Waxa aan wada ognahay in uu Wadnaha yahay xubin muhiim u ah jirka,Qaab dhismeed ahaan waxaa uu ku yaalla saableyda hoosteeda.

 Sida ay Wajiyadda dadka u kale duwan yihiin ayuu Wadna waliba uga gadisan yahay Wadnaha kale, waxaana lagu tilmmaamaa in uu la’ eg yahay qof waliba gacantiisa marka uu laabbo cummaacumtiisa.

Waxa uu dhammaan jirka si siman u gaarsiiyaa wareegga dhiiga, waxaana la shaqeyo halboowlayaal iyo xidada jirka isku xira.

 Wadnaha shaqadiisa intaas waa ay ka badan tahay oo waxaa aan rabnaa in aan maantay isla falaqeynno shaqooyinka cajiibka ah ee uu Wadnaheenna qabto, taaso aanba inta badan aan ku baraarugsaneyn.

 Wadnaha Waa Keydiyaha Xasuusaha Iyo Xifdinta.

 Hala yaabin Aqriste, waxaa wada shaqeyn buuxa ka dhaxeysaa Wadanaha iyo Maskaxda, wareegga Dhiigga intiisa badan waxaa quuta maskaxda, mida kale maskaxda waa shabakadda fikirka iyo falaqeynta, halka Wadnaha uu yahay keydinta arimaha xasuusta xifdinta, iyo wax yallaaha qofku rumeysan yahay .

Subanaheenna NNKH waxaa uu ku duceysan jiray ” Allaha qaluubta gad gadiyow Qalbigeyga ku sug Diintaada”. Ereyga Qalbi Af soomaali ahaan waa wadne halkaas waxaa noo caddaatay Wadnaha in uu yahay meesha uu keydka yaallo.

Wadnaha Waa Keydiyaha Laxowyadda Ama Shacuurta Qofka.

 Tusaalle haddii aan ka bixinno marka aad murugeysan tahay waxaa culeys ka dareenta laabta, mararka qaar waxaaba laga yabbaa inaad neef qota dheer neefsato adiga oo waliba ku nafiso.

 Sidoo kale Jacaylka waxaa laga dareema laabta, laabtana waxaa ku jira wadnaha. Halkaas waxaa ka ogaaneynaa shacuurta qofka in ay ku kedsan tahay Wadanha.

Wadnaha Waxa Uu Leeyahay Aragg Ka Qota Dheer Midka Indhaha.

Allah Sw waxa uu Qur’aanka nagu yiri “Lagama Indha beelo indhaha balse waxaa laga indha beellaa Qaluubta( Wadnaha) ku jirto Laabta”

Halkaan waxa aan ka ogaaneynaa in uu aragga-Indhaha ka xeel dheer yahay,aragga Wadanaha, oo waxaa inta badan aragnnaa dad aragga indhaha la’ haddana nolol maalmeedkooda si wacan u qabsada.

Mahadsanid

Facebook Comments