Aqoonta dunidaan taal cidna makoobi karto, sidaas oo ey tahayna waa qaddar yar oo kamid ah cilmiga uu Alle dunidaan dhigay. Maalinkii Adduunkaan aadane lagu abuyray illaa iyo dhamaadka nolosha waxaa socanayo in lahelo qeybo kamid ah cilmiga kowniga ah ee Alle dul dhigay dunida.

 Waxyaabaha cajiibka ah ee calaamatul su’aalka ku ah aadanaha waxaa kamid ah kitaabka Qur’aanka, oo ah mid dhaxdiisa laga helayo cilmi kasta ee adduunkaan la’ogaado ama aqoon cusub loo yeesho… bal qiyaas xilligii Nabigeenna NNKH uu joogay majirin wax aqoon ah oo loo lahaa waxa loo yaqaan cuf isjiidadka (Gravitation), hadane marki la’ogaaday kaddib waxaa tilmaantiisa laga helay quraanka aayadda

قُلْ إِنَّمَا عِلْمُهَا عِندَ رَبِّي ۖ لَا يُجَلِّيهَا لِوَقْتِهَا إِلَّا هُوَ ۚ ثَقُلَتْ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِۚ………”سورة الأعراف – الآية )187)

Sidoo kale majirin wax aqoon ah oo loolahaa kala duwanaanshaha 2da iftiin ee qorraxda iyo dayaxa sidaas oo ey tahayna waxaa jira aayado badan oo caddey naya kala duwanaanshaha labada iftiin ee ka kala yimaada bisha iyo qorraxda.

 Cilmigu kuma istaago qof caalim ahaa oo dhintay, balse waxaa darkiisa kacabba oo dhadhamiya qof waliba oo rabitaan u haya. Rajada caalimka waxa ey rumowdaa marki uu dib u aqriyo dadkii asaga kaga horreeyay cilmigaan.. tusaale hadda annaga waxa aan Jaamacadaha iyo Iskuullada ku diraaseyno ma’ahan wax cusub balse waa qibradihii iyo u fiirsashadii dadkii nolosha nooga horreeyay.

Qodobkaas waxa aan ka fahmeynaa in ey jirto wax layiraahdo u fiirsasho, si’aan sifiican ugu fahanno aan tusaale kabixinno; Qoys ayaa beer ku leh magaalada dhaxdeeda, qoyskaan waxa ey juhdi badan ku bixiyaan beertooda sidi ey ku soo saari lahayd miro aad ufara badan, kuwaas oo ku filan deegaankooda oo dhan, si’ey dhaqaale fiican uga helaan.

 Qoyskan waxa ey beerta tabcanayaan muddo ku dhow 11sano, subax waliba beerta waxaa soogala Jiir ama Doolli waa weyn, waxa uuna cunaa kaliya miraha Masagada, sidookale waxaa soogala beerta Bakaeyle yar yar oo aad ucuna Digirta! Hadaba yaa ogaan kara cidda masagada cunta oo dhihi kara anaa huba waa Dooliga waxa masagadaas cuna! Waxa ey ubbaahantahay ufiirsasho in waxaani qofi uu dabagalo ee uu soo ogaado xaqiiqdooda maadaama muddada ey dheertahay waa laxaqiijin karaa, ufiirsashadaas ayaa waxaa kadhalan kara labo shey midda koowaad waa qibrad in aan qibrad uyeelanno in nooca Dooliga waa weyni ey aad u cunaan Masagada, qibraddaasna waxay faa’iido utahay dadka wax ku beeran doona deegaankaas,(howsha ayaa fududaaneysa).

Waa qodobka labaade waa saadaalinta in aan saadaalin karno haddii qof cusubi uu magaaladaan beer ka sameysto in eynan Masago uga dhalanayn, sababtoo ah jiir ayaan lahayn meel looga fakado.

Haddaba aanu noqanno dad dhug u leh deegaanka ey kunoolyihiin iyo waxa kadhacaya, in aan u fiirsanno howsha aan qabaneyno sida ey isku badasho waa qibrad cusub aan shaqadaas kaqaadannay, tusaale: waxa aad tahay arday dhigta fasalka 7aadka, subax walibo waxa aad u soo lugeysaa iskuulka, iskuulka hortiisa waxaa kafuran sandaqad yar oo lagu iibiyo qalimaanta iyo wax yaabo yar yar………., marki aad noqotay fasalka 2aad ee dugsiga sare waxa aad aragtay sandaqaddii uu isu badashay dukaan weyn oo qurux badan iyo ninkii iibin jiray oo gaari wata?! Hadaba adigu mawaxaad leedahay Alla goorma ayay waxaani dhaceen sidi qof aanba goobta soomari jirin, mise waxa aad leedahay Alleylehee maalinba in baa lagu darayay intii aan waxbarashada wadnay, oo waatan maantay heer fiican gaartay!!

Mahadsanidiin.

Facebook Comments