Sanad kasta marka uu sii dhamaanayo muddo xileedka dowladda federaalka dalku wuxuu galaa olole doorasho. Su’aashu waxay tahay, waa maxay caqabadan xili walbo ishortaagta marka la gaaro ama ay soo dhawaadaan doorashooyinka heer qaran?

Doorasha kasta ee dhacaysa  waxaa ka hor yimaada caqabado fara badan ee loo baahanyahay in saamileyda siyaasadda ay ka heshiiyaan. Taasina waxay imaan kartaa hadii uusan jirin dastuur qeexaya qaabka doorasho iyo sidii loo qaban lahaa.

Marar badan Xiliyada Doorashada marka la gaaro dalka Soomaaliya waxaa soo wajaha wareer ku aadan qaabka doorasho ee dalka uu yeelanayo. Arrintaas waxay ka dhalataa dowladda oon muddo xileedkeeda ugu diyaar garoobin doorashada, sababo badan awgeed. Dowladda ayaa inta badan ku mashquusha sidii shacabka loogu shaqeyn lahaa islamarkaana siyaasiyiinta kala aragtida duwan loo qancin lahaa.

Dhinacyada siyaasadda ayaa si weyn ugu kala aragti duwan arrimaha doorashada, iyadoo dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay u xusul duubeyso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah.

Hadaba maxay yihiin mushkiladaha ugu waaweyn ee haysta ,doorashooyinka  soomaaliya  inay qabsoomaan waqtgigii loogu talogaley?

Sida an kor kusoo xusney dowladda oon waqtigeeda ka faaideysan, baarlamaanka iyo saamileyda siyaasadda oon dowladda kala shaqeyn doorashada inay waqtigeeda ku dhacdo, xukuumadda talada haysa oo maagan inay muddo kordhin sameeysato, dastuurkii oo qabyo ah oo keenaya in marwalba loo laabto nidaamka 4.5, faragelin dowlado shisheeye oo aan ka marneyn, xisbiyadii siyaasadda oon si rasmi ah u diiwaan gashaneyn iyo ugu dambeyn dowlad goboleedyada qaar oo isu qaba  inay yihiin dowlado  gaar  ah rabanna  in  wax  laga  weydiiyo  nooca ay noqonayso  doorashadu.

Shacabka soomaaliyeed ayaa isweydiinaya doorashada soo socota sideebay noqon doonta. Si aan uga jawaabno suaashaas waa inaan diiradda saarnaa wax hadda ka soconaya Dhuusomareeb.

Dhinacyada siyaasadda ayaa si weyn ugu kala aragti duwan arrimaha doorashada, iyadoo dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay u xusul duubeyso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho qof iyo cod ah. Laakiin walaaca ay garabyada kasoo horjeeda dowladda qabaan ayaa ah in arrintaasi ay horseeddo dib u dhac iyo muddo kororsi.

Shirka oo markii hore la qorsheynayay inuu ka dhaco magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa loo weeciyay Dhuusamareeb, halkaasoo ay qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ku qanacsanaayeen. Shacabka Soomaalida ah iyo beesha caalamka ayaa si weyn isha ugu haya natiijada kasoo bixi karta kulankaas oo looga hadli doono arrin u muuqata in dhinac walba uu ka taagan yahay mowqif aan ka laabasho lahayn.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysey inay qabato doorasho qof iyo cod ah taas oo dhaafta muddo xileedka dowladda iyo kan gudiga doorashooyinka. Arrintaas waxay ka careysiisey siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo dad badan oo taagersan.

Doorashooyinkii madaxdnimo ee la soo dhaafey ee Soomaaliya ayaa midwalba waqti ku darsadey laakin waxaa hadda muuqata in dowladda hadda jirta lagu cadaadinayo in aysan sameyn wax muddo kororsi ah. Taasi hadii ay dhacdana qalalaaso siyaasadeed iyo mid amniba laga digey.

Soomaaliya oo ah dal qani ah ayaa la daaladhacaysey xurguf siyaasadeed oo kaga imaanaysay wadamada deriska ah iyadoo weliba siyaasiyiin u dhashey dalka loo adeegsanayay inay khalkhal geliyaan geedi-socodka nabadda iyo horusocodka dowladnimo.

Faragelinadaan aan soo sheegney ayaa labajibaarma waqtiyada doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya maadaama ay danahaan shisheeye ay doonayaan inay ku yeeshaan awood siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba si ay danahooda u fushaan.

Dowladda ayaa sanadahaan danbe ku hawlaneed inay iska dhiciso dowladdo duulaan ku ah madaxbanaanida Soomaaliya. Weliba iyadoo la adeegsanayay maamulada xubnaha ka ah dowladda federaalka. Taas oo keentey dowladda inay marba in meel laga qaniino Iyana iska fujiso.

Siyaasiyiintan oo ka maran aragti siyaasadeed iyo fahan la’aanta qiyamka Soomalinimo ayaa keentey inay dowladda marba daanka (dhafoorka) kaga dhegaan, taasina sabab u noqoto inay hadda soo jeediso doorasho qof iyo cod ah oo dhaafsan muddo xileedkeedka xukuumadda.

Si arrinka doorashooyinka xal looga gaaro, beesha caalamka ayaa dedaal dheer u gashey sidii doorasho xor iyo xalaal ah ay uga dhici laheed gayiga Soomaaliyeed. Dedaalkaas waxaa muujinaya in maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka oo kala fog la isugu keeno miiska wada-hadalka oo ay kamid tahay arrinta Dhuusomareeb hadda ka socota.

Hadaba maxaan ka fileynaa Dhuusomareeb?

Waxaan ka fileynaa inay ka soo baxdo arrin siyaasiyiintu ka mideysan yihiin islamarkaana shacabka soomaaliyeed dan ugu jirta ee ah in doorasho xor iyo xalaal ah ka dhacdo Soomaaliya. Inay siyaasiyiintu isku afgartaan ama ay isku diidaan waa moowduuc kale oo u baahan falanqeyn gooni ah.

Afrikaan Magazine

 

Facebook Comments