1. Kiimiko duleed: Waa laan kamid ah laamaha kiimikada taas oo qusaysa adeegsiga farsamooyin iyo aragtiyo fiisigiseed si loo barto nidaamyada kiimikeed.

Kiimiko duleedka marka la barbardhigo fiisikis duleedka, sida qaalibka ah waa wax la arki karo, sida inta badan ay ku tusayso aragtiyada la xariira. Kiimikada wax yaabaha la taaban karo waxay kusalaysan yihiin afkaaro la xariira qaab dhismeedka qurubka.

Intii lagu guda jiray qarnigii 19aad, kiimiko duleedku wax ay door muhiim ah ka ciyaartay fikradii Wilhelm Ostwald’s iyo Jacobus Henricus van’t Hoff’s oo ka shaqaynayay isku dheelitirka kiimikooyinka. waxay sidookale door muhiim ah ka qaadatay aragtidii Svante Arrhenius ee  aayonisayshinka iyo  falgalka ridhokis.

Qaar badan oo kamid ah qalabyada cusub ee la abuuray kuwaas oo muhiim u ah warshadaha kumbuyuutarada ama qalabka diyaaradaha iyo warshadaha gantaalada waa natiijo kamid ah qalabka sidhow ula xariira  kiimiko duleedka. Jilciye, dareere, nadiifiye iyo warshadaha caagaga soosara, ma aysan jiri lahayn kiimiko duleed la’aaantiis. Fahanka wanaagsan ee nidaamka noolaha waxa uu ka yimaaday isku darka fisikiska, kimisteriga iyo bayoolajiga sida biophysics, biochemistry, molecular genetics iyo molecular biology.

  1. Kiimikada sifaynta: Waa laan kamid ah laamaha kiimikada taas oo la xiriirta kala soocida ama kala saarida walxaha kiimikaad tiro ahaan iyo tayo ahaan ba .

Kiimikada sifaytu waxay waxtar balaaran u leedahay  warshadaha, samaynta dawooyinka, samynta cuntada, iyo qiyaasida saafinimada shayga.

Faa’iidooyinka ay u leedahay warshadaha waxaa kamida qiyaasida wax walba oo la soo saarayo, waxa uu ka kooban yahay tiro ahaan iyo tayo ahaan ba.

Si macmiisha loo siiyo war bixin kooban oo ku saabsan wax uu ka kooban yahay shaygan lasoo saaray waa in la qiyaasaa kiimikada ay ka kooban tahay waxa la soo saarayo, kadib lagu lifaaqaa ama lagu dhajiyaa waraaq ay ku qoran yihiin waxa ay kakooban tahay, walaxda lasoo saaray, dhamaan hawshaasi waxaa lagu qabanayaa taas oo la’adeeg sanayo kemisteriga sifaynta.

  1. Kemisteriga noolaha: Waa laan kamida laamaha kiimikada ee la xiriir ta kiimikada laga keeno noolaha .

Waxtarada ama faa’idooyinka ay lee dahay aad bay u badan yihiin laakiin waxaynu isku dayidoonaa inaa ka eegno afarta dhinac ee ugu muhiim san

  1. Waxtar ka ay u leedahay samaynta dawooyin ka:

Kiimikada nooluhu waa kayd ka ugu  wayn ee samaynta ama farsamaynta dawooyinka tusaale ahaan  (antibiotics, anticancer drugs, painkillers, anti-depressant, anesthetics etc.) dhamaan noocyadan kamidka ah dawooyin ka waxay ka samaysan yihiin kiimikada laga keeno ama laga soo saaro waxyaabaha nool .

  1. Cuntada:

Dhamaan qaybaha ugu waawayn ee cuntadu ka samaysan tahay ama ka kooban tahay waa isku dhisyo nooleed sida:

(kaabohaydaraytyada (CHO), borotiinada  (NH2-CH-COOH), iyo dufanka (CH-COO-CH) xataa feetamiinada. Kuwaas oo ah qaybaha ugu waa wayn ee jirkeenu ka kooban yahay.

  1. Agabka nadaafada:

Wax yaabaha wax lagu nadiifiyo waxay ka kooban yihiin isku dhisyo nooleed  tusaale ahaan, (phenol, formaldehyde).

Qaar kamid ah walxaha wax lagu nadiifiyo waxaa loogu talo galaa in lagu dilo cayayaanka ilma qabatinka ah sida bakteeriyada oo laga dilayo ama laga burburinayo gidaarka unugooda.

  1. Waxtar ka uu u leeyahy dhinaca tamarta:

Tamarta aynu maalin walba isticmaalno sida shidaalka, dhuxusha, dhuxul dhagaxda iyo gaaska wax lagu kariyo dhamaantood wax yaabaha aynu soo sheegnay waxay ka samaysan yihiin kiimikada laga keeno wax yaabaha  nool.

  1. Kiimikada ma noolaha: Qaybtani waa laan kamida laamaha kiimikada taas oo la xiriirta walxaha aan noolayn.

Kiimikada manoolaha waxay leedahay waxtar aad u balaaran gaar ahaan marka loo eego noloshan hormartay amaba  wakhtigan casriga ah. Waxaana kamida wax tarkeeda:

  • samaynta caro nafaqeeyaasha kuwaas oo kor u qaada wax soosaarka beeraha ee caalamka.
  • samaynta isku jir macdano biro ah, kuwaas oo loo isticmaalo samaynta biraha laga sameeyo baabuurta iyo diyaaradaha, kuwaas oo ah biro fudud adaygna ah.
  • samaynta biraha, quraaradaha , qalabka dhismaha, iyo qaybo kamida walxaha qarxa.

Waxaynu si kooban usheegi doonaa 5ta kiimiko ee ugu isticmaalka badan:

  1. Salfuyuurik asiidh (H2SO4): Waxaa loo isticmaalaa samaynta caro nafaqeeyaasha 
  2. Naytarojiin (N2): Waxaa loo adeegsadaa samaynta amoniyada (ammonia ).
  3. Nuurada (CaO): Waxaa loo isticmaalaa samaynta shamiitada ama sibidhka , iyo samaynta biraha .
  4. Sodiyom haydaroksaydh (NaOH): Waxaa loo adeegsadaa samaynta warqadaha, saabuunta, iyo fiilooyinka.
  1. Sodiyom kaarbonayt (Na2CO3): Waxaa loo isticmaalaa samaynta Warqadaha, quraaradaha (dhalooyinka ) ,iyo samaynta dharka.    

Shantan qodob waxa ay tusaalo buuxa naga siinayaan waxtarka kiimikada manoolaha.

Facebook Comments