Hooyada inta ay Uurka leedahay waxaa ku imaado isbadallo badan taasoo keenta Hooyada inay cunno fiican qaaddan weydo. Inkastoo Hooyada cuno xumo lagu arki karo xilliga Uurka haddana waxaa muhiim ah  in aan siinno cunno dheelitiran.

Waxaa Hooyada lagula taliyaa cunnoyinka in ay qaaddato haddab inta ay awoodo ayada oo waliba ku noq-noqaneyso, maadama canugga caloosha ku jiri uu koraayo Hooyada waxay u bbaahan tahay nafaqo ka badan xadigi ay horey u qaaddan jirtay.

Waxaa jiro cunooyin aan Hooyada loo ogaleyn in ay qaaddato xilliga Uurka. Haddii aan horey u maqali jirney daawoyinka qaar looma ogalo Hooyada xilliga ay Uurka leedahay, maantay waxaan  ogaaneynaa Cunooyinka aan loo ogaleyn Hooyada.

Taasoo Cilmi Baarayaasha Caafimaadka ay ku ogaadeen inay saameyn caafimaad daro ku keeni karto canugga ku jira caloosha.

Ogowse Cunnada aan cunno waxa ay yeellan kartaa awood halis galin karto caafimaadka ilmaha ku jira caloosha.

Ina mari aan isla ogaanee cunnoyinka Saameyn kara  Caafimadka Cunugga ku dhex-nool ilma galeynka.

 Waxaa kamid ah Cunnooyinkaas:

Ukunta cayriinka ah inkastoo Hooyoyinka  inta badan aysan jecleyn cunista ukunta cayriinka ah, haddana waxaa dhici karta Hooyoyinka qaar inay jecel yihiin cunisteeda. Ukunta cayrinka waxaa fudud in ay ku dhex-noolato bakteeriyo loo yaqaano  Salmoneela (Salmonella)  taaso sababi karto  Hooyada  inay dhiciso.

 Cabista Kafeega Hooyada xilliga ay uurka  looma ogolo kafeega in ay cabto, sababtoo ah kafeega waxa uu ka gudbaa xariga xudunta canugga, wax waliba oo ka gudbo xariga isku xira Hooyada iyo canuggeeda waxa uu qalqal galiyaa caafimaadka Uur jiifka. Kafeega waxa uu inta badan ku sababaa ilmaha ku jira caloosha  in ay ku dhashaan miisan yari.

Qudaarta aan sida fiican loo dhaqin iyo Hilibka aan sida wanaagsan loo karinin, waxa ay saameyaan Caafimadka canugga taaso ay ugu wacan tahay bakteeriyadda ku nool dushooda.

Malayga noocisa loo yaqaana Tuna  iyo Daawoyinka fitimiinada ay ku badan yihiin Fitamiin A, waxa ay kamid cunooyinka qal-qalka galiyo caafimaadka  canugga ku dhex nool ilma galeenka.

Facebook Comments