Lixdan sano ka hor, maanta oo kale, ayey aheyd markii gobolladii waqooyiga Soomaaliya ee la oran jiray British Somaliland ay xorriyadda ka qaateen gumaystihii Ingiriiska. Maalmo kaddibna waxa ay la midoobeen gobolladii koonfurta Soomaaliya ee la oran jiray Italian Somaliland – sidaasna waxaa 1-dii Luulyo 1960-kii ku sameysmay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Magaalada Hargeysa oo xarun u aheyd maamulka gumaystihii Britain ee gobolladaasi, todobaadyadii ka hor maalinta xoriyadda, waxay kooxihii xorriyad-doonka ahaa ka wadeen diyaar garow aad u ballaaran oo ku aadanaa waynaynta maalintaas. Waxay dadkii ka qeybgalay maalintaas ku tilmaameen maalin ay wada sugayeen Soomaalida.

Allaha u naxariistee Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo Carwo) oo ahayd haweeneydii ugu horraysay ee Soomaalida Waqooyiga ee heesta, oo na heesteedii ugu horesay ee 1952 laga baahiyay Raadiyo Hargeysa.

Shamis waxay qeyb ka aheyd dadkii diyaarinayay xafladdii debaaldegga xoriyadda ee lagu qabtay Hargeysa. BBCda ayey intii ay noolayd uga warrantay halgankii xorriyadda loo galay iyo maalintii calansaarka ee ku caanbaxday ‘kanna siib kanna saar’.

Guduudo Carwo ayaa wixii dhacay habeenkii calansaarka ee beerta xorriyadda ee Hargeysa waxa ay ku tilmaantay: “Ninkii joogay umbaa joogayee, farxad, oohin baa imikadan i haysa, yacni wax kale ayey aheyd,” ayey tiri.

Calan Soomaaliyeed oo dhul Soomaaliyeed ka dul babaday

Maalmihii ka horreeyay inta aanan xorriyad buuxdo la siin gobollada waqooyi, sida uu jawiga ahaa waxaa inooga warramay Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib, oo xilligaas ka mid ahaa saraakiisha booliska gobollada waqooyi, israacii ka dibna ka mid noqday madaxdii sarsare ee booliska Soomaaliya. “Toddobaadkii ka horreeyay habeenkii 26-kii Juun wuxuu iska ahaa damaashaad, barnaamij baa laga qoray maalin walba wixii dhacayay ee laqabanayay, illeen barigaas dunida badankeeda baa xornimo qaadaneysay,” ayuu yiri Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib.

Markii la soo gaaray maalintii iyo habeenkii la isku badelayay labada calanna, dadkii joogay oo ay ka midka aheyd Guduudo Carwo waxa ay ku tilmaantay inay aheyd markii ugu horreysay ee “calan Soomaaliyeed oo xor ah uu dhul Soomaaliyeed oo xor ah ka dul babado.”

“Ilaahay baa mahadi u sugnaatay oo ah kii Ingiriiskii naga xorreeyay, farxad wayn bay noo aheyd, ummadda Soomaaliyeed meelay joogtaba farxad wayn bay u aheyd,” ayey tiri Guduudo Carwo oo aad ugu faraxsaneyd inay ka sheekeyso wixii xilligaas la soo maray.

Maalintaas iyo habeenkeedii dadku ma aanay seexan oo farxad, raynrayn iyo damaashaad ayey isugu hambalyeynayeen, taasina waxay ku qasabtay waaligii ama barasaabkii gobolladaas maamuli jiray inuu dalka isaga dhoofo inta aanan wakhtiga rasmiga ah la gaarin ee isku badalidda labada calan.

“Calanka gumaystaha ninka mas’uulka ka ahaa ma sugin inta la laabayay, marka aroortii buu dhoofay, ninkii ku xigay baa wareejiyay xilka,” ayuu yiri Janaraal Qaalib.

Walwalka booliska ee habeenkii calansaarka

Xafladda waxaa lagu qabtay xarunta Raadiyo Hargeysa, dadkuna waxay ka daawanayeen buurta ka sarreysa xarunta. Balse Booliska waxay qabeen walwal gaar ah oo uu Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib ku sheegay: “Annaga booliska ah wuxuu walwalkeena ahaa in magaaladan la boobo, waayo dadkii lahaa baa isaga yimid oo meel furan ma aanay jirin, marka sababtaas ayuu walwal gaar ah inoo hayay.”

“Tan kale buurta iyo waxa soconaya inaan ka fogaannana maynaan doonayn oo xamaasadda dadka haysay ayaa ina haysay, geesta kalana waxaannu ka warwarsanayn oo aannu haddba ku carareynay magaaladii inaanu soo sharqaminno,” ayuu yiri Janaraal Qaalib.

Xaflad ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen madaxdii halgankii xorriyad doonka iyo qeybaha kala gadisan ee bulshada, waxaa aad uga dhex muuqanayay dadkii gabayada tirinayay iyo fannaaniintii waagaas oo uu ka mid ahaa Allaha u naxariistee abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacade, oo lagu tilmaamay in uu ahaa waddani wayn, laguna xasuusto gabayga caanbaxday ee “kanna siib kanna saar”, iyo rag iyo gabdho kale oo magac leh.

Tan iyo intii uu socday ololihii xorriyad doonka, Soomaalida meel walba oo ay dunida ka joogtay waxay ka midaysnaayeen sidii ay “heeryada gumaysiga isaga dulqaadi lahaayeen.”

Hargeysa ayaana noqotay meeshii hoggaamisay xorriyaddii dhalatay, oo Soomaalida oo dhan way ku faraxsanayeen xorriyadda habeenkaas 26-ka June, ay gobolladii waqooyi gaareen, sida ay sheegtay Guduudo Carwo: “Is jaceylka ay ummaddu isu qabtay iyo hilowga ay ummaddu isku qabtay, eedo wax wayn bay aheyd, oo wax sheeko lagu soo koobi karo ma ahayn.”

Hammigii 60 sano ka hor iyo halka maanta la joogo

Toddobaadkan waxaa lixdan sano ay ka soo wareegatay markii ay xorriyadda qaateen gobolladii waqooyi iyo xorriyaddii koonfurta iyo midowgoodii labadaasi gobol ee Soomaaliya.

Hasayeeshee dadkii u soo joogay dhalashada xorriyadda waxay yaa ku doodayaan in aanay jirin xamaasaddii waagaas ay dadku qabeen. “Maalintaas halkii la joogay waa laga koray, hasayeeshee xamaasaddii iyo niyaddii markii xorriyadda la sugayay taagnayd maanta taasi ma jirto, balse lama khasaarin oo waa la koray oo lixdan sannadood ayaa xor la ahaa,” ayuu yiri Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib.

“Wax badan ayaa qabsoomay, magaalooyinkii intii way ka waynaadeen, dadkii intii way ka bateen, marka haddii geesta kale la eegana dee wax badan baa kordhay, oo dhibaatooyinka la soo maray baa hareeynaya waxa wanaagsan ee dhacay tan iyo 60-kii,” ayuu hadalka ku sii daray.

Facebook Comments