Maatarku waa waxkasta oo leh cuf iyo culays, meel marana buuxinkara, taas oo ka dhigaysa in maatarka oo dhami uu lee yahay ama ka siman yahay labadaas astaamood. Sidaa awgeed wixii aan lahayn astaamahaas uguma aan yeeri karno maatar tusaale, kulka, jabaqda, ilayska iyo iwm. Hadii aad ufiirsato kuwaas waxaa ogaanaysaa in ay yihiin tamarro kala duwan.

Inkastoo maatarka oo dhami uu ka siman yahay labadaas astaamood hadana ma ahan mid walaxaha muuqoodu uu yahay kuwo isku mid ah, waayo waxa aad arkaysaa walxo iswada haysta oo adag sida dhagaxa, qalinka, buugga, iwm. Sidoo kale waxaa arkaysaa walxo dareere ah oo hoora hadii meel kala dheer ladhigo ama lagu shubo tusaale, biyaha, saliida, iwm. Sidoo kale walxaha qaar waa kuwo aan la arki karin oo neef ah laakiin ladareemi karo sida hawada.

Biyuhu waxa ay qaadan karaan sadexda waji ee maatarka tusaale, barafka waa adke, hadii la kululeeyo waxa uu noqonayaa biyo hoore ah, hadii lasii kululeeyo waxa uu noqonayaa uumi aan la arki karin sida neefta.

Sidaas aan soo sharaxnay maatarku waxa uu qaadan karaa sadex waji oo kaliya (adke, hoore iyo neef).

Adke:

Adke, walaxda adkaha ahi ee heer kul sugan waxa ay leedahay mug iyo qaab go’an waxaana saamaynaya heerkulka. Hadii si aayar ah loo siyaadiyo heerkulka walaxda adkeha ah waa ay fidaysaa sidoo kale hadii heerkulka la yareeyana waa ay isku soo ururaysaa.

Hoore:

Hoore, walaxda hooraha ah ee heer kul sugan waxa ay leedahay mug go’an waxa ayna qaadanaysaa qaabka shayga ay kujirto sida adkaha oo kale ayuuna kulku usaamaynayaa.

Neef:

Neef, walaxda neeftada ah ee heer kul sugan, malahan mug go’an iyo qaab go’an, waxa ayna qaadanaysaa qaabka shayga ay ku jirto waxayna kufaafaysaa dhamaan gudaha weelka ay kujirto.

Aragtida guud ee maatarka:

Maatarka oo dhan waxa uu ka samaysan yahay qurubyo yaryar oo saxarro soconaya oo il-maragtay ah. Walxaha kala duwan waxa ay ka samaysan yihiin saxarro kala duwan (atamyo, malikuyuulo ama aayoono) kuwaas oo leh cabiro kala duwan.

Saxarrada dhamaan waxa ay kujiraan socod dhaqdhaqaaq markasta, hadii heer kulka lasiyaadiyo socodka ama dhaqdhaqaaqa saxarada waa uu siyaadayaa. Saxarrada culusi waa ay ka socod yar yihiin saxarrada fudud marka heer kulku wuu yahay isku mid.

Isbarbardhiga wajiyada maatarka:

Neef Hoore Adke
Waxa uu qaataa qaabka iyo muga shayga uu kujiro Waxa uu qaataa qaabka weelka inta uu uga jiro Wuxuu ahaadaa markasta mug iyo qaab go’an
Waa la cadaadin karaa Ma fududa in la cadaadiyo Ma fududa in la cadaadiyo
Waa ay fududahay in ay socdaan Waa ay fududahay in ay socdaan Ma fududa in ay socdaan
Saxarrada neeftu waa ay kala fog fog yihiin Saxarrada hooru waa ay isku dhowyihiin Saxarrada adkuhu waa ay isku dhagan yihiin

 

Facebook Comments