Muuqaallada qoob ka ciyaarka, heesaha, iyo majaajillooyinka gaagaban, ayay caan ku tahay barta Tiktok iyada oo si gaar ah uu u soo jiitay dhalinayarada daafaha caalamka ku nool. Barnaamijkan TikTok oo lala xiriiriyo dowladda Shiinaha, waxay ka mid tahay shirkadaha ay saameysay xiisadda ka dhex aloosan madaxweynaha Shiinaha Xi iyo dhiggiisa Mareykanka Trump. Dalalka Mareykanka iyo Australia ayaa sheegay iney xayirayaan TikTok halka Hindiyana ay barnaamijkaasi ka saartay keydka laga soo dejisto App-ka ee dalka Hindiya ee loo yaqaanno App Store.

Waa maxay TikTok?

TikTok ayaa ah app ama barnaamij uu qofku si bilaash ah u adeegsan karo, waxaana TikTok lagu macneeyaa inuu yahay YouTube yar. Dadka isticmaala App-ka TikTok waxay ku soo bandhigi karaan muuqaal aan hal daqiiqo ka badneyn, dadka isticmaalana waxayapp-kaasi ka heli karaan codad ku keysdan oo ay muuqaalladooda ama farriimahooda ku lifaaqi karaan. Muuqaallada majaajillada iyo farriimaha qoraalka ah ee gaagaaban ayey sidoo kale dadka isticmaala app-kan TikTok soo dhigi karaan. Qofka TikTok isticmaala marka uu helo 1,000 qof oo bartiisa ku xiran, wuxuu barnaamijku u oggolaanayaa inuu barnaamijyo toos ah uu la wadaago taageerayaashiisa isl-markaana uu aqbalo hadiyado digital ah oo uu lacag ku beddelan karo

App-ka TikTok wuxuu soo bandhigaa dhammaan muuqaallada ay dadka isticmaalo iyo dadka ku xiran soo dhigaan iyo waxyaabaha app-ka uu muhiim u arko inuu markale qofka daawada ama u soo celiyo. Sida oo kale barnaamijkan wuxuu dadka isticmaala u oggolaanayaa iney farriimo isweydaarsadaan.

Heerkey gaarsiisan tahay arrintan?

Laga soo billaabo 2019-kii, app-ka wuxuu kaalmaha ugu horreeya uga jiray barnaamijyada la soo dejisto ee baraha bulshada ku xiriirto ah. Xayiraadaha ka dhashay cudurka safmarka ee Covid-19 wuxuu qayb ka qaatay iney dad badan xiiseeyaan app-ka TikTok iyo barnaamijka ay isku bahda yihiin ee Douyin oo laga isticmaalo dal weynaha Shiinaha. Heer caalami ahna waxaa soo dejistay ku dhawaad 2 bilyan oo qof halka ay si toos ah u isticmaalaan 800 oo malyan oo qof. Dalka ugu weyn ee App-kan aadka looga isticmaalo ayaa ahaa wadanka Hindiya, kaas oo noqonaya suuqa labaad ee Shiinaha kuna xiga Mareykanka.

TikTok iyo Shiinaha maxaa loo xiriiriyey?

TikTok wuxuu ku howlgalay afar App oo kala duwan. Barnaamijka ugu horreeyey wuxuu ahaa Musical.ly, oo Mareykanka uu sii daayey 2014-kii. Sidoo kale, 2016-kina Shirkadda technooloojiyadda ugu weyn Shiinaha ee Bytedance wuxuu dalka Shiinaha ka bixiyaa adeeg la mid ah oo loo yaqaanno Douyin. Bytedance ayaa caalamka intiisa kale ku baahay waxaana loo bixiyay magaca ah TikTok. Sannadkii 2018-kii Bytedance waxay iibsatay shirkaddii Musical.ly, iyada oo ku dartay howlaha barnaamijka TikTok uu qabto.

Bytedance waxay isku dayday in ay iska fogeyso in dowladda Shiinaha ay leedahay shirkadda, waxaana agaasimihii hore, ee shirkadda Disney, Kevin Mayer, u magacaabay agaasimaha guud ee TikTok.

Xog intee dhan ayuu TikTok keydiyaa?

TikTok macluumaad aad u badan ayuu ka uruuriyey dadka isticmaala barta, waxaana xogahaas ka mid ah:

  • Muuqaallada ay daawadeen iyo fikirka ay ka dhiibteen

  • Xogta ku saabsan goobta uu qofka joogo

  • Nooca taleefanka iyo inta uu barnaamijka isticmaalo

  • Muusikada ay adeegsadaan marka ay farriimahooda qorayaan

Qaar ka mid ah xog uruurinta barnaamijka ayaa kor u qaaday soo jiidashada, waxaana dhowaan lagu soo daray koobbiyeeynta iyo gudbinta farriimaha ay dadku wadaagaan. Balse waxay arrintan saameyn ku yeelatay app-kan kuwo la mid ah sida Reddit, Linkedin, New York Times iyo BBC News app. Xogaha uu uruuriyey TikTok ayaa u dhigma mid la mid xogta ay keydiso barta ay bulshada ku wada xiriirto ee Facebook. Si kastaba, Xafiiska Wakiilka Macluumaadka iyo Siraha UK ayaa sheegay inuu barnaamijkan baaritaan ku wado.

Shiinaha TikTok ma u adeegsadaa inuu dadku ku basaaso?

Xogahayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa TikTok ku eedeeyey in dadka isticmaalo qy xogtooda khatar ku jirta ayna “xisbiga Hantiwadaagga Shiinaha uu u dhaco si uu xogtaas u qaato”. TikTok wuxuu marar badan ku dooday in xogta lagu keydiyo meel Shiinaha ka baxsan. “Soo jeedinta iyo eedda dowladda Shiinaha ka dhanka ah, gabi ahaanteedaba waa khalad, waana been abuur,” ayuu yiri Theo Bertam oo ah madaxa arrimaha siyaasadda TikTok ee Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika oo BBC u waramay.

Balse, sida shirkadda Huawei, doodaha ka dhanka ah TikTok waxay u muuqdaan in ay salka ku hayaan suurtagalnimada aragtida dowladda Shiinaha ee ku qasbeysa in Bytedance ay maamullada maxalliga ah ku wareejiso xogta isticmaaleyaasha shisheeye ama ajaaniibta ah. Sannadkii 2017-kii, Sharciga amniga qaranka Shiinaha ayaa muwaaddiniinta iyo hay’ada dalkaasi Shiinaha ugu baaqay iney “taageeraan iyo in ay gacanna siiyaan, ayna la shaqeeyaan howlaha laamaha ammaanka qaranka ay wadaan,” si waafaqsan sharcigaasi.

Mr Bertam wuxuu sheegay in TikTok aysan dowladda Shiinaha wax xiriir ah la lahayn, “Haddiise ay naga codsato xog ama macluumaad ku saabsan dadka isticmaalo waxaan leennahay maya,” ayuu yiri.

Balse ByteDance waxay maskaxda ku haysaa cawaaqibta ka dhalan karta in dacaayad laga faafiyo Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha maamula. App-ka caanka ah ee loo yaqaanno Toutiao ayaa 24 saacadood hawada laga saaray sannadkii 2017-kii, sida uu sheegay wargeyska South China Morning Post, ka dib marki uu xafiiska xogaha internet-ka ee Beijing uu sheegay inuu baahiyo “muuqallo anshax xumo ah iyo waxyaabo aan wanaagsanayn”. Amarrada tooska ah ee uga yimaadda madaxa sirdoonka ugu sarreeya dalka Shiinaha oo la diido cawaaqib xumo ayaa uga iman karta shirkadda madaxdeeda.

TikTok ma loo isticmaalaa dacaayadaha Shiinaha?

Welwel kale ayaa laga qabaa faafreebka arrintan la xiriira. Shiinaha wuxuu ka mid yahay dalalka leh adeeg internet oo aad u xaddidan, iyada oo caan ku ah inay muwaaddiniinteeda ka ilaaliso waxyeellada dhinaca internet-ka uga imanaya.

Facebook Comments