Xasan Cali Khayre: Maxay Tahay Sababta Dhabta ah ee uu Xilkiisa ku Waayay?



Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxaa xilka loo magacbay 23 February, 2017-kii, waxayna Baarlamaanka ansixiyeen 1 March ee isla sannadkaas. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr goor sheegay in dowladdiisa ay uga duwan tahay kuwii hore oo isaga iyo Ra’iisul Wasaarihiisa in aysan is khilafin ayna isla dhameysan doonaan muddo xileedka.

Balse saaka, codeyn khilaaf uu ka taagan yahay ayey baarlmaanka sheegeen in kalsoonida ay kagala noqdeen xukuumadda uu hoggaaminayay Khayre. Saacado yar ka dibna, Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay inuu aqbalay arrintaas, wuxuuna magacaabay ra’iisul wasaare ku meel gaar ah.

Maxaa sababay in “xilka laga qaado”?

Ajendaha baarlamaanka kumaba jirin saaka xil ka qaadista Xasan Cali Khayre, taa badalkeeda xubaha waxaa loo sheegay inay ka doodi doonaan arrimo la xiriira doorashada. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in baarlamaanka uu maanta kalsoonidii kala noqday xukumaadda ra’uusul wasaare Xasan Cali Kheyre. Gudoomiyaha oo kullanka baarlamaanka ka dib la hadlay saxaafadda wuxuu sheegay “in cod la qaaday ka dibna 170 xildhibaan ay kalsoonadii kala laabteen xukuumadda Xasan cali Kheyre halka 8 xildhibaan ay mooshinkaas diideen.”

“Waxaad moodaa in ay ahayd arrin la sugayay”, ayuu yiri Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya. Wuxuu intaa ku daray: “Wuxuu ahaa khilaf in muddo ahba lagu guuldareystay in si hoose loo xalliyo.”

Balse guddoomiye Mursal ayaa sheegay in qodobbo sharci ah oo la xiriira waxqabadka Xukuumadda ay sabab u ahayd “xil ka qaadista iyo kalsooni kala noqoshada” uu manta u codeeyay Golaha Shacabka.

“Golaha markuu arkay barnaamijka xukuumadda ee in dalka ay gaarsiindoonto doorasho qof iyo cod ah, sannadka 2020-ka oo ku saleysan dimuquraadiyad iyo rabitaanka shacabka. Wuxuu (golaha) arkay in xukuumadda ay ku fashilantay ballanqaadkii ahaa diyaarinta hannaan iyo qorshe cad oo lagu gaarayo doorasho qof iyo cod ah”, ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamaanka. Abukaate Cali Maxamed Ciid oo arrimaha sharciga ku xeeldheer ayaa BBC Somali u sheegay in wixii maanta Baarlamaanka ka dhacay “in aan loo marin sharciga golaha”.

“Looma marin sharciga. Ma ahayn mooshin ay xukuumaddu ogayd; mid dadweynuhu ogaa iyo caalamku qof ka mid ah uu ogaa. Marka dowlad la joogo ma jiraan wax la kala qarsanayo”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Khayre xilka ra’iisul wsaraha u magacaabay 23 February 2017-kii, maalin ka dib markii xilka loo dhaariyay.

Doodda la xiriirta arrimaha doorashada ayaa in muddo ah soo jirtay, waxayna baarlamaanka meelmariyeen shuruuc la xiriirta qaabka doorashada dalka ay u dheceyso. Si kastaba, wakhtiga doorashada baarlamaanka waxaa ka dhiman muddo seddax bilood ah, halka midda madaxweynahana ay dheceyso bisha February ee sannadka soo socda.

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay isla xilligaa sheegeen in ay diidan yihiin shirkaas, shuruucda doorashadana uu diyaar yahay, midkaasna lagu dhaqmo.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal, wuxuu sheegay in xukuumadda ay sidoo kale ku fashilantay arrimo ay ka mid yihiin “go’aan ka qaadashada maqaamka Muqdisho, afti u qaadidda dastuurka dalka, iyo diyaarinta ciidamo suga amniga dalka oo dhan”.

Dr. Bursaliid wuxuu qabaa in wixii manta baarlamaanka ka dhacay aysan ahayn sharci, balse marka la eego siyaasadda Soomaaliya ee 30-kii sano ee la soo dhaafay ee “xeer la’aanta ahayd”, in arrintan ay ahayd mid iska caadi ah. Abukaate Cali Maxamed Ciid oo ah sharci-yaqaan ku sugan Muqdisho wuxuu qabaa in ay ahayd in xukuumadda fursad loo siiyo in ay ka jawaabto iskana difaacdo wixii lagu eedeeyay.

Wuxuu sheegay: “Haddii mooshin laga keeno oo tirada xildhibaannada loo baahan yahay ay keenaan, waxaa fursad loo siinayaa in ay xukuumadda is difaacdo, waa sida maxkamad oo kale, cod baa loo qaadayaa”. Abukaataha wuxuu sheegayaa in ay ahayd in arrintaas ay noqoto “madal ay shacabku marqaati ka yihiin. Laakiin marna ma noqon karto wax qof jeebka uu kala soo baxay”.

Maxaa kulmiyay xil ka qaadista iyo heshiiskii dhuusamareeb?

Madaxda Maamul Goboleedyada iyo madaxda Dowladda Dhexe oo ku kulmay magaalada Dhuusamareeb, isbuucii la soo dhaafay, waxay sheegeen in ay ku heshiiyeen in la qabto “doorasho xilligeeda ku dhacda oo heshiis lagu yahay”. “Taas way muuqataa. Madaxweynaha markii uu shirkii Dhuusamareeb ka hadlay wuxuu sheegay in wixii meesha uu ka soo qaaday uu kula noqonayo Baarlamaanka”, ayuu yiri Mursal Saney oo arrimaha siyaasadda Soomaaliya wax ka qora.

Madaxdii ku kulantay magaalada Dhuusamareeb waxay sheegeen in ay heshiis wada saxiixdeen, mana aysan muujinin in khilaaf uu jiro, in kastoo markale ay ballameen, guddina ay u saarayaan farsamada xaaladda doorashada. Sida uu Saney aaminsan yahay waxay xil ka qaaditsa daba socon kartaa arrimaha la xiriira doorashada waqtigeeda lagu aado iyo sida la isugu fahmi waayay in waqtiga la kororsado.

“Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isagaa magacaabay Ra’iisul Wasaare Khayre, isagaana marar badan sheegay in uu keensaday ra’iisul wasaare isaga ka fiican. Marka isagaan ka sugeynaa in ra’iisul wasaarihii isaga ka fiicnaa uu meesha ka baxo uuna keeno qof loo qaateen ah”, ayuu yiri Saney.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u sheegay in ra’iisul wasaarihiisa ay isla dhameysan doonaan ayna ka fogaanayaan khilaafka. Khayre ayaana noqday ra’iisul ugu waqtiga dheeraa Soomaaliya labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Muddo kordhin sabab ma u noqon kartaa?

Hadal haynta ah in dowladda ay “dooneyso muddo kordhin” waxay soo taagnayd muddo, waxaana aad u qeylinayay siyaasiyiinta mucaaradka. Balse, Ra’iisul Wasaaraha “xilka laga qaaday”, Xasan Cali Khayre, ayaa horraantii bishan sheegay in doorashada lagu qaban doono wakhtigeeda, aysanna jiri doonin muddo kordhin.

Wuxuu yiri: “Doorashadu waa inay ku dhacdo jawi midnimo iyo mid wadatashi ah, si aan u xaqiijino rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, meel waliba oo ay joogaan”.

“Wa in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay, lagana fogaadaa in lagu shaqeyo fikir ku saleysan muddo kordhin sababtoo ah mudda kordhintu waxay horseedi kartaa qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”, ayuu hadalka ku sii daray. Balse Dr. Ibrahim Faarax Bursaliid wuxuu sheegay: “Waxay u muuqataa in Xasan Cali Khayre uu aad u fahmay danta iyo maslaxadda xukuumaddiisa, balse wuxuu fahmi waayay danta xukuumadda laftigeeda laga leeyahay”.

“Waxaa meesha yaalay oo miiska saarna, oo shacabka Soomaalida ay wada dhowrayeen, doorashadii dhici lahayd sannadkan dhammaadkiisa iyo bilowga sannadka soo socda. Marka waxan is leeyahay wuxuu eersaday ra’iisul wasaaraha, doorashadii oo ay isla fahmi waayeen isaga iyo masuuliyiinta kale ee dalka”, ayuu yiri Mursal Saney.

Wuxuu hadalka ku sii daray, “In lagu kala aragti duwanaa (doorashada) oo ra’iisul wasaaraha uu ku celcelinayay in doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo oo aan xilli lagu darsan; arrintaas waa loo fasiran karaa (in Khayre uu xilka ku waayay)”. Gudoomiyaha guddiga Doorashada Soomaaliya, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo dhowaan baarlamaanka u sharaxday qaababka doorashada, waxay soo jeedisay laba muddo kordhin oo midna ay tahay March, 2021 ama August, 2021, in doorasho qof iyo cod ah la qaban karo.

Qaar ka mid ah Madaxda maamul Goboleedyada iyo hoggaamiyeyaasha axsaabta mucaaradka waxay soo jeedinayaan in waqtiga aan la kordhin, doorashadana ay noqoto mid “dadban” oo loo qabto qaabkii hore ee codeynta odeyaasha. “Sida muuqata, meesha hadda loo socdo waa in waqti lagu darsado. Baarlamaankana isaga waqtiga kuma darsan karo, madaxweyne Farmajana uguma dari karaan. Marka waxaa imaan doonto ‘mustaqbalka maxaa laga yeelaa?’,” ayuu yiri Saney.

Wuxuuna aaminsan yahay in waqtiga loo kordhiyo ay uga xiran tahay sida ay u aqbalaan madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta kale ee saameynta leh ee ku sugan dalka.

Heshiiskii Dhuusamareeb ma burburay?

Heshiiskii lagu gaaray shirkii Dhuusamareeb waxaa wada saxiixay Madaxweyne Maxamed cabdullaahi Farmaajo, Xasan Cali Khayre, iyo shanta madaxweyne ee maamul goboleedyada. Taas waxay Ra’iisul Wasaare Khayre ka dhigeysaa mid ka mid ah saxiixayaasha toddobada ah ee is fahamkaa wada gaaray. War murtiyeedkii ka soo baxay shirka ayaa lagu sheegay in madaxda ay isla meel dhigeen in dalka ay ka dhacdo doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada qanacsan yahay iyo in la sameeyo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah.

“Guddigaas wuxuu ka soo baaraandagi doona talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saareen madaxda. Sida uu qabo Mursal Saney, Khayre wuxuu laba xubnood ku lahaan lahaa guddigaas, balse hadda „taasi ma dhici karto”. Cilmi-Baaraha ka tirsan machadka Herritage, Mursal Saney wuxuu yiri: “Wixii maanta ka dhacay Baarlamaanka waxayba ka soo horjeedaan wixii ka dhacay Dhuusamareeb oo lagu soo heshiiyay”.

Wuxuu sheegay in arrintaas ay sababtay in meesha ay ka soo baxdo “howl culus” oo hortaalla Soomaaliya. Madaxda ayaa la filayaa in muddo laba isbuuc ah gudahood ay dib ugu noqdaan magaalada Dhuusamareeb, si halkaas looga sii amba qaado arrimihii laga wadahadlayay.


Xigasho: BBCSOMALI

Facebook Comments

Next post Maskaxdii iyo Aqoontii Wax Saadaalin Laheyd, Xaggee Bey ka Baxdey?

Previous post Madooneysa Inaad Hurdo Fiican Hesho? Hadaba raac 5-taan Qaab

Afrikaan.so

About the Author Afrikaan.so

Afrikaan.so – “waa codka xorriyadda iyo la daggaalanka bey’ad uu qof kaligii ka taliyo ama la xariira dadka aaminsan si fikradahooda jira loo xoojiyo fikradaha kale ee aan loo qaddarin.” Sidoo kale, Afrikaan.so waa deggel u taagan in qoraalku noqdo mid qiimo leh, in aragtiyada iyo xal u helida dhibaatada bulshadeena lagu lafa-guro. Sida ka muuqato sumada websaydkeena waxaad ka helaysaa dhammaan cilmiga noocyadiisa kala duwan ee lagu baahiyey. Waxaa guud ahaan aqoonyahanada iyo qorayaasha ku boggaadineynaa siddii ay dalkooda dhaxal ugu reebi lahaayeen ugana soo saari laheeyeen dal dhaafsan dalalka caalamka, iyadoo loo maraayo aragtida ah ‘Xalka waa xaggee?’” Afrikaan.so waxaa ka go’an inay abuurto bulsho hal abuur fiican leh, inay saldhig u noqoto xalka caqabadaha & qaran ahaan loo aqoonsan yahay adeeg xirfadeed.

No Comment

Leave a reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Content is protected!!