Cinwaankeenna haddii aan ku billowno weydiin; majeceshahay in aad maal qabeen noqoto? Haddii aad noqoto noloshee ayaad rabtaa in aad ku noolaato? Misida dadka caadiga ah ey unool yihiin mise sida boqorrada? Sidookale aan ku weydii sidee ayaad qorsheyneysaa in aad dadka ula dhaqanto marki aad lacag yeelato?

Waan kaa raaligalinayaa haddii su’aalaha aan ku weydiyay aad kadareenta culeys ama dhibsi, sida in aad ku jawaabtay “Acuuddu billaah Allow ha’ii kasin in aan ku fitnooba lacagta” Aaamiin aamiin..dhammaanteen diyaar uma nihin in aan qalad sameynno, in aan dhib ku dhacno, in dadka nagu ag nool eyna dhibsadaan.

Hadane waxaa jirta arrimo xaqiiq ah oo Aadanaha kadhaca tusaale; qoys dabaq/fooq ka kordhisanaya reer sabool ah oo aqal yar oo cariish ah meesha ku leh!, hadaba aan su’aal isweydiinnee macula tahay in qoyska fooqa iska le hey jecelyihiin in dhib laga sheegto si-cad jawaabtu waa MAYA!.

Hadaba aan isla ogaanno e, waxaa jira wax layiraahdo fahamaka lacagta, inta aanan lacag yeelan in aan qrsheynno, waxa an ku sameyneyno haddii aan hanti yeelanno ama dhaqaale.

Mafududa qof aanan dhaqaale heysan in uu qorsheeyo oo uu meeleeyo lacagta mustaqbalka uu naawilaayo!! Qofka waxaaba maskaxdiisa ku soo dhacaya durba isweydiinta ah “Yaa ii ballan qaaday in aan noolaanaayo waqtigaas?”

.. aan kaaga jawaabo su’aashaase “horta adiga oo wax qorsheystay haddii aad dhimato ma danbibaa kaa soo gaaraya?” “sidookalena haddii aadan qorshe lahayn sow uma noolaaneysid sidi qof caadi ah-qof aanba kalajeclayn meesha uu waqtigiisa, lacagtiisa,sharaftiisa ku bixinaayo?” labadaan qodob keen doorannaa oo innoo roon?!

Qof dhallinyara ah oo kamid ah dadka aan sida wanaagsan isu naqaan ayaan weydiiyay; Maxay tahay waxa ugu weyn ee aad jeceshahay in aad hesho marki aad Jaamacadda dhameyso? Waxa uu iigu war celiyay “kaliya in aan helo shaqo si’aan uga helo dhaqaale igu filan iyo inaan qoys dhisto?”

Malaga yaabaa aqristow adigane su’aashaan in aad sidaan uga jawaabi lahayd!, haddii uu qofku u fahmo in qofnimadiisa ey kufilantahay “Waa qof shaqeysta oo reer leh” hadaba aan ogaanno si-kaduwan sidaas ayaa jirta, waana qofnimada dhabta ah taas oo ah in qofku uu noqdo “Qof wax anfaca” qof kawarqaba shaqada uu qabto maxay faa’iido uleedahay bulshada uu lanool yahay, qof kafakiraya caruurta uu dhalayo (Haddii uu Alle siiyo) in ey noqdaan haldoorka bulshada, qof dhisaya danta guud sida misaajidda, goobaha waxbarashada, qof deegaankiisa nabaddoon u ah oo kawarqaba eeriyada uu daggan yahay dadka ku dhibaateysan sida gaajada, caruur waxbarasho la’aan ah, ama qof xanunsan” Iyo intaan kabadan.

Haddii aanan laqorsheyn mustaqbalka cidda aan rabno in aan noqonno, guud ahaan madhismeyso bulshada, gaar ahaanna masoosaari karno caruur haldoorra ah, tan ugu daranna waa in aan dunida katageynno annaga oo aan waxbadan kaqaban?

Hadaba waa su’aale sidee ayaa innoo fiican in aan u qorsheynno nolosheenna??

Ujeedka hadalkeenna haddii aan usoo dhaadhacno, meeqaa maqashay in ey lacagtu dadka fidneyso, meeqaan quraanka ku aragnay boqorro hantiilayaal ah oo ku kibray nimcaddii Eebe siiyay, meeqo ayaa lagaaga sheekeeyay in hantidu tahay musiibo socoto?

Mawaxa aan kuqanacnaa in aan niraahno Alle naguma siiyo hanta farabadan adduun aanan ku waarayn? Mise waxa aan niraahnaa Allow nasii hanta barakeysan oo aan awoodno qorsheynteeda iyo bixinteedaba?

Waxa aan ku gaba gabeynayaa “In aan shaqeysanno waa sharaf, balse lacaga shaqada naga soo gasho kuma filna in ey muujiso cidda/shaqsiyadda aanu nahay”  waxaa jira shiid(cid aan lacag heysan) oo laga jecelyahay taajiriinta!

Waligaa ha’isku qaad qaadin dhaqaalahaaga, hana moodin in aad dadka kaga sarreyso balse xasuuso dhaqaaluhu in uu nolosha qeyb kayahay balse uunan ahayn noloshii dhamayd.

Aanu shaqeysanno sida aanan dhimanayn waligeen, aanu Alle caabudno sidi aanu dhimaneyno hadda”

-Cumar bin Qaddaab

Mahadsanidiin

Facebook Comments