Maalinta 22 luulyo waa maalin dalkan Norway laga xuso dhacdo murugo leh oo 9 sanno kahor dhacday, ka dib markii nin cunsuri ahaa 77 qof naceyb xagjirnimo ku laayay. Sannad walba, maalintaan oo kale oo ku aadan 22-ka Julaay dhacdadan waa la xusaa.

Saddex sano horteed ayaan qoraal arintan ku saabsan sameeyay, oo aan halkan ku lifaaqayo:-http://ubahaden.com/index.php/2017/07/26/bs-argagixisadii-norway

Dareenkeyga qushuuc ayaa labo jiho ku saleysan. Midi waa dareenka guud ee dadka dhibka ka soo gaarey masiibadan, aan la qeybsanayo. Qaar ku dhintey. Qaar ku dhaawacmey. Iyo qaar noloshooda saameyn weyn ku yeelatey dhibkaa ayay ahaayeen. Dadkii la diley qaarkood isku xisbi baan aheyn oo waan is naqaaney. Qaar kalane waalidkood baan is naqaaney. Xanuunkaa iyo welwelka ay maantey oo kale dareemayaan waa xanuun umadda dalkan ku nool, inta wanaaga jecel ay la dareemayaan. Oo ay la wadaagayaan.

Qushuuca kale ee ii dheer baa ah mid soomaalinimo. Markaad aragto sida loo xuso maalintan iyo sida looga hadlo dhibkaa waxaad is weydiineysaa, taloow miyeysan dhimashadda dadkeyga qiimo laheyn? Intaa waxaa la arkayaa dad somali ah oo siyaabooyin kala gedisan naftooda ku waayaya. Qaar waa la dilayaa oo gacan ka xaqdaran baa sabab looga dhigi, qaar masiibo rabaani ah bey u dhiman, qaarna tii Rabi baa u iman. Dadkaa qaarkood taariikh weyn ayay dalka iyo dadka ku muteen oo ay ku yeeshen. Nasiib xumase geeridood xusid ma yeelan, xasuusna lagama reebin. Waxey noqdeen halyeeyo la hilmaamey.

Waxaan aaminsanahey hadii la badiyo ka hadalka iyo muujinta wanaaga, in iftiin wanaagsan bilaaban lahaa. Dadkana u sahlanaan laheyd in wanaagaa lagu deydo. Oo la raaco. Halka maantey ay sahlan tahey in xumaanta laysaga deydo, fidinteedna ay fududahey.

Anders Behring Breivik, oo 32 jir ah, ayaa la sawiray daqiiqado kadib markii la xirey, isagoo wali xiran dharka booliiska uu xirnaa markii uu dilayey 77 qof ah bishii July 22, sanadkii 2011

Qoraalkii iigu tahniyeenta badnaa, hadanana iigu adkaa ayaa ahaa qoraal aan ka sameeyay mar aan la heyste ku aheyn degaanka Kuntuwaarey. Oo qabiiladii aan cadowga u heysaney ay noqdeen qabiiladii na badbaadiyay. Qorida qoraalkaa dadkii aan kala tashtey iyo waalidkey wey igu diidanaayeen markii hore, iyagoo ka cabsanaya in qalad loo fahmo.

Nasiib wanaagse waxuu noqdey qoraalkii iigu farxadda iyo dhiira gelinta badney abid. Halkan baan ku lifaaqi qoraalkaa, hadaad xiiseeneyso akhrinta dhacdadaa:- http://ubahaden.com/index.php/2016/08/24/deris-wanaagii-iyo-dabkii-la-shidey-dagaalkii-sokeeye-ee-soomaaliya/

Ulajeedada ayaa ah, mudaddii soddonkii sano ee dhibka iyo burburka iyo xasilooni la`aanta lagu jirey, waxaa dadkeena soo gaarey dhibaatooyin aad iyo aad u xanuun badan. Oo qaarkood aan la hilmaami karin. Bilowgii dagaalkii sokeeye ee dalka oo markiisii horaba ahaa masiibo qaran, baa hadana dhibka lagu kala  badnaa.

Mudo dhawr bilood ah Moqdisho waxaa ka dhacey halaag lama hilmaamaan noqdey, hadana laga dhigey lamaga hadlaan. Waxaa na soo gaarey qaraxyo iyo dilal hadaan dal iyo dibadba aan kala joogno, u wada baroor diiqney. Waxaa kaloo na soo marey dhimasho hadaan qaran iyo umadd nahney, naga wada oohiyay.

Walaalayaa, hadaan rabno in aan taariikhda wax ka barano, masiibooyinkana ka hortagno, qiimeeno nolosha iyo geerida dadkeena, waxey aheyd in qaraxyadii cuslaa ee dalka ka dhacey sida kii Zoobe, dilalkii foosha xumaa ee aan ka wada damqaney sida dilkii Abas Abdullahi Siraj, Hodan Naleyeh, Saado Cali Warsame, Almaas Elman, geeridii Abdirahman Hosh Jibril iyo kuwo kale oo badan ka mid noqdaan manhajka waxbarashada ee dalka. Oo ardeyda maantey la baro taariikhda halyeeyadaa, si ay ugu deydaan.

Markii dadka la siiyo waxbarasho iyo tacliin tayo leh, waxaa ku dhalan hami nolol oo noloshaa qiimo yeelan laheyd. Taariikhdana xusid bey heli laheyd. Masiibooyinkaana wey yaraan lahaayeen. Intaasi waa fikradeyda. “Education is the vaccine of violence and the most powerful weapon to change the world ( Nelson Mandela, Edward James Olmos)

Facebook Comments