isagoo difaacayay go’aanka, madaxweyne Erdogan wuxuu xaqiijiyay in dalkiisa uu xor u yahay gaaridda go’aanno madaxbannaan, taasna ay tahay mid arrinta ay ka dhalatay in dhismaha dib loogu celiyo masaajid.

2- Masjidkii Babri, Ayodhya – Hindiya

Sannadkii 2019, Dhismaha lagu muransanaa ee Masaajidka Babri ee ku yaalla Ayodhya oo ah Waqooyiga Hindiya, ayey maxkamad amartay in laga dhigo macbad Hindu.

Maxkamadda ugu sareysa ee Hindiya ee Delhi ayaa go’aankaas gaartay.

Kiiska maxkamadda oo ahaa mid si weyn loogu murmay ayaa qaatay muddo tobannaan sano ah. Waxaa la isku haystay cidda dhismahaa iska leh – Muslimiin ama Hindu.

“Muslimiinta waxay heli karaan dhul kale oo masaajid ay ka dhistaan”, ayey tiri maxkamadda xukunka riday.

Dad badan oo Hindu ah waxay aaminsan yihiin in dhismahaa uu yahay meesha uu ku dhashay mid ka mid ah “dadka ay caabudaan” oo lagu magacaabo Lord Ram. Muslimiintana waxay sheegeen in muddo aad u fog oo jiilal ah ay halkaas ku cibaadeysanayeen.

Waxyaabaha lagu muransanaa way badnaanyeen balse waxaa xudun u ahaa dhismaha masaajidka Babri oo qarnigii 16-aad ay qabsadeen Muslimiinta.

Sannadkii 1992-dii, dad Hindu ah oo careysan ayaa masaajidkaas ku duulay, wayna burburiyeen. Waxaa la sheegay in rabshadahaas ay ku dhinteen ku dhowaad 2,000 oo qof.

 

Maxkamadda waxay sheegtay in warbixinno cadeyn ah oo laga sameeyay dhismaha lagu ogaaday in “uusan ahayn mid Muslimiin ay dhiseen”. Waxaa tijaabada lagu sameeyay haraaga dhismihii Masjidka Babri ee la burburiyay. Go’aankii maxkamadda ayaa lagu sheegay in Dhimsha dib loogu celinayo macbadka Hinduga ee Lord Ram, iyadoo Muslimiintana la siinayo dhul meel kale ku yaalla si masaajid ay uga dhistaan.

Balse, maxkamaddaas ayaa xukuntay in burburintii Masaajidka Babri uu ahaa arrin sharciga ka soo horjeeda. Golihii Muslimiinta oo aan ku qancin go’aanka maxkamadda ayaa sidoo kale sheegay in aysan racfaan ka qaadan doonin xukunkaas.

3- Masaajidka Cordoba.

Sannadkii 2014, boqollaal kun oo qof ayaa saxiixay dacwad ah in dhismaha caanka ah ee cathedral-ka ah laga dhigo kaniisad Catholic ah.

Masaajidka Cordoba

Dhismahaas wuxuu asalkii ahaan jiray masaajid ay dhistay dowladdii Islaamka ee Andolisiya, ka hor inta uusan kaniisad cathedral ah noqonin, qarnigii 15-aad.

Dhismahaas oo Muslimiinta ay billaabeen, masiixiyiinna ay dayac tireen, weli waxaa ka muuqdo astaamaha kala duwan ee labada diin.

Dhismaha waxaa weli ka taagan muran ah nooca masiixiyiinta ee iska leh. Mid ka mid ah dadkii saxiixay dacwadda ayaa sheegtay “in la isku deyayo in la badalo magaca oo meesha laga saaro Masaajid iyo Cathedral”.

Balse masiixiyiinta Catholic-ga ayaa beeniyay in ay doonayaan in taariikhda dhismahaas ay bedelayaan, wayna aaminsan yihiin in meesha ay masaajid ahaan jirtay.

“Suuragal ma aha in la tirtiro taariikhda Islaamka ee dhismahan”, ayuu yiri baadari BBC-da la hadlay sannadkii 2014-kii.

Dhismahaas waxaa sannadkasta u dalxiis taga illaa 1.3 milyan oo qof oo daafaha caalamka ka kala tagay.

4- Britain – Kaniisad hore oo Masaajid laga dhigay.

Sannadkii 2007, Maamulka magaalo ku taalla Britain ayaa u codeeyay in kaniisad hore laga dhigo masaajid. Codka Golaha deegaanka Clitheroe oo ahaa mid aad isugu dhow ayaa dhaliyay in meeshaas lagu soo afjaro muran qaraaraa oo aad u dheeraa, wuxuuna suurageliyay in Muslimiinta laga badan yahay ay helaan meel ay ku cibaadeystaan.

Dhismaha wuxuu ahaa kaniisad Methodist ah, sidoo kale, muddo 40 sano ah wuxuu ahaa warshad ka dib markii la waayay dad ku cibaadeysta.

Arrintaas waxaa Muslimiinta ku hoggaaminayay nin asal ahaan ka soo jeeda Pakistan oo lagu magacaabay Sheraz Arshad, wuxuuna sheegay in Muslimiinta ay cod ku leeyihiin in dhismaha Kaniisadda ee la iska xiray ay ka dhigtaan xarun cibaado. Xilligaas ee uu soo baxayay go’aanka, waxay Muslimiinta ku noolaa deegaankaas ahaayeen illaa 300, balse hadda aad ayey u sii bateen.

5- Masaajidka Granada

Sannadkii 2003-dii, Muslimiinta Spain ayaa ku guuleystay in ay dib u helaan Masaajidka Granada, kaas oo muddo 500 oo sano ah gacantooda ka maqnaa. Magaalada uu masaajidkaas ku yaallo ayaa mar ahaan jirtay meeshii ay ugu awoodda badnaayeen Muslimiintii Yurub.

Maalintii dib loo furayay, waxaa ka qeybgalay Muslimiin badan iyo madax ka socotay maamulka Spain.

Masaajidka Granada

Sida ay sheegeen Muslimiinta, in ay dib u helaan masaajidkaas waxay ahayd soo nooleyda kaalinta Islamka iyo “sharafta taariikhda Muslimiinta”. Balse waxaa jiray dad badan oo reer Spain ah oo aad uga carooday arrintaas. “Qof kasta wuu diidan yahay balse siyaasad ahaan way baqayaan in ay hadlaan”, ayuu yiri qof magaaladaas ku sugnaa oo diidanaa go’aanka masaajidka looga dhigay dhismahaas.

Muddo 500 oo san ka hor ah ayey Masiixiyiintii Spain dib u qabsadeen halkaas oo ka tirsan Koonfurta waddankaas, waxayna soo afjartay maamulkii boqortooyadii Muslimiinta ee Maqaribi (Moorish) oo muddo 800 oo sano ah halkaas xukumeysay.

Ka dib markii Muslimiinta laga adkaaday, dadkii Spain qabsaday oo diidanaa cibaadada Muslimiinta ayaa “billaabay in dadka ay si qasab ah diinta Islaamka uga saaraan” waxaa sidoo kale la “burburiyay masaajid oo meeshii ay ka dhsinaayeen dib looga sameeyay kaniisado”.

Masaajidkan wuxuu hadda xarun cibaado u yahay in ka badan 1,000 Muslimiin ah oo u badan dadka Spain ee diinta Islaamka qaatay ee deggan halkaas, sida uu sheegay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ee Granada.

Facebook Comments