Hashu way caana badan tahaye weelasha aynu badsano! Marka aan ka tagno macna yarida dadka soomaalida ahi ay wax ku qaybsadaan iyo hoos isu eegashada in badan dadkeenu ku mashquulsan yahay, ee aan wax ku qaymayno waxa aduunka ka jira iyo sida aadanaha hormarka sameeyay uu u fakaro waxaa inoo soo baxaya wax aad uga duwan waxa aan nolosha iyo hormarka ka fahansannahay.

Waxaan ogaanaynaa noloshan casriga ah wadamada siyaasad ahaan ayaa loo kala leeyahay ee dhaqaala ahaan iyo ganacsi ahaan nolosha casriga ah waa la wadaagaa, suuqyaduna waa kuwa dadka oo idil ka dhexeeya (Suuqa Dubai Tusaale kuugu filan), goob walba oo dhaqaale iyo adeeg hufan haysana dhammaan bini’aadamka dunida ku nool way wada leeyihiin intay wada yimaadaan ayayna ku macaamiloodaan ganacsiyo iyo xidhiidh dhaqaalana wadaagaan.

Madoonayo inaan faallada ku dheeraado balse waxaan rabaa inaan xagal kale umada Soomaaliyeed ka tuso Mashruuca Dekadda Garacad oo aad moodo inuu noqday waxa ugu hadal haynta badan ee baryahaan ka jira gudaha Puntland iyo Soomaaliyaba, arrintaas oo si mugwayn u muujinaysa macna yarida iyo fahan yaraanta dadkeena ka haysata maalgashiga iyo hormarka ay tahay inaan hiigsano, dad badan ayaa ka hadlaya dagaal dekadeed inuu socdo, dekaduhuna ay is cidhiidhyayaan hadii Gobalka Mudug laba dagmo oo ku taal laba dekadood laga kala dhiso iyadoo ay horayna u shaqaynaysay Dekadda Boossaaso oo aan ka fogayn gobalka sida dadka qaar aaminsan yihiin.

Dekadaha Garacad iyo Hobyo

Hadaba maxaa ka jira is cidhiidhinta laga sheekaynayo marka si hoose loo eego arrinta dekadahaan?

Dekadaha se maxaa loo dhistaa ama ay qabtaan? Dekaduhu inay isu dhawaadaan mushkilad maxaya ayaa ku jirta? Soomaaliya dekado badan ma u baahan tahay mise uma baahna? Garacad iyo Hobyo ma isku dhow yihiin mise way kala fog yihiin?

Su’aalahaas iyo kuwa kale oo la mid ahba waxay u baahan yihiin in looga jawaabo si qoto dheer caadifad iyo cilmi yarina ka fog, sidoo kale waxaan u baahannahay inaan ogaal u leenahay waxa adduunka ka jira, Soomaaliya wadamada ugu dambeeya dhanka hormarka iyo transportation-ka ayay ku jirtaa waliba dhanka dekadaha oo ay hodan ku tahay haday ka shaqaysiin lahayd, taas oo macneheedu yahay innagu ma nihin dalkii ugu horeeyay ee bilaabaya cilmiga dekadaha iyo sida looga faa’iidaysto ee dunida tagtay ee dekadaheeda maal gashatay aan eegno si ay wax u qabsadeen iyo faraqa u dhexeeya shaxda dunida laga ciyaarayo iyo macna yarida aynu hayno iyo waxa aan ka hadlayno.

Waxaan jeclahay si qormaduna aysan u dheeraan, dadka noocyadooda kala duwan ee qormadaan akhrin doonana ay tusaalayntayda u fahmaan in aan tusaalayntayda qodobeeyo fahankana aan u soo dhaweeyo:

1- Ganacsiga dunida 90% wuxuu maraa badda, taas oo macneheedu yahay in ay dekaduhu yihiin transportation facility-ga ugu miisaanka culus ee uu aadanuhu isticmaalo noloshiisuna ku tiirsan tahay, meel fogba innagoo aan aadin innaga badeecadaha aynu dhoofino iyo tan aan soo dhoofsano xagee inoo maraan, innagu bad baynu leenahaye ma ogtahay Itoobiyadan aynu deriska nahay badeecadaha ay dhoofiso iyo kuwa ay soo dagsato in 95% ay Jabuuti dakadeheeda u maraan, badeeco lagu qiyaaso 2 – 5% oo ubaxa iyo cunnada iyo daawooyinka diyaarsan qayba ka mid ah unbaa hawada u soo mara diyaaradana ugu yimaada.

2- Dekaduhu isku shaqo maaha kala takhasus ayaana loo adeegsadaa. Tusaale ahaan: qaar badeecadaha ayaa laga soo dajiyaa lagana dhoofiyaa, qaar waxaa loogu tala galaa container-ada oo kaliya, qaar waxay leeyihiin awood iyo capacity ay dekadaha kale ee ka yaryar iyaga ugu adeegaan, maraakiibta waawayn ayaana ku soo xirta si kuwa yaryari ay xamuulka ugu wareejiyaan deetana dakadihii loo waday u gaarsiiyaan, halka qaar kale ay bixiyaan adeegyo kale oo dheeri ah sida goobo wacan oo lagu nasto (hoteelo), meelo lagu dhaqo ama lagu cilad saaro maraakiibta. Fahankaas balaadhan inaan u lahaano shaqada dekadaha waxay ina ka caawinaysaa inaan fahanno muhiimada dekadaha iyo sida ay muhiim ugu yihiin ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka iyo guud ahaanba gobolka, sidoo kale waxaad ogaanaysaa in dalka badda leh dekadihiisu aysan u adeegin wadamada bad la’aanta ah (landlocked countries) oo qudha ee dekadaha qudhoodu ay isu adeegaan, midba mida kale inta ay ka adeeg fiican tahayna ay tan kale caawiso.

3- Soomaaliya dekadaheedu waxay haystaan suuq aad u balaadhan oo aad uga wayn inta dadka badi u qabaan, dekadaha Soomaaliya uma adeegayaan soomaalida oo qudha, waxay u adeegi karaan dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya oo tirada dadkiisu ka badan tahay 106 milyan, sidoo kale waxay u adeegi karaan dalal ay ka mid yihiin Uganda, South Sudan, qaar kamid ah dalalka ka sii shisheeya labadaas dal iyo qaybo kamid ah Kenya qudheeda.

Sidoo kale waxaa muhiimad siinaya dekadaha Soomaaliya labo arrimood oo mida hore tahay: Soomaaliya oo meel istiraatiijiya ku taal dekadeheeduna u adeegi karaan caalamaka oo idil, mida labaad oo ah saadaal waxaa jirta Geeska Afrika in uu u sharaxan yahay in uu noqdo suuq caalami ah oo kuwa caalamka la tartama, taas oo haday dhacdo miisaan u sii yeelaysa baddeena iyo dekadeheena.

4- Waan ogaanay muhiimada ay dekadaheenu leeyihiin iyo jaanisyada ay haystaan, hadaba aan eegno Soomaaliya waxa ay haysato, Soomaaliya waxaa ku yaal afar dekadood: Dekadda Berbera, Dekadda Boossaaso, Dekadda Muqdisho iyo Dekadda Kismaayo, afartuba waa dekado aan hormarsanayn marka dekadaha gobolka loo eego ee ay tartanka wada gali lahaayeen, adeegyo badanna ma qaban karaan, waan ognahay asbaabta keentay laakiin mawduucayga ayaa hada kooban dekadahana ku kooban, hadaba marka aan eegno muhiimada juquraaiyadeed ee dhulkeenu leeyahay iyo jaanisyada inoo diyaarka ah hadii aynu ka faa’iidaysano waxaan xaqiiqsanaynaa 10 dekadood xitaa inaanay ina ku fillayn.

5- Imaaraatka oo todobaataneeyadii markii aynu dawladda lahayn aad inooga dambaysay, maantana ah dawlad hormarsan siiba dhinaca dekadaha hormar wayn ka gaartay dadkeeduna ay xog badan ka hayaan had iyo jeerna ay tagaan dalkaas, waxaa ku yaal Imaaraatka oo dal yar ah 12 dekadood marka laga reebo kuwa u gaarka ah shidaalka dhoofintiisa, waxaa ku yaal laba dekadood oo waawayn Jabel Ali iyo Port Rashid oo mid kamid ihi ay tahay dekadda ugu wayn dekadaha Badda Cas oo idil waa Jabel Ali e, waxay baddeecadaha u kala xawishaa 140 dekadood oo caalamka ku kala yaal, sida aan ognahay Imaaraat coastline-kiisu waa 1,318 km, halka ay Soomaaliya haysato coastline gaaraya 3,025 km.

Waxaa kale oo ognahay in dekadeheena saaran Badda Cas ay ka istiraatiijisan yihiin kuwa Imaaraatka, adeegooduna wuu uga fududaan lahaa maraakiibta marinkaas marta dekadaha Imaaraatka haddii ay dekadaheenu si heer caalami ah u shaqayn lahaayeen, waxyaabaha la yaabka leh waxaa kamid ah Soomaalidu adduunka way martaa balse waxaad moodaa inaysan hormarka yaal iyo sida dadyowgu resource-gooda uga macaashaan aysan u dhug lahayn.

Rag madax iyo aqooyanno isugu jira qaar ay yihiin Imaaraatka iyo dalalka lamidka ah dadka u badiya xaalkooda ayaa hadana macna darro isku riixriixaya arrinta Garacad na qadiyad ka dhiganaya iyadoo ay qaarba dhan u jiidayaan, doodaha yaal ayaana waxaa ka mid ah in ay is falisayaan labada dekadood ee Garacad iyo Hobyo, doodaas waxaa sabab u noqon kara fahan darro ka jirta capacity-ga dekadeheena hadii laga shaqaysiiyo iyo sidoo kale dhug la’aanta waxa dunida ka jira ee dadkeena haysata, waxaasoo idil inaan aragno waxaa ka xoog badan fiirada hoose ee reer reerka ku salaysan ee aan cagaha hoostooda meel dhaafsanba aan la arkayn.

6- Jebel Ali iyo Port Rashid (Rashiidiyah) oo ah dekadaha ugu waawayn Imaaraatka waxay isu jiraan 35km, halka Garacad iyo Hobyo isu jiraan 197km, kuwa leh waxbaa is qayma ridaya iyo waxbaa is falisaya khariiradaha dib ha u eegaan, dekadaha dalkana yaysan ku salayn suuqa dalkeena oo qudhee meel fog wax haka eegaan, il dhaqaale oo ilbax ahna wax haku eegaan, markaas waxaa soo baxaya wax ka wayn waxa hada inoo muuqda.

Dekadda Garacad iyo Dekadda Hobyo kaliya dalkeenu uma baahnee dekado kale oo badan ayuu u baahan yahay, dadka leh oo doodoodu tahay wadanka ayaa burbursan oo kuwii hore ayaanba dayactir loo hayn ee iyaga hala dayac tiro kadib kuwa kalana hala dhiso way ka dood qurxoonyihiin kuwa meesha dhow wax ka eegaya ee u qababa in aynaanba dekado inta aan haysano ka badan u baahnayn, balse dhibka dalka ka jira ayaa ah dawladeenii oo tabar daran soo kabashadeediina ay daba dheeraatay iyo aduunkii oo ina dhaafay isbadalada socdana ay yihiin kuwa xawaare ku socda dalkuna wuxuu u baahan yahay hormar dhankasta ah qof walbana wixii uu ku biirin karo waa inuu ku biiriyaa si aynu wadamada dariska ah iyo kuwa kalaba ula tartanno, maamulkii iyo degaankii waxqabsan kara ama hormar samaysan karana waa in ay dawlddu u fududaysaa waa shaqa qaran oo qabsoomaysee, sababtoo ah degaan walba oo wax laga qabanayaba reer gaar ah ayaa degan, balse waxa macnaha leh ayaa ah in hormarkii ka qabsooma degaan gaar ah uu yahay mid dalka u qabsoomay, soomaaliduna way wada wadaagaysaa sida hadaba ay u wadaagaan goobaha ay hormarada gaarka ahi ka jiraan.

Soomaalida iskaba daayee waa inaan ku fakarnaa inaan dalkeena maalgashiyo shisheeyo ay yimadaan, degaankii hormar sameeyana soomaali iyo ajaanib ba isagaa soo jiidanaya una baahan, kala xigsashada inoo muuqata iyo reer reernimada aynu aragnana ganacsiga iyo dhaqaaluhu ma yaqaanaan, maalintaad degaankaaga hormariso waxaad ogolaatay in dad oo dhan ay kula yeeshaan waana wax dabiici ah, waa in aynu dekadeheena horena ka fakarnaa sidii aynu u balaadhin lahayn una caalamiyayn lahayn, kuwa hor lehna u dhismi lahaayeen ama loo sii calaamadin lahaa, ee maaha in hormarkiiba dib-udhac loo arko, xinka iyo hoos eegmadana waa inaan ka kacno, wanaaga iyo hormarkuba wuxuu ku jiraa inaan dalkeena maalgashano horayna u socona hormarkana ku tartanno, qof walba iyo degaan walba oo hormar sameeyana in la bari-taaro maahee aan la carqaladayn.

7- Dekaduhu waxay kamid yihiin kaabayaasha dhaqaale ee ugu milgaha culus kaabayaasheena dhaqaale, goob muhiimana way dhacaan oo Illahay inoo dooray marka weelasha aynu badsano, mustaqbalna u fakarno ee yaynaan eegin oo kaliya xaalkeena maanta siiba marka aynu dekadaha ka hadlayno waa inaynu mustaqbal ka fakarnaa il dhaqaale oo ilbaxana wax ku eegnaa, Garacad iyo Hobyo hala dhiso ismana cuna-qabataynayaan sida ay u qabaan dadka meesha dhow eegaya bal waxaynu u baahannahay dekado kale oo badan sida Baraawe, Eyl, Laasqori iyo meelihii kale ee munaasib ahba waa in ay dhismaan, waan ogahay in xaalad adag ay jirto oo aynu wax badan qaban karin xilliga aynu hada joogno balse waa inay niyadii iyo caqligii ilbaxa ahaa ee meesha fog wax ka arkayay uu jiraa niyadana lagu hayo in la gaaro hormarkaas balaadhan, wixii niyadaada ku soo noqnoqda inay kuu hirgalaan aakhirka ayay u badan yihiin.

Mar walba eegmadeenu ha durugsanaato hana ka baxsanaato Zeerada yar ee qabiilku ku xayndaaban yahay ee aynu had iyo jeer u dabrannahay marka aynu caqli soomaaliga ku fakarayno.

Facebook Comments