Bishan Juun waa xilliga xuriyadda waxaana Soomaali badan laga dareemaa u diyaargarowga xuska 26-ka Juun iyo kowda luuliyo. Waxaan idiin soo gudbin doonnaa warbixinno la xiriira xuriyadda oo 60 sano laga joogo. Waxay ahayd 1960-kii. Warbixintan ku saabsan xisbigii SNL waxaa qory Boobe Yuusuf Ducaale oo ah qoraa; fikir kasta oo halka ku qoran wuu u madaxbannaan yahay, BBC-da way ka madaxbannaan tahay:

Aasaaskii SNS 1945

Tan iyo 1884, markii gumeystayaashii Yurub qaybsadeen qaaradda Afrika, halgammada xureynta is-daba-joog kuwo marna aan demin ayay ahaayeen. Qaababka ayaa is-beddelayay ee qasdigu mid ayuu ahaa: Madax-bannaani Qaran. Maxmiyaddii Somaliland, qarammadaa hanqalka la kacay ayay ka mid ahayd. Innaga oo soo koobayna, halgankii hubeysnaa ee Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdille Xasan, waxaa xigay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ee Maxmiyaddii Somaliland ka hano-qaaday soddonnadii, qarnigii 20-aad.

Dhaqdhaqaaqyadaasi oo ahaa laba nooc: qaar qabaliya iyo qaar madaniya oo ururro bulsho ku aroorayay. Qaybtaa madaniga ahayd waxa ka soo dhex baxay Ururkii Somali National Society ee 1945-kii lagaga dhawaaqay Burco. Af Somali wuxu ku noqonayay Bulshada Soomaaliyeed ee Waddaniga ah, waxaana loo soo gaabsan jiray SNS.

Sida aan xogta ku hellay ama waayihii berigaa oognaa, SNS ma ay yeelan karayn ujeeddooyin siyaasadeed. SNS waxay ku koobnayd ururinta mujtamaca, ka-hor-tagga qabyaaladda iyo gubaabinta dadweynaha.

Alooskii & Abaabulkii Xisbigii SNL:

Somali National League (SNL) wuxuu ahaa Xisbigii siyaasiga ahaa ee horseedka u ahaa halgankii siyaasadeed ee Maxmiyaddii Somaliland. Shacbiga intiisa badan Xisbigaa waxay u yaqaanneen SNL, sidaana waa loogu dhawaaqi jiray. Afka Carabigana waxa loo yaqaannay ‘Raabidadda’. SNL waxay ahayd xarakad waddaniya, gumeysi-diid ah oo ka mid ahayd dhaqdhaqaaqyadii gobannimo-doonka ahaa ee Afrika. SNL oo ka soo xuub-siibatay SNS-tii, waxa lagaga dhawaaqay Shirweyne lagu qabtay Burco, 1951.

Abaabul siyaasadeed oo hor leh ayaa mar kale tisqaadaya oo ay ummaddu ku hoollinaysay ambo-qaad cusub oo siyaasadeed oo lagu xaqiijinayay madax-bannaanida Somaliland.

Maa-daama qoraalkani aad u kooban yahay, Shirweynayaashii SNL laba aynu soo qaadanno:

  • Shirweynihii 1aad ee SNL oo lagu qabtay Burco 1951. Waxa lagu oggolaaday sugantidii aasaasiga ahayd ee Xisbiga, waxaana Hoggaanka loo doortay:
  • Sheekh Jaamac Warsame: Guddoomiye,
  • Maxamuud Jaamac Uur-doox: Xoghayeaha Guud,
  • Shirweynahan kale waxa lagu qabtay Burco, Juun 1957, dib-u-eegistii Sugantida Xisbiga ka-sokowna waxa lagu doortay:
  • Xaaji Cumar Askar Xirsi: Guddoomiye,
  • Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal: Xoghayaha Guud,

Ujeeddooyinkii SNL:

Xisbigii SNL, sidii dhaqanka Xisbiyadii la midka ahaa ay ahaayeen wuxu lahaa; Barnaamaj Siyaasiya iyo Dastuur uu ku kala waday hawlihiisa.

Haddii Eebbe idmo idinka oo heli doona qoraal intan ka faah-faahsan, bal hadda aan daalacanno ujeeddooyinkii Xisbigii SNL u halgamayay sida aanu ka soo xigannay looga-qaateen u soo joogay waayahaas:

Ujeeddooyinkii Xisbiga waxa ugu mudnaa:

  • La-dagaallanka qabyaaladda iyo cudurradii ijtimaaciga ahaa ee bulshada kala kaxaynayay
  • Xoreynta dalka laga xoreynayo gumeysigii Ingiriiska
  • Mideynta dadka si’ awooddooda loogu jiheeyo la-dagaallanka gumeysiga: Al-istiqlaal wal Waxda
  • Xoreynta iyo mideynta shantii Soomaaliyeed ee gumeysigu kala qaybiyay
  • Dhismaha mujtamac horumarsan oo ka fayow aafooyinka ijtimaaciga ah

In kasta oo aanan helin suganti badan oo qoraal ah, waxaan ku guulaysannay in aan xidhiidh toos ah la yeesho soo-jireenkii waayahaa la noolaa oo xusuustoodii dihineyd xogtan ka tuujiyo. Xisbigu qaadhaanka dadku bixiyaan ayuu ku shaqayn jiray, sidaasaana lagu wada lahaa.

Qaab-dhismeedkii Xisbigii SNL:

Xisbigii SNL wuxu u dhisnaa sida ay inta badan u dhisan yihiin xisbiyada caadiga ahi gaar ahaan kuwii la-filka iyo fekerkaba ahaa ee beryahaa jiray. Dhismahan hoos ku shaxaysan ayuu Xisbigu hawlihiisa u adeegsab jiray:

  • Mu’tamar ama Shirweyne dastuuri ahaa oo dhowrkii sannadood mar la isugu iman jiray. Waa hay’addii ugu sarreysay ee Xisbiga ee go’aammada kama-danbaysta ah lahayd laguna dooran jiray hay’adaha hoggaaminta.
  • ‘Lajna Tanfiidiya’ ama Guddida Fulinta: oo inta badan ka koobnaan jirtay: Guddoomiyaha, Xoghayaha Guud iyo Khasnajiga (Xoghayaha Maaliyadda) oo Shirweynuhu dooran jiray.
  • Idaaradda oo ka koobnayd wadarta Guddida Fulinta iyo ilaa 7 xubnood oo kale oo lagu magacaabi jiray oo foolaadka Xisbiga ahaa.
  • Lajnadda Faraca (Laanta Degmada): Waa Guddiyadii Degmooyinka oo iyaguna lahaa awooddooda dastuuriga ah.
  • Faracyadii Dibadaha, (Laamihii Dibadda).

Xisbigii SNL qaabab door ah ayuu u adeegsan jiray barnaamajyadiisa abaabulka iyo wacyi-gelinta, waxaana ka mid ahaa:

  • Macfallo (Xaflado) xarumaha Xisbiga lagu qaban jiray toddobaadkii habeen iyo markii kale ee loo baahdaba. Waxay ahaayeen barnaamajyo suugaan iyo khudbado ku bixi jiray.
  • Wargeyskii carabiga ku soo bixi jiray ee Qarni Ifriiqiya oo aanu wareeggiisu badnayn.
  • Wufuud Gobollada, Degmooyinka iyo Laamaha Dibadda ku soo wareegi jirtay.

SNL halgankaas in kasta oo ay horseed ka ahayd, haddana keli kuma ay ahayn. Waxa kale oo jiray xisbi la odhan jiray United Somali Party (USP) oo ay SNL isku gaashaan-buuraysteen Is-bahaysigii SNL-USP. Xisbigaa USP waxa ku bahaysnaa Beelaha Bariga iyo Galbeedka Somaliland SNLna hiil badan ayay tareen taas oo keentay in 33kii kursi ee Baarlamaankana SNL-USP 32 ku guulaysatay. Xisbigii National United Front (NUF) oo mar danbe la sameeyay halgankii siyaasadeedna qaybtiisa ka soo qaatay ayaa kursigii hadhay isaguna ku guulaystay.

Urur la odhan jiray Xisbullaahi oo la ollog ahaa SNL ayaa isaguna ka mid ahaa xoogaggii halgankaa ka qayb qaatay ee weliba doorka shariifka ah ka galay.


Koobnaanta qoraalka duruuftaa keentay, idanka ilaahayna marar kale ayaynu ku kulmi doonaa si’ aynu u wadaagno mawduucan oo faah-faahsan.

Boobe Yuusuf Ducaale waa qoraa buugaag badan oo curin iyo ururinba isugu jirta daabacay. Wuxuu sidoo kale noqday Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Facebook Comments