Isbuucan waxaa loo dabbaaldegayaa lixdan sanno guurada ka soo wareegatay markii Jamhuuriyadda Soomaaliya ay xorriyadda qaadatay! Waxaa suuragal ah inaad la yaabto markii aad ogaato in Jamhuuriyada Soomaaliya ay xorriyadda ka hor qaadatay inta badan dalalka deriska la ah. Dalalka urur goboleedka IGAD, sida Kenya, Uganda, Jabuuti, Eritrea iyo South Sudan dhammaantood waxa ay xorriyadda qaateen Soomaaliya kaddib.

Markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay waxa ay noqotay dhiirigeliyaha rajada Afrika maadaama ay si guul ah u qabatay saddex doorashooyin oo si dimuqraadiyad ah u dhacay intii u dhaxaysay 1959 illaa 1969, taas oo Soomaaliya ka dhigaysa dalkii ugu horreeyay Afrika ee awoodda ay si nabad ah isugu wareejiyeen laba hogaamiye oo rayid ah. Layaabkuse, waa in xaaladda dhabta ah ee haatan ka jirta Soomaaliya aanay ka tarjumayn bilowgii wanaagsanaa ee hore.

Taa badelkeeda, dagaalo, qulqulatooyin, macluul, burcad badeed, iyo xagjirnimo ayaa waxa ay burburiyeen dalka. Dhanka siyaasadda, Somaliland ayaa waxa ay doonaysaa inay ka go’do dalka intiisa kale. Sidoo kale waxaa jira dhibaato siyaasadeed oo adag oo joogta ah oo u dhaxeysa dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamuullada xubnaha ka ah.

Ammaanka

Ciidammada AMISOM ayaa ka yimid dalal ay Soomaaliya xornimada ka hor qaadatay sida Uganda iyo Kenya

Dhanka ammaanka, weerrarada Al-Shabaab iyo Ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah ayaa weli dhaca. Walow ay socdaan dedaallo lagu doonayo in dib loogu habeeyo milateriga qaranka iyo booliska, ayaa haddana weli ciidammada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) waxa ay ilaaliyaan dowladda.

Waxa ugu daranse waxa ay tahay in 60 sanadood kaddib markii uu dalkan xoroobay, ay ciidammada AMISOM ee sugaya ammaanka Soomaaliya maanta ay ka yimaadeen dalal xorriyad qaadashada kaga dambeeyay Soomaaliya, oo ay ku jiraan Kenya iyo Uganda iyo Jabuuti oo Soomaaliya ay si adag ugu dagaallantay sidii ay xorriyadeeda ku heli laheyd.

Sidaas oo ay tahay, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa waxa uu magacaabay guddi ka kooban wasiirro oo soo qabanqaabiya xaflado loogu dabaaldegayo todobaadka xorriyadda (26-ka Juun ilaa kowda Luulyo 2020). Walow ay jiraan xiyaarado ku yimid xanuunka COVID-19 awgii, haddana sida ay muujinayaan diyaargarowga hore, dabaaldegyada sanadkan waxa ay noqon doonaan kuwo heerkoodu sarreeyo.

Caadiyan, waxaynu ku tala jirnaa in maalmahaas aynu ku buuxinno xaflado ay lacago badan ku baxaan oo aan iska ilownaba wixii naga khaldamay tan iyo xorriyaddii iyo weliba sidii aanan dib danbe khaladkaa u smayn lahayn.

Waxaana meesha ka maqan su’aalo muhiim ah iyo feker ku saabsan sida aan u qadarinno dadkii naftooda usoo huray xorriyaddeenna. Sidoo kale waxaa muhiim ah inaynu iswaydiinno heerka aan ku andacoon karno inaan nahay dal xor ah, innagoo og saamaynta faragelinta shisheeye ku leedahay arimaheena gudaha ay sarayso, iyadoo aanay inoo suuragelin inaan ammaankeenna xaqiijino, dalkana uu magan u yahay naxariista dalalka dariska ah.

Bal arrintaasi aynu u isticmaalno isbarbardhig ahaan, qiyaastii lixdan sanadood waa celceliska mudada uu noolaan karo qofka Soomaaliga ah. Haddaba meeqa sanadood ayey dadku nabad, wax soo saar wanaagsan iyo dowlad dimuqraadi ah uu dalkayaga helay?

Shaki kuma jiro, inaynu inta badan sanadahaas qiimaha badan ku luminnay colaad, saboolnimo, muhaajirnimo, iyo horumar la’aan. Waxaan u malaynaynaa inay sax tahay inaan iswaydiinno su’aasha ah ma inaan dabaaldegnaa mise inaan tiiraanyoonno. Haddii aan ku adkaysanno inaan dabaaldegno, haddaba sideebaan u samaynaynaa?

Dabaaldegyada maalinta xorriyadda ayaa badanaa waxa ay kiciyaan dareenno isdaarran oo ka imanaya jiilasha kala gadisan ee Soomaalida. Dadkii u soo joogay waqtigii gumaysiga waxa ay maanta oo kale ku tilmaamaan maalin qadarin iyo ixtiraam mudan, iyagoo soo goconaya ficilladii dulaysiga iyo habdhaqankii xumaa.

Maadaama ay fahansanyihiin waxa ay ka dhigan tahay in dalkaaga aadan xor ku ahayn, taasna waa mid loo qaatayn ah. Hasayeeshee waxaa jira aragtiyo kale oo soo baxay kaddib markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay. Tusaale ahaan waxaa jira rayi’ ay qabaan dadkii usoo joogay maalmihii wacnaa ee midnimadii, quwaddii, iyo xorriyaddii dalka Soomaaliya.

Guud ahaan, waxaa jira hilow ku saabsan soo laabashada maalmahaas. Gaar ahaan, walow inta badan Soomaalida aanay ka faa’iidin qarannimada, haddana qaar badan oo ka mid ah waxa ay galaangal u yeesheen waxbarasho iyo adeegyo daryeel caafimaad oo bilaash ah, iyo qab ahaa inay u dhasheen dal la aqoonsan yahay oo la qaddariyo.

Da’ yarta

Qiyaasaha qaar ay tilmaamaan 70% ayaa dhashay xilligii uu burburayay qarankii Soomaaliya. Soomaaliyada kaliya ee ay da’yartaas yaqaannaanna waa midda guuldarraysatay, dagaalka, argagixisanimada, iyo burcad-badeedda ku caanbaxday.

Inta badan Soomaalida, oo qiyaasaha qaar ay tilmaamaan 70% ayaa dhashay xilligii uu burburayay qarankii Soomaaliya. Soomaaliyada kaliya ee ay da’yartaas yaqaannaanna waa midda guuldarraysatay, dagaalka, argagixisanimada, iyo burcad-badeedda ku caanbaxday.

Haddii aynu sii qeexno, dadkaas aragtidooda ku aaddan dalkooda waxa ay u dhawdahay filimada Hollywood-da ee sida Black Hawk Down iyo Captain Phillips. Kala duwanaanta aragtiyaha labadaasi jiil ayaa muujinaysa sida ay macno ahaan ugu kala duwan tahay dabaaldegga maalinta xorriyadda. Marka sideen ayaan ugu dabaaldeggi karnaa maalintaas xusuusta mudan?

Dabbaaldegga waagii hore

Waayadii hore, dabaaldegga maalinta xorriyadda ee Soomaaliya ayaa badanaa waxaa lagu soo bandhigi jiray awoodda milateri. Siyaasiyiinta ayaa waxa ay xirmooyin ubax ah dhigi jireen taallooyinka dagaalyahannadii xorriyadda, kaddib waxaa xigi jiray xaflad casho oo lagu soo bandhigo miyuusik si toos ah loo tumayo oo ay ku jiraan heesho waddaniyadda ka hadlaya oo casri ah.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, dalku waxa uu noqday mid dib u socod ah, waana ay yartahay wax muujinaya horumar la sameeyay tan iyo xorriyaddii. Dadka qaarkood, waxa ay u tahay xusuus xanuun badan markii ay arkaan horumarka gaabiska ah ee la gaaray tan iyo waqtigii gobonimada la helay. Si kooban, waxay inala tahay habka ugu wanaagsan ee maalmaha xorriyadda loogu dabaaldegi karo ay tahay in si dhab ah aynu uga fekerno waxa aynu gaarnay iyo waxa inaga lumay lixdankaas sanadood ee la soo dhaafay.

Markii laga soo tago siyaasiyiinta heer dhexaadka ah ee adeegsada hal-ku-dhegyada iyo khudbadaha aanan waxba ku fadhiyin, ee dadka xasuusiya in maalmahaas ay mudan yihiin in la xususuto, ayaa xafladaha dabaaldegga xorriyadda ee caadiga ah aanan looga hadlin taariikhdaas soo jireenka ah.

Lixdan sanadood kaddib, maanta waxaynu rajaynaynaa inaynu waqti iyo tamarba gelin doonno dood qaran oo dhab ah oo ku saabsan taariikhda qaranka. Waxaynu rajaynaynaynaa in todobaadka xorriyadda ee Soomaaliya ay ka dhalan doonaan doodo culus oo ay yeeshaan aqaanyahannada Soomaalida, ardayda, waxgaradka, iyo siyaasiyiinta oo si dhab ah looga wadahadlo wixii khaldamay iyo sidii aannu mustaqbalka hore ugu socon lahayn. Waxaa jira casharro ay tahay in laga barto taariikhda, mana sii wadi karno khiyaaliga ah in aynu xor ahayn muddo lixdan sanadood ah, waxkastana ay inoo hagaagsanaayeen.


Waxaa wadajir u qoray: Cabdi Maxamuud Xirsi iyo Afyare Cabdi Cilmi

Dr. Cabdi M. Xirsi waa cilmi-baare ka tirsan Griffith Center for Social & Cultural Research, Griffith University, Australia.

Dr. Afyare Cabdi Cilmi waa bare culuunta ammaanka ka dhiga Barnaanijka Daraasaadka Khaliijka ee Jaamacadda Qatar, Doxa.

Facebook Comments