Qormadeenna maantay waxa aan uga hadleynaa sida uu qofku qabiiir ku noqon karo dhanka nolosha, qibraddu ma’ahan kaliya in aqoonta lagu helo. Waayeelka duidaan ku nnool dhamaantood waa qabiirro, nolosha ayaana ka dhigtay dad qubaro ah, haba kukala duwanaadaan waxa qabiirka lagu yahay.

Dadka uu Alle ku uumay dunidaan intabadan isku si’ waxba uma arkaan, isku sina ugama falceliyaan arimaha ku dhaca, oo waxaa caddayn kuugu filan in dadka dunidaan kunool ey isku raaci waayeen Allihii uumay oo ah Allaha kaliya oo mudan in xaqa lagu caabudo, halkaas ayayna dadku kukala haraan, oo waxa aad arkeysaa dad waayo badan nolosha usoo joogay balse haba yaraatee wax qibrad ah aan dhaamin dhallinyarada!

Qibradda noloshaan waxa aan tusaale ugu soooqaadan karnaa; kawaran haddii uu walaalkaa/walaashaa ey guusrato qof aan aqoon yahan ahayn, sidookale qofkaas diyaar uma ahan in uu guriga howl ama shaqo kaqabto, sidookale ma’ahan qof raba bannaanka in uu kasoo shaqeeyo, kaliya waa qof raba in uu seexdo, cuno, cabo, guud ahaan qofkaan nolosha intaas ayuu kayaqiin markiisii horeba, mana rabo in uu isku howlo sida uu isku badali lahaa? Walaalkaa mise walaashaa miyaa qaladka leh? Mise qofka ey nolosha ugudarsantahay oo dabeecadahaas leh ayaa qaladka leh? Mise cid qaldan majirto ee nolohaas haku noolaadaan miyaan dhahnaa? Bal adiga isku day jawaabaha inta aadan qoraalka hoose usoo gudbin…….

Tani waadhacdo marar badan bulshada kadhaxdhacdo, hase ahatee dadkuintiisa badan qibrad kama uu qaato, iskaba daa waxaa laga yaabaa qofkii ey mar ku dhacday in isla asagiii ey marlabaad ku dhacdo, oo aad lakulanto ama aad maqasho qofkii oo marwaliba reerka kadumay(Furriin).

Sababtoo ah qofka marki ey wax ku dhacaan haddii uuna cashar kabaran, waligiis kama fogaan karo dhibkii ku dhacay ama xal uma heli karo, qibradda laguu sheegayane waa in uu qofku furfuri karaa halxiraala yaasha adag ee nolosha aadanaha kujira, marka koowaadna waxa ey anfaceysaa nafteenna, marki labaadna waxa ey anfaceysaa dadka aan lanoolnahay.

Qibradda ugu yaraan aan kafaa’iidi karno tusaalaha aan kor kusooqaadannay waa in aan kafakirnaa qofka aan rabno in aan nolosha kudarsanno, sidookale waa in aan sitoos ah aan uweydiinno qofka su’aalo laxiriira: aqoontiisa, haddii uu shaqada guriga nacebyahay/tahay, shaqada bannaanka sida ey isku yihiin qofkaan?? Haddii intaas jawaabahooda uu heysan lahaa qofka walaalkeen/ walaaheen ah dhibaato ugama timaadeen dhanka guriga, xitaa haddii uu yahay qofka mid ku qanacsan nolosha ah (cun,cab,seexo) Waayoo waa tii ladhihi jiray wax leysku ogyahay canaan mooyee ceeb makeenaan, aan cararnaba Alle haka dhigee.

Tusaale kale; Bulshadeenna inta badan waxa aan qabiirro kunnahay dhibaatada yacni waxa aan ujoognaa ama aan maqalnaa iyada oo ladhibaateeynaayo umad masaakiin ah sida dhaca, dilka iyo cunsuriyaynta. Sidaas oo ay tahay, oo dhibkaas aan ujeedno annaga oo ku jirna kuna silicnay, hadane qaarkeen ayaa raba in dhibaatadu siisocoto, in aan marnaba xal lehelin??

Maxay kulatahay dadkaasi in ey qabiirro kuyihiin? Noloshooda maxay kafaa’iideen ama maxay kusoo kordhisay dhibaatda aktooda kadhaceysa? Maxay qabiirro kuyihiin dadkaan?

Waxaa lahubaa in ey qabiirro yihiin balse qabiirro kuma ahan si’ey wax uxaliyaan, ee waxa ey qabiirro ku noqdeen habka iyo hannaanka looga faa’iideysto dhibaatooyinka!! Qiyaanooyinka iyo wax isdaba marinta ayay qabiirro kuyihiin, waa sida aan horay uga soo hadalnay oo aadanahe Alle isku aragti iyo caqliba maahan ee noole kalakaddisan, sidaas ayaa laga yaabaa dadka qaar in ey qibradda uyaqaanniin oo ey uga faa’iideystaan.

Qabiir waaye qofkaan kamadhigno aqoontiisa oo kali ah in uu qabiir kuyahay, balse waxa ey kadhigantahay in qofku waaya arag uu uyahay nolosha uu noolyahaa, walibadhinaca wanaagsan si’loogu baxsado qofkaan maalin uun.

F.G: uma baahnin dhaco waliba in ey annaga nagu dhacdo, kaliya waxa aan ubbaahannahay in aan dhug uyeelanno waxa agagaarkeenna kadhacaya.

Mahadsanidiin

Facebook Comments