Caafimaad qabka Maskaxda iyo caqliga aadanaha waa qeybaha ugu muhiimsan ee ubbaahan kawar qabidda, balse inteenna badan kuma baraarug sanin oo iskumaba dhibno in aan niraahno maxaaa uroon caqliga iyo maskaxdeenna.

Guud ahaan waxa ugu badan ee saameeya maskaxda iyo garaadka qofka waa isku buuqa (Depression).

Aqoon hore looma lahayn cudurka isku buuqa balse waa cudur soojireen ah waxa uuna ku dhacaa Maskaxda, taasina waxa ey sababtaa in uu qofku howl ama shaqo qabsan waayo, intabadanna waxa uu kadhashaa cudurkaan waayidda waxa uu qofku jecelyahay, ha’ahaadaan qof, shaqo ama xuriyadd.

Saameynta deegaanka ayaa iyana qeyb weyn kaqaadata isbedallada ku dhaca maskaxaheenna, haddii aan kunnool nahay deegaan ey dhibaato iyo dagaallo kajiraan, waxaa fudu daanaya in maskaxdeennu laqabsato dhibka iyo dhiigga daadanaaya, sidaa owgeedna eynan dhib u arag haddii uu qofi ku ag dhaawacmo ama dhib loogu geysto aktiisa. Waxaa iyana lamid ah haddii uu qofki deegaan nabdoon oo deggan uu kunnool yahay waxaa adkaaneysa in uu laqabsado dhibta iyo dhiigga meelaha lagu daadinayo.

Hey’adda caafimaadka adduunka ee loosoogaabiyo (WHO) ayaa sheegtay in seddexdii qof ee Soomaali ah mid kamid ah uu qabo xanuunada dhimirka kudhaca, waxayna raacisay “waa tiro aad uga badan xaddiga lagu arko bulshooyinka lanool dagaalada sokeeye”- 26 June 2019.

Waa Maxay Waxa Ugu Badan Ee Bulshadeenna Dhibkaan u keenay?

Ma’aanan sameyn wax cilmi baaris ah, kawarqabidda hoose waxa aan ku ogaannay in labo middood ey ugu darantahay, marki laga sootago colaadaha:

1.Muqaadaraadka.

2.fadhi ku dirirka iyo faqriga.

HADABA MAXAAN KU YARAYN KARNAA QATARTA CAAFIMAADKA MASKAXDA?

1.Aan kafogaanno wax waliba oo caafimaad darro Maskaxeed noo keeni kara

  • In aan iska noolaanno: tani waxa ey nagu sababeysaa in uu waqtigu aad noogu bato, waana mid dhacda caadiyan haddii uu qofku qorshe sameysan waxa uu weynayaa wax uu qabto iyada oo ey howli u buuxdo, ugu danbeyntiina isku dhaxyaacaaas waxa uu sababayaa in uu qofki barto Muqaadaraad”. “Qiimeey naftaada, oo qorshee waqtigaaga”.

  • Baro sidi aad u dooran lahayd go’aanada kugu habboon: haddii si-kafiirsasho la’aan ah aan u dooranno go’aan saameyn ku leh nolosheenna, waxaa dhaca in nolosheenna oo dhan aan kashallayno, tusaale: haddii aad guursato qof aadanba isfahmi karin, hadana aad isla-adiga dooratay qofkaas!! Haddii aanan kafiirsan go’aanada aan gaareyno waxaa hubaal ah in ey saameyn maskaxeed nagu yeelaneyso.

2.Aan sameynno dhaq-dhaqaaq bulsheed: waxa uu maskaxdeenna ka caawinayaa in aan ahaanno kuwa marwaliba fir-fircoon oo aanan lahayn jadwal isku dhax daadsan.

  • Waxa aad noqon kartaa qof bulshadiisa ku caawiya iskaa wax u qabso, qeybo badan oo aad bulshadaada kadhisi karto ayaa jira oo aanan adigane dhib kugu ahayn, waa maalgashiga ugu fiican ee aan aqaan adduun iyo aaqiraba.
  • Deegaankaaga u noqo nabad-doon ama nabad-doonad: isku soo aruuri dhallinyarada deegaankaaga kaddibna ku baraaruji in aad kashaqeysaan deegaanka aad ku nooshihiin si-iskaa wax u qabso ah! Haddii dhallinyarada degaanada oo dhan aan sidaan wada sameyn lahayn waxa aan gaari lahayn natiijo aan mahdinno.

3.ugu danbeyn aan ku dadaalno caafimaadkeenna, siguug:

  • Aan seexanno waqti nagu filan.
  • Cunno dheelitiran.
  • Biyo jirkeenna kufilan.
  • Iyo sameynta jimicsi joogta ah.

Mahadsanidiiin

Tixraac:

https://www.thenewhumanitarian.org/news-feature/2019/06/26/somalia-mental-health-emergency

https://www.wikihow.com/Improve-Your-Mental-and-Emotional-Health

Facebook Comments