Bayaan loogu magac-daray manifesto 2 oo ay saxiixeen todobaatan qof oo isugu jira siyaasiyiin, waxgarad, aqoonyahaniin, qoraayaal, macalimiin jaamacadeed iyo indheergarad ayaa lagu dalbanayaa badbaado qaran. Waxay ku baaqayaan in la badbaadiyo siyaasadda waddanka oo ku sii dhacay haadaan dheer.

Saddon sano ka hor (May, 1990) ayeey ahayd markii la soo saaray bayaankii kowaad(Manifesto-1) oo in kabadan boqol qof oo aan cidina ka maqnayn ay ku baaqeen badbaadinta waddanka oo ka sii lalmanayey loolli qaxaabo badan. Cidi se dhag jalaq uma siin oo dacartii waa innaga illaa hadda muudsanayna.

Markii indho daahfuran oo ka madax banaan indho mucaarad iyo mid muxaafad lagu fiiriyo waddanku hadda ma joogo meesha uu joogay 1990kii balse khatar culus ayaa ku wajahan nidaamkii federaalka ee lagu heshiiyey kuna dhisnaa talowadaagga. Labaatan sano ka hor ayaa lagu heshiiyey nidaam federaal ah oo ku taagan wadatashi iyo talawadaag.

Haddase waxaa muuqata in shaqsiyaad gaar ah uu waddanku u afduubanyahay, in la awood tiray laamihii kale ee dowladda sida laantii sharci dejinta oo ahayd midda ugu xoogga badan iyo laantii garsoorka oo aan awal cago badan ku taagnayn.

Laantii sharci dejinta ayaa noqotay laan aan madax-bannanayn oo markii ay wax saxiixayaan gacanta la qabto. Waxaa dhuntay kalsoonii shacabka. Dowladdii laga sugayey samata-bixinta waddanka, dhisidda ciidamada qaranka, sugidda amniga ayaa isku soo koobtay raadinta aragtida dadwaynaha iyada oo loo marayo baraha bulshada. Maamul goboleedyadii oo lahaa xuquuqaad u gooni ayaa noqday badi gobollo Muqdisho hoos yimaada!

Baaqaan oo qodabadiisa asaasiga ah ay ka duulayaan dastuur lagu tuntay iyo taladii waddanka oo la marooqsaday, markii aan akhriyey qodabadaan ayaa ugu waawayn waxa uu diiradda saarayo:

1. Waxaa burburay tiirarkii astaanta u ahaa Dowladnimada, sida Baarlamaanka Federaalka iyo Garsoorka dalka.

2. Wax kasta oo masiirkii dalka ahna wuxuu noqday mid ku xiran go’aanka dhowr qof oo saaxiibbo.

3. Xiriir-xumida u dhexeeysa dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka.

Ugu danbayn saxiixayaasha bayaankaan oo ah qaylo dhaan siyaasadeed ayaa soo jeediyey talooyin ay u arkayeen inay yihiin kuwa ugu doorka roon.

Waxayna ahaayeen,
1. In la joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah hannaanka Federaalka iyo Dimuquraadiyadda, ee ku dhisan dib-u-heshiisinta iyo talo-wadaagga, kaasoo ay ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay 20 sannadood ka hor, lagana fogaado siyaasadda ku salaysan wada tashi la’aanta  iyo baalmarka dastuurka dalka iyo nidaamka federaalka

2. In kulan wadatashi oo dhexmara Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada (political agreement), lagaga arinsado qabsoomidda doorashada 2020/2021

3. In doorashada 2020/2021 ay ku dhacdo waqtigeeda, kuna timaado is faham iyo wadatashi dhexmara Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka.

Facebook Comments