Ilaa iyo waayo hore waxaa jirey alaab dhadhankoodu xaamud yahay, waxaana kamid ahaa alaabtaas cinabka ceydhiin, liinta, khalka iyo caanaha suusaca ah. Qarniyo kooban dabadeed walaxda keenaysa dhadhankaas xaamudka ah ayaa loobixiyey  isku dhisyada Asiidh. Isku dhisyadaas magacooda waxaa laga sooqaatay magaca laatiiniga ah “acidium” oo loo akhriyo asiidhuyam, macnaheeduna yahay dhadhan kulul.

Asiidhyo: ururka ugu muhiimsan kiimikooyinka ayaa loogu yeeraa asiidho. Asiidhasaas oo waraaqda litmaska kadhigaya casaan ama guduud, taas oo kadhigan in PH koodu ka hooseeyo 7.

Asiidhada caanka ah:

Asiidhada caanka ah ee inta badan kemisteriga aad kula kulmaysid waxaa ka mid ah:

  1. Haydarokoloorik asiidh HCl(aq)
  2. Sulfuyuuric asiidh H2SO4(aq)
  3. Nitric asiidh              HNO3(aq)
  4. Ithoonic asiidh   CH3COOH(aq)

Laakiin waxaa jira asiidho kale oo badan tusaale ahaan liin dhanaanta waxa ay ka kooban tahay sitrik asiidh, sidoo kalena cabitaanada soodhaha ah sida 7UPka, faantada, isbaraytka iyo kuwa lamidka ah ba waxa ay ka kooban yahiin kaarboonik asiidh, kaas oo samaysma marka kaaboon lagu milo biyo.

Qaar kamida asiidhada iyo halka laga helo:

Magaca Meesha laga helo
Sitrik asiidh Waxaa laga helaa qudaarta ay kamid tahay liinta macaan iyo liin dhanaanta
Tartaric  asiidh Waxaa laga helaa liin bambeelmada ama gareebka
Laktik asiidh Waxaa laga helaa caanaha dhanaan
Ithoonik asiidh Waxaa laga helaa quraanjada iyo shinida
Kaarboonik asiidh Waxaa laga helaa cabitaanada soodhaha leh
Taanik asiidh Waxaa laga helaa shaaha

 

Waxa jira sadex  abla ablayn oo loo kala saaro Asiidhada iyo baysyada. Qeexitaanka Arrhenius ee dhigaya in Asiidhadu soo saarto H+, halka baysyadu ay soosaaraan OH. Aragtidan waxaa sameeyey Svante Arrhenius 1883kii. Kadib, waxaa la soosaaray labo aragtiyood oo kadambeyey, waxayna kala ahaayeen  Brønsted-Lowry iyo qeexitaankii Lewis ee Asiidhada.

Asiidhada iyo baysyada waa milan kaasoo kadhexjiri kara iskudarkasta. Badanaaba, dareere kasta ee aan lakulano nolosheeda waxa uu leeyahay sifooyinka asiidh ama bays, marka laga reebo biyaha.

 

Fikirka  Arrhenius ee aashitada iyo bays_yada

1883tii aqoonyahanka kiimikada ee reer iswidhan   Svante Arrhenius waxa uu soo hindisay labo sifood oo ay ka kooban yihiin isku dhafku oo uu ku tilmaamay asiidho iyo bays_yo. Marka lagu milo biyaha , waxay aayonada qaarkood kudarayaan milanka. 

Asiidhyada arhiiiniyos: waa isku dhafka kaa oo siyaadiya dharagsanaanta haydarojiinka (H+) jooga marka lagu diro biyaha. Haydarojiinada (H+) waxay samaysmayaan marka biyo lagu daro (H3O+). Nidaamkan waxaa matalaya isla’egta kiimiko marka falgalayaasha lagu daro biyo:-

HCl(aq) →H+(aq)+Cl(aq).

Falgalkan, haydarokoloorik asiidhku waxa uu sidhamaystiran ugu kala jabayaa H+ iyo Cl- marka lagu daro biyo. Waxaana samaysmaya haydarooniyom aaayon:

HCl(aq) + H2O(l) → H3O+(aq) + Cl(aq).

Firkada Arrhenius waxay kuguulaysatay sida asiidhyada iyo bays_yada ay iskula falgalaan ayagoo samaynaya cusbo iyo biyo. Sikastaba,  ma uusan qeexin sababta  walxaha aan ka koobnayn haydaro oksidhiska ay ugu sameeyan biyaha iskudar bays ah, tusaale : 

F iyo NO−2 

Bayska arhiiiniyos: waa isku dhafka kaasoo siyaadiya dharagsanaanta haydarokisijiinka (OH) jooga marka lagu diro biyaha.

NaOH(aq) → Na+(aq) + OH(aq),

Falgalkan,  soodiyoom haydarosaydh (NaOH) waxay ukala burburaysaa  soodiyoom )  (Na+) iyo haydaroksaydh (OH) marka lagu daro biyo.

Baysyadu waxa ay waraaqda litmas ka dhigaan buluug, taas oo kadhigan in PH koodu uu kasareeyo 7.

Beysyada caanka ah:

  1. Botaashiyom haydaroksaydh (KOH)
  2. Soodiyom haydaroksaydh (NaOH)
  3. Amooniya (NH3)
  4. Soodiyom Haydaraydh (NaH)
Facebook Comments