Inta badan Ardayda marka ay dhammeyaan daarsadaha Jaamacadda waxa ay sameyaan cilmi baaris. Cilmi baristu waa in la raadiyo dhibaato taagan xalkeeda taas oo si sax ah aan loo ooggeyn cilmi barista ka hor. Haddaba sidee ayaan ku dooran karnaa cinwaanka aan cilmi baarista ku sameyneyno.

Marka Hore Inta Aanan Dooran Cinwaan Waxaa Inoo Muhiim Ah In Aan Ogaano:

Cinwaanka aan dooraneynno shaqsi ahaan in aan jecelnahay taasina waxa ay naga caawineysaa in aanan ku caajisin Aqrinta cilmi baarisyaddii naga horeyeey ee xiriirka la leh cinwaankeena iyo diyaarintiisaba.

Sidoo kale waxaa muhiim ah in cinwaankeena uu noqdo dhibaato taagan oo bulshada muhiim u ah in ay ogaato. Tusaalle: “Saameynta uu baraha bulshada ku leeyahay dhalinyaradda”. Waxaa kale oo muhiim ah in cinwaankeenna uu noqdo mid ay aqbali karto bulshada aan ku dhex nool nahay.Waxaa jiro cinwaano bulshadeenna Soomaaliyed aysan aqbali karin laakin Wadamadda kale wax dhib ah aysan u aragg.

Cinwankeena waa in uu noqdaa cinwaan xogtiisa aan heli karno. Tusaalle haddii aan rabno in aan cilmi baaris ka sameyno Madaxweynaha waxaa nugu adkaaneyso su’aalahii cilmi barista aan u diyaarinay in uu nooga jawaabo, taasina waxa ay keeneysaa xogti in aan heli weyno.

Waxaa muhiim ah inta aanan dooran cinwanka in aan leenahay xirfadda cilmi baarista.

Sidoo kale waxaa muhiiim ah in siyaasadda Waddanka aan ku noolnahay uusan ka hor imaaneyn cinwaankeena. Cinwaanka aan dooraneyno waa in ku saleysnaado waqtiga ay cilmi barista soconeyso. Tusaalle: Haddii aan doorano cinwaan uu cilmi baaristeeda qaaddan karo 3sanno, cilmi baaristeenana aan rabno in aan kusoo gabagabeyno 4bil is ma qaaddan karaan.

Waa Maxay Astaamaha Lagu Garto Cinwaankeenna  In Uu Yahay Ciwaan Cilmi Baariseed Oo Wanaagsan?

Cinwaanka aan doorano waa in uu isi-sharxi karo marka uu kaligiis taagan yahay. Tirade xarfaha cinwaankeenna waa in uusan ka badan 20 erey. Sidoo kale. Cinwaankeena waa in uusan ku jirin ereyo la soo gaabiyey.

Facebook Comments