Cilmiyaynta taranka

1- “وَلَا تَقْتُلُوا أَوْلَادَكُمْ مِنْ إِمْلَاقٍ نَحْنُ نَرْزُقُكُمْ وَإِيَّاهُمْ ” (سورة الأنعام: 151).

2- “وَلَا تَقْتُلُوا أَوْلَادَكُمْ خَشْيَةَ إِمْلَاقٍ ۖ نَّحْنُ نَرْزُقُهُمْ وَإِيَّاكُمْ” (سورة الإسراء:31).

Aayadda hore waxay reebaysaa in ilmaha la dilo faqri jira awgina loo dilo, Ilaahay wuxuu balan-qaadayaa in uu irsaaqayo waalidkaas faqiirka ah iyo ilmihiisa. Aayadda labaad waxay reebaysaa in ilmaha loo dilo faqri mustaqbalka laga baqayo, sidoo kale Ilaahay wuxuu balan-qaadayaa in uu irsaaqi doono ilmaha yar ee faqriga looga cabsida qabo iyo waalidkiba.

Su’aasha ina hor-taal ayaa ah dilliinka ilmaha qaabab caynkee ah ayuu yeelan karaa? Dilku waa ruux goyn, waxaana lagula kacaa noole ay ruuxi ku jirto, ma jiro dil loo gaysto ma-noole, luuqad ahaan iyo curfi ahaanna dilka looma isticmaalo waxyeelada loo gaysto wax aan noolayn.

Hadaba caadi ahaan dilka ilmuhu laba suurad ayuu leeyahay:

1) in la dilo marka uu dhasho kadib intuu doono ha jiree.

2) In la soo rido (abortion) marka uu uunmo oo uu afar bilood dhaafo kadib.

Labadaas habba in ilmaha loo dilo iyada oo laga cararayo amaba la iskaga furanayo faqri jira ama mid laga cabsi qabo ma banaana, waana fal dambiyeed fool xun diinta Islaamkana ku xariman, labada aayad ee kor ku xusanna ay si cad u xarimayaan.

Cabsida faqriga laga qabo ma aha in ay gaarto heer ilmaha loo dilo, noloshu waxay ku kala socotaa waa dhaqaale, hadii aadan dhaqaale hayn waxaa kuu furan inaad marka hore ka fiirsato guurka ama dhalmada, hadii aad go’aanka ah inaadan waxba dhalin qaadato cidna wax kuuma haysato aayadahanna ku qaban mayaan, maxaa yeelay in wax la dhalo meel la inoogu waajibiyay ma jirto, balse tan aan marna kuu furnayn waa in aad nolol u goyso cidhiidh irsaqadeed kugu yimaada oo aad ka baqsan tahay darti.

Dadka qaar baa isku khalda in qofku uu noloshiisa qaabeeyo, qoyskiisana uu qorshe dhalmo u sameeyo oo “family planning” uu samaysto iyo in ilmaha faqri awadi loo dilo, waxay aayadahaan u daliilsadaan in cilmiyaynta dhalmadu ay reeban tahay, balse waxaa ka hoos baxsan in midka guurkaba iska daayay intuu takaaliifta qoyska cuslaystay – kaas oo aysan dambiile u arag – iyo midka qoyska sameeyay oo wax dhalaya ee kaliya maareeyay nolosha qoyskiisa uu kan dambe saxnimada iyo hiilada nolosha u dhowyahay.

Qofka guurka iskaga daayay awood li’i iyo tabar yari dhaqaale oo haysa awgeed ma jirto ceebayn iyo canaan dushiisa saaran, mana aha qof aaminaad xun oo faqri awadi buu u guursan waayay loo ceebaynayo, maxaa yeelay mas’uuliyad walba awood iyo karti lagu qabto ayay u baahan tahay, qofkii aan kartideeda lahaynna waa in uu ka joogaa mas’uuliyadaas qaadideeda.

Qofka leh awood dhaqaale iyo karti qofeed oo xadidan taas oo cabirka aysiinayso uga tilmaan qaadanaya xadiga uu is leeyahay mas’uuliyadooda ayaad ka soo bixi kartaa waa doorasho u furan in uu qorsheeyo inta qoys ama ilmood ee uu inuu korsado isku dayayo hadii uu jaangoynteeda uu suurta galin karo, nin baan hal xaas ka badin karin, waalid baan caruur badan korin karin, mid kalaa korin kara, dhamaan iyaga oo eegaya awoodooda dhaqaale iyo tabartooda qofeed waxay jaangoyn karaan hadba inta tabartoodu tahay, jaangoyntuna waa mid siyaaba badan ku imaan karta.

Waxaan marna xidhiidh lahayn qofku in uu ku go’aan qaato awoodiisa dhaqaale iyo mida qofeed ee u gaarka ah iyo ilmaha oo faqri ka baqasho loo dilo. Sidoo kale waxaan marna isku mid noqon karin ilmaha oo marka la dhalo la dilo iyo go’aan ka gaadhida dhalidooda oo marka horaba go’aan laga qaato. Xaaladaha dhaqaale in la tixgaliyo waxna la qaymeeyo iyo in dambi loo galo faqri baan ahay ama noqonayaa way kala duwan tahay dhanka sharciga, waana labo mas’alo oo aan shuqul isku lahayn.

Hadaba in dhalmada la cilmiyeeyo qofkuna uu dookhiisa ku saleeyo go’aanada qaabaynaya natiijada guurkiisa isaga oo isticmaalaya hadba tas-hiilaadka uu heli karo waa dariiq furan xidhiidhna aan la lahayn mawduuca aayadaha kor ku xusan.

Waagii hore xilligii Nabiga (SCW) waxaa jiray habab bidaa’i ah oo marka uu qoysku doonayo in uu dhaqmo uusanna tarmin ay adeegsan jireen, habka ugu caansan hababkii hore carabiga waxaa lagu dhahaa “Cazli” oo macneheedu yahay in biyaha taranka dibada lagu daadiyo oo laga ilaaliyo halkii ay isla falgalka ku samayn lahaayeen.

Sida muuqata dadkaasi habka ugu fudud ee ay “family planning” ku samayn kareen ayay ahayd sidaasi, hadii ay hab ka dhib yar dantoodana u sahlaya ay heli lahaayeen way isticmaali lahaayeen, maanta waxaa jira dawooyin iyo habab casri ah oo qofkii u baahan uu ku xakamayn karo taranka iyo hanaanka qoyskiisa, hadaba qofkii isticmaala hanaan uu dantiisa ku gaarayo talo caafimaad oo lagu kalsoonyahayna haysta ma jiro xakame celinaya.

1- “وَلَا تَقْتُلُوا أَوْلَادَكُمْ مِنْ إِمْلَاقٍ نَحْنُ نَرْزُقُكُمْ وَإِيَّاهُمْ ” (سورة الأنعام: 151).
2- “وَلَا تَقْتُلُوا أَوْلَادَكُمْ خَشْيَةَ إِمْلَاقٍ ۖ نَّحْنُ نَرْزُقُهُمْ وَإِيَّاكُمْ” (سورة الإسراء:31).

Duruufaha aan la noolnahay iyo awoodaha aan haysano inaan qaymeyno, deetana aan wax ku qaadano qorshayaasheena ku salayno waa xikmad noloshu u baahan tahay ee ma aha caqiido xumo iyo caqli yari.

Inaad caruur iska dhasho, lamaanayaal badanna dayacdo ma garan karo sida uu qalbigaagu ugu samaanayo adiga oo isku qancinaya tarankaa badanaya faqri in laga baqana ma aha, halka aad cambaaraynaysid midka awoodiisa aqoonsaday qorshe uu ka bixi karana dagsaday!

Sida aan ugu baahannahay inaan maamulida xooleheena iyo hantideena aan u cilmiyayno si lamid ah ama ka sii muhiimsan ayaan ugu baahannahay inaan u cilmiyayno dhaqida qoyskeena, guurka oo uu qoysku ka bilowdo ilaa ilmaha ugu yar uu ka qaangaarayo waa in uu dagsan yahay qofka qoyska samaysanaya qorshe cilmi iyo aqoon waaqic ah ku dhisan oo ay nolosha qoysku ku socoto, ilmo hooyada iyo aabaha dhalaya laga fiirsaday, duruufaha ku xeeran dhalidooda loo eegay, barbaarintooda loo meel dayay, tabac iyo toostoosin la galiyay yaraantooda, tacliin iyo waxbarashana lagu daray ayaa bulsha fiican ka imaan kartaa.

Qoyska oo ah asaaska bulshada in badanna ay diinteeno muhiimad gaar ah siisay, axkaam iyo shuruuc badanna ay u dajisay si uu asaas adag ugu dhismo waxaa kamid ay ah waxyaabaha tixgalinta la siiyay dhaqaalaha iyo awooda uu qofka qoyska samaynaya u leeyahay maamulka iyo maaraynta shu’uunta qoyska, qofka aan haysan hanti uu ku guursado in uu iska sabro oo uusan guursan masuuliyad ka waynna uusan qaadin ayaa tala lagu siinayaa:

“وَلْيَسْتَعْفِفِ الَّذِينَ لَا يَجِدُونَ نِكَاحًا حَتَّىٰ يُغْنِيَهُمُ اللَّهُ مِن فَضْلِهِ”.

Dhinacyo badan marka aad ka eegto tacliimaadka diinta Islaamka ee qoyska quseesa waxaad dareemaysaa in qofka looga baahan yahay had iyo jeer in uu qoyskiisu noqdo mid qorshe iyo masuuliyad ku dhisan, dayaca iyo dinib-daabyadana diintu aad bay uga soo horjeedaa marna lama ogolo, waana sababta ka dambaysa in guurku xaalad xaaraan qofka ka noqdo, xaaladna uu noqdo mid aan haboonayn, xaalad kalana uu banaanaado, dhammaan xaaladaha kala duwan ee uu guurku axkaamta kala duwan leeyahay waxaa la tixgalinayaa dhowr cunsur (factors) oo dhaqaaluhu “number one” u yahay.

Facebook Comments