Waa qayb kamid ah sayniska kaas oo qaabilsan geedi socodka kiimikeed iyo kiimiko duleed ee ka dhexdhaca walxada kujira noolayaasha.

Kismisteri waa qayb kamid ah saynis duleedka kaas oo lagu barto falgalka, qaabdhismeedka, sifooyinka iyo isbadalka walxaha. Kimisterigu waxa uu si wayn u quseeyaa falgalka iyo isbadalka qurubyada iyo malakuyuulada tusaale ahaan, Sifooyinka dabarada kiimikeed ee ku samaysmay isku dhiska kiimikada.

Barashada kiimikada ee la xariirta elektoroonada iyo kala duwanaashaha noocyada  tamarta ee  falcelinta footo kimikaalyada, falgalada ridhokiska, isbadalada wajiyada maatarka iyo kala saaritaanka isku dhiska, diyaarinta iyo sifooyinka walxaha qalafsan, sida biraha isku dhafan , caagaga, moleekuyuulada noolaha, iwm, dhamaantood, waxaa loo tixgeliyaa   xayndaabka   kimistariga.

Kiimikada noolaha waa kiimiko qaabilsan barasha geedi socodka kiimikada ama habka kiimikada ee la xariira noolaha. Xakamaynta socodka macluumaadka maraya seenyaalaynta lagama maarmaanada iyo socodka tamarta kiimikada maraysa dheefshiidka, geedi socodka lagama maarmaanadu waxay kor u qadaan isku dhiska nolosha. 47sano ee la soo dhaafay aadanuhu waxa uu noqday mid si guul leh u sharaxay geedi socodka noolaha ayagoo dhamaan goobaha saynisku ay ku howl lanaayeen cilmiga barashada dhirta si ay uga samaystaan daawootinka caafimaadka. Hada, xooggaha waawayn ee noolaha daahirka ah (noolaha saafiga ah) waa in la fahmo sida  molikuyuulada naflaydu kor ugu kacaan geedi socodka kadhaca unugyada.

Kiimikada noolaha waxay sidhow u la xariitaa cilmiga baashada molikuyuulada noolaha, barashada qaababka molikuyuulada kuwa sidah macluumaadyada hide sida DNAda taasoo awooda inaysiijirto geedi socodka nololeed.

Molikuyuulada  noole:

Afarta fasal ee ugu waawayn molikuyuulada noole waa waxyaalaha jirku ka helo kulka iyo tamarta sida; kaarbohaydaraytyada, subaga, nafaqada jirka dhista iyo iwm.

  1. Waxyaalaha jirka siiya kula iyo tamarta (kaarbohaydaraytyada):

Karbohaydaraytyadu waxay ka samaysan yihin meerkilyaalo lagu magacaabo monosaccharides. Qaar ka mid ah monosaccharides waxaa ka mid ah glucose (C6H12O6), fructose (C6H12O6), iyo deoxyribose (C5H10O4).

  1. Subagga:

Subaggu waxaa inta badan sameeya hal molekuyuul oo glycerol ah oo weheliyo molekuyuul kale. dufantu waa qaybta ugu wayn ee subagga, waxaana ku jira hal molekuyuul oo glycerol iyo saddex asiidhada dufanka leh. Asiidhyada dufanka waxa loo tixgaliyaa monomerkiisa (meerkilyaalihiisa),  waxaana laga yaabaa inuu cukan yahay (kumajiro labo dabar silsilada kaarboonka) ama uusan cukanayn (waxa kujira labo dabar ama kabadan).

Subagga, gaar ahaan phospholipids, waxaa sidoo kale loo isticmaalaa soosaarida daawooyinka ama waxaa sidoo kale loo isticmaalaa qayb daroogada xambaara (tusaale ahaan, sida liposome ama transfersome).

  1. Nafaqada jirka dhista (protiens)

Borotiinadu waa molikuyuulo aad u badan, waxayna kasamaysmaan meerkeliyaale loo yaqaano  Asiidhada amino. Waxa jira 20 heer oo Asiidhada amino ah, midkastana waxa uu ka kooban yahay koox kaarboonoksijiin ah, koox amino ah iyo koox silsilada (lagu magacabo kooxda “R”). kooxda “R” waa mida kala saarta astaamaha Asiidhyada amino  ee kooxaha silsiladaha.

  1. Nucleic Acids

Nucleic acids waa malokuyuulyaasha sameeya DNAda, waana walax aad ugu muhiim ah dhamaan unugyada noolaha taasoo ay u isticmaalaan inay ku kayd sadaan macluumaadkooda hide. Asiidhada amino ee ugu badani  waa Deoxyribo Nucleic Acid (DNA) iyo Ribo Nucleic Acid (RNA), meerkilyaal-lahooduna waxaa loo yaqaan Nucleotide, waxayna  ka kooban tahay koox phosphate, Sonkorta ribose ah, oo nitrogenous saldhig utahay.

Facebook Comments