Rasuul waliba oo uu Allah ka doorto dadkiisa waxaa uu siiyey mucjisooyin waaweyn si ay dadka ugu waano qaataan jiritaanka Allah,cibdooyinka  ay ugu Kali yeellaan Allaha  koonka abuuray kaligiii.

Nimcada ugu weyn  ee uu addoomada Allaah siiyo waa Nimcad diinta iyo garshada Rabigii abuuray.

Subanaheenna NNKH waxaa la siiyey mucjisooyin badan oo caddeynaayo Nabinimadiisa . Aqriste kaallay aan isla oggaane mucjisooyinka la siiyey suubanaheenna.

Mucjiooyinka Suubanaheenna  Uu Allaah  Siiyey Aad Ayey U Badan Yihiin Waxa Aana Kamid Ah:

1-Qur’aanka, Qur’aanku waxa uu kamid yahay mucjiooyinka uu Allah siiyey Subanheenna NNKH, Bulshadii uu Suubanheenna ka dhashay oo lagu yaqaanay ku xeel dheeranshaha luuqadda Carabiga iyo gabayadabu, marka ay maqleen  Qur’aanka waa ay awoodi waayeen in ay  keenaan Hal Aayad oo u dhiganto xataa haddii ay isu taggeen dhammaantood.

Mida kale Qur’aanka waxa uu ka hadlaayaa qisooyin dhacay xilliga uu Suubanheenna noola ka hor,sidoo kale waxa uu ka hadlaayo xaalado illaa hadda taagan iyo qisooyinka qiyaamaha oo aan ba wali la gaarin, taasina waxa ay kamid tahay mucjisooyinka uu Allah siiyey subanaeenna NNKH.

2-Dheelmiinta La Dheelmiyey Suubanaheenna NNKH(Israa Wal Micraaj).

Dhacadaan waxaa lagu tirayaa dhacdooyinka waaweyn ee mucjisadda ah ee la siiyey Suubanaheenna NNKH,habeenka inta ay dadka hurdeen ayaa Suubanheenna la dheelmiyey oo waxaa u yimid Jabriil CS waxa ayna  Sammada ka koreen Beytul Maqdis oo ah maanta meesha ay xoogga ku  heystan Yahuudda Israa’iil.

Habeenkaas waxaa nagula soo waajib yeellay Salaadda aan tukanno. Sidoo kale habeenkaas  Suubanheenna waxaa ka kormaray 7 sammo  isla habeenkiina waxa uu soo noqday Magaaladiisii. Ogowse Subaneenna waxa uu i noo sheegay Dhulka iyo Cirka in ay isku jiraan in loo socon karo 500sanno. Habeenkas waxaa uu kamid aheyd mucjisooyinka uu Allah siiyey Suubanheenna NNKH.

3-Kale Qeybsankii Dayax Uu U Kale Qeybsamo Labbo Qeybood Xilliga Subanaheenna NNKH.Dhammaan dadkii ku noolaa xilligaas agga-agaarka Jasiirada Carabta waa ay wada arkeen mucjisidaan .

Gaaladii. Quresheed ma aysan rumeyn mucjidaan oo waxa ay dheheen “waa uu na sixray Maxamed NNKH”, qaar kamid ah ayaa yiri “ma awooda Maxamed NNKH in uu dadka dhan  wada sixro”, waxa ayna weydiiyeen dad ka imaaday banaanka Magaaladda Mako, dadkiina waxa ay u  sheegen in ay arkeen mucsjisadaan.

4-Maalaa’ik ayaa Suubaneenna Illaalin jirtay. Maalin maalmaha kamid ah Abuu jahal oo ahaa fircoonkii ummadeenna ayaa waxa u  damcay in wax-yeello gaarsiiya Suubnheenna oo tukanaayo, waxaa la arkay asaga oo dhagaxii uu gacanta ku heystay aan tuurin karin meeshan ka dhaqaaqi karin, waa la weeydiyey oo waxaa la yiri “maxaa kugu dhacay”? Waxa uu ku jawaabay “aniga iyo Maxamed waxaa inoo dheexayaa god holcaayo”, Subanaheenna NNKH marka uu salaada ka baxay waxa uu yiri “haddii uu isoo dhawaan lahaa malaa’ikta ayaa hilibkiisa cad cad u kale dafi lahayd”.

5-Subanaheenna NNKH Waxa Uu Maqli Jirey Dadka  Kujira  Qabuurta,Maalin maalmaha kamid ah Bilaal iyo Nabiga NNKH oo wada socdo ayuu waxa uu Nabiga yiri “waxa aadan maqleen baan maqlaa, waxa aan maqlaa qabuurta dadka lagu cadabaayo”.

6-Nuurkii Magaalada Madiina Ay Nuurtay Markii Uu Imaaday Suubanehenna NNKH,waxa uuna damay nuurkaas warkii uu geeriyooday Suubanaheenna. Anas binu maalik Allah ka raali noqdee waxaa laga weriyey in uu yiri “ Subnaheenna NNKH markii uu soo gallay Magaaladda Madiina wax waliba waa ay ifeen, geeridisana wax waliba waa ay mugdi-yobeen.

Mucjisooyinka suubanheenna aad ayey u badan yihiin halkaan kuma soo koobi karno, intan waa kuwii ugu waaweynaa oon jecleysannay in la wadaagnno.

Mahadsanid

 

 

 

 

Facebook Comments