Dhammaan mas’alooyinka doodaha ka dhexdhaliya qawaaniinta ummadaha ay samaystaan kuna dhaqmaan inta badanna gender-ka xidhiidhka la leh ma aha doodahaasi kuwa iska samaysma, ee waa dood ku qotonta fikrado kala duwan oo saamayn ku leh qawaaniintaas, tusaale ahaan ciqaabaadka adag ee Islaamka (xuduuda), qaybta dhaxalka ragga iyo dumarka, isla guursashada dumar badan iwm, waa mas’alooyin doodo ka jiraan qawaaniintuna ku kala duwan tahay.

Kala duwanaanshahaasina waa mid ku salaysan afkaar qawaaniintaas lagu saleeyay, qofkii raba marka inuu wax ka ogaado arrimahan ama doonaya inuu daraaseeyo waa in uu daraaseeyaa afkaarta keentay kala duwanaanshaha iyagana uu qaymeeyaa xadiga saxnaansho ama saxnaasha la,aan ee mid walba, inta uusan ka hadlin qawaaniintii ama mas’alooyonkii ka dhashay afkaarta.

Qadiyada dumarka ama sinnaanta ragga iyo dumarka waa qadiyad ay doodeedu ku dhisan tahay afkaar kala gedisan oo is haysa, marar badanna waa qadiyad la siyaasadeeyo ama la maslaxeeyo waa haddii aan si kale u dhahnee, waa marka ay jiraan danno gaar ah oo in lagu gaaro looga gonleeyahay, maqaalkan waxaan rabaa inaan wax yar ka iftiimiyo afkaarta ay doodahaasi cuskanyihiin qawaaniinta kala gedisanna ay salka ku hayaan.

Xaqiiqo miyaa in dumarka Afrikaanka yihiin dumarka ugu dulman dunida?
Islaamku ragga wuxuu saaray maamulkii guriga, dhaqaalaha reerku u baahan yahay (biil) iwm, gabadhiina waxaa la saaray daryeelidda iyo barbaarinta jiilka curdunka ah, markaan sharci dajintaan eegno waxaan si fudud uga dheehan karnaa mudnaanta iyo tix galinta la siiyay qof walba awoodihiisa abuuritaan. Wax walba oo kala duwanaansho sharci ay ka muuqato oo sharciga Islaamka la xidhiidha wuxuu ku salaysan yahay kala duwanaanshaha abuuritaanka ama awoodda ee uu labada jinsi mid walba gaarka u leeyahay.

Qadiyada haweentu waa qadiyad doodeedu dheertahay, laga soo bilaabo taariikhaha aynu hayno waxa jirtay muran iyo madmadow hareeyay arrintan iyada ah, waxaynu ognahay rag iyo dumar inay yihiin labada nooc ee bini’aadamku ka kooban yahay, waxaan shaki ku jirin bini’aadamnimada labadooda, hasayeeshee nidaamyadii dunida soo maray ee dulmiga iyo ku tagri falka aadanaha xuquuqdiisa ku dhisnaan jiray hab-dhaqanadii uu lahaa ayaa reebay doodan, waxaa jirtay in bulshooyin iyo dawladdo nidaamyo soo jireena lahaa ay dumarka ku tagri faleen xuquuqdoodiina duudsiin jireen iyagoo caadooyin ama nidaamyo ku salaysan dulmigaas lahaa.

Nuurka Islaamku markii uu soo if-baxay ayay bashariyadu wada heshay cadaalad iyo naruuro, qof walba wuxuu helay wixii uu xaqqa u lahaa, dumarku waxay heleen wixii mudda dheer ay sugayeen ee ahaa in ay mar ka xoroobaan dulmigii qorshaysnaa ee taariikhda dheer soo cusleeyay. Iyadoo taasi jirto ayaan haddana wali aysan dhamaan doodii iyo ka hadalkii qadiyada haweenta.

Maanta oo aan joogno waxaa jira kuwa iyaguna doonaya in ay ka faa’iidaystaan si aan cadaalad ahayna u sawiraan qadiyada dumarka si ay u gaaraan dano iyo damac naftoodu u suuradaysay, maanta bini’aadamku dhan walba hormar ayuu ka sameeyay xitaa xeeladaha uu adeegsado iyo hab fakarkiisa wax wayn ayaa u kordhay.

Innagoo arintaas maanka ku hayna ayaan arkaynaa in kuwa maanta doonaya in ay ka dhigtaan arinta dumarka mid lagu awr kacsado laguna gaaro dano siyaasadeed ama danna kalaba, waxay adeegsanayaan xeelad iyo xariiftan ka duwan qaabkii kuwii hore ee nacasnimadu ka muuqatay, maanta waxay adeegsadaan hal ku dhigyo qurxoon dad badana soo jiidanaya marka hore na ay ka muuqanayso turriinsho iyo naxariis dusha saraa bal se naar iyo hoog ah marka aynu gudaha eegno, waxaa ugu mugwayn hal ku dhigyadaas “sinnaanta ragga iyo dumarka” oo ay ugu yeeraan “gender balance or gender equality”.

Waxaa xaqiiqo ah dumarku cadaalad in ay u baahan yihiin sidda qof walba uu ugu baahan yahay, laakiin se waxaa in la fahmo u baahan in dumarku aysan sinnaan u baahnayn, waxaan doonayaa inaad si wanaagsan u kala garato sinnaan iyo cadaalad, calaadadu waa in qof walba uu helo waxa uu mudan yahay munaasabkana ku ah marka la eego dhammaan waxa mudnaanta leh, cadaaladu waa in la simaa wixii isku mid ah, waana in la kala duwaa wixii kala duwan. Sinnaantuna waa in la simo wixii sinnaa iyo wixii aan sinaynba iyadoo indhaha laga laabanayo dhamaan/qayb wixii mudnaanta lahaa marka ay sinnaan ama kala duwanaan ay joogto.

Waxaa jira sadex aragti oo qadiyadda dumarka ku aadan, haddii aan kuu soo koobo waxay kala yihiin:

A= Aragtida ah kala saraynta ragga iyo dumarka, aragtidaan waxay qabtaa in raggu uu sarreeyo kana xuquuq badan yahay dumarka, aragtidaan bulshooyinkii ku dhaqmay iyo nidaamyadii adeegsaday dhexdooda hawayntu waxay la mid ahayd alaabta ninka gacanta ugu jirta oo uu u siticmaalo danihiisa mana lahayn xuquuq dhamays tiran.

B= Aragtida ah sinnaanta ragga iyo dumarka, dumarku ragga waxay kala siman yihiin dhamaan xuquuqda iyo waajibaadka, wax walba oo uu ninku sameeyo waa in hawaynaydana ay qabataa si ay u hesho xuquuq buuxda, sidda fikraddan ka muuqata waxay jawaab celin u tahay fikradda hore.

C= Ragga iyo dumarku waxna way ka siman yihiin waxna way ku kala duwan yihiin, kala duwanaanshahooduna ma aha mid is burinaya oo iska hor imaad iyo is hagardaamayn ah ee waa kala duwanaansho nolosha iyo jiritaanka dan u ah is dhamaystirna ku dhisan sidda habeenka iyo maalinta kala duwanaanshahoodu isu dhamaystiro loogana faa’iido mid walba markiisa, aragtidan waxay qabtaa in xuquuqda iyo waajibaadka ay kala yeelanayaan ragga iyo dumarka lagu saleeyo xaqiiqadaas lagama gudbaanka ah, oo laga simo wixii ay ka siman yihiin laguna kala duwo wixii ay ku kala duwan yihiin.

Marka aad eegto sadexda aragti, dibna aad u eegto xaqiiqooyinka aad ka dheehan karto jiritaanka nolosha iyo kan aadanahaba waxaad qaymayn madax banaan ku samayn kartaa aragtiyahaas waxaadna gaari kartaa runta.

Aragtida hore haddii aan faalaqayno waxaa cad in caqligeenu diidayo kala sarrayn iyo kala duwanaansho aan xad lahayn in uu ka dhex jiro ragga iyo dumarka, waxaan ognahay in ragga iyo dumarku inta ay wadaagaan ay ka badan tahay kana xoog badan tahay inta ay ku kala duwan yihiin, waxay wadaagaan bini’aadamnimada, caqliga, kasabka, aaminaada (diin qaadasho), iwm, waxay si isku mid ah uga wada qayb qaataan sii jiritaanka nooca aadanaha, waxaa cad in aysan sax ahayn in la dafiro waxaasoo dhan oo ay dumarku ragga kala siman yihiin, caqliguna ma yeelayo in dumarka laga dhigto wax la leeyahay ama aan xuquuq lahayn iyada oo la eegayo waxayaabaha yar ee ay ku kala duwan yihiin ragga iyo dumarku.

Aragtida xigta waxay ka soo horjeedaa aragtida hore, waxay burinaysaa aragtidaas fikirka ay ku dhisan tahay ee xag jirka ah, waxay leedahay ragga iyo dumarku waa bini’aadam isku mid ah, waana inaan halkaas loo dhaafin, dhamaan xuquuqda iyo waajibaadka saarana way ka siman yihiin.

Aragtidaan waxaa u muuqday dulmiga iyo foolxumada aragtida hore, waxay arkeen xadgudubka aan caqliga ku salaysnayn ee bulshooyonkaasi ama nidaamyadaasi dumarka u gaysteen, bal se waxaysan eegin kala duwanaanshaha jira ee u dhexeeya ragga iyo dumarka ee ah kala duwanaansho abuuritaanka la xidhiidha, sidda awoodda caqli iyo midda caadifadeed, iyo awoodda jir ee murqo iyo lafaba leh.

Waxay gabadhii saareen waajibaad u dhigma kan ragga mana u tixgalin wax kala duwanaanshaa, waxay dheheen waa in ay qabato wax walba uu ninku qabto si ay xaq ugu yeelato wax walba oo ninku xaq u leeyahay, siddaas ayay dumarkii ugaliyeen dulmi kii hore la mid ah ama ka sii xoogbadan, kii hore wuxuu ahaa dulmi ay habluhu dareensanaayeen doonayeena inay ka baxaan, kan se waa dulmi korka ka dhaashan oo ay adagtahay in dad badan ku baraarugaan.

Marka aan eegno sidda fikraduhu isku naqdiyaan ma cusla inaan fahano fikradan inay siddan u abuuranto asbaabaha riixaya, fikrad walba oo xagjir ah marka dulmigeedu aadanaha uu cusleeyo waxaa samaysmata fikrad kale oo docda kale istaagta si ay middii hore xididada ugu siibto, waxaan se biyo kama dhibcaan ah in aynu mar walba qiyamka saxda ah iyo dhexdhexaadnimada aynu ka tagin oo aan wada tixgalino dhammaan waxyaabaha tixgalinta mudan ee labada qolaba in qayb kamid ah ay tixgalisay u muuqda.

Ragga iyo dumarku way ka siman yihiin dhamaan shuruucda la xidhiidha dhowrista karaamada bini’aadamka, lahaanshaha gaar ahaaneed, hanashada go,aannada nolosha, magaca iyo magac xumada ka dhalata camalka ama ciqaabta iyo abaalmarinta la xidhiidha wixii uu sameeyo qofku, dhammaan qawaaniinta qusaysa waxyaabaha labada dhinac ka midaysan yihiin waxaan ka arkaynaa sinnaan iyo kala saarid la’aan marka aynu shareecadeena suuban eegno, waana sidda cadaaladu tahay in lasimo wixii siman.

Fikradda sadexaad waa aragtida diinteena suuban ee “Islaamka”, dumarka iyo raggu waxay ka siman yihiin waxyaabo aad uwaawayn oo badan midkoodna midka kale uma noqon karo addoon oo kale midna midka kale ugama fadilna nooca uu yahay darti, waxaa ugu muhiimsan oo ay kasiman yihiin bini’aadam-nimada wax walba oo raggu ay bini’aadamnimo ku mutaystaan dumarkuna way leeyihiin dhanka kale haddii aan u dhignana waa lamid, siddoo kale waxay ka siman yihiin ka qayb qaadashada jiritaanka noloshan aadamiga iyo camirida iyo saamaynta arladaan aynu guudkeeda joogno, mid walba wuxuu xaq u leeyahay wixii uu kasbado aduun iyo aakhiraba inuu si madax banaan u yeesho abaal marin iyo ciqaab kii hadba ka dhasha, mid uga mas’uul ah kan kale howlahaas aan kor ku soo xusnay ma jiro.

Siddaas si lamid ah ayaa waxaa jira waxyaabo badan oo labada nooci ku kala duwan yihiin waxyaabahaasi ma aha wax kala qaybin iyo iska horkeen ka dhex abuuraya labada jinsi, waa kala duwanaansho abuuraya is qaadasho iyo is dhamaystir ka jiraya dhammaan dhinacyada nolosha, taas marka aad garato, waxaa garasho mudan kala duwanaanshahaasi waa in uu helaa tixgalintiisa marka ay joogto xuquuqda iyo waajibaadka qaanuuniga ah, sabatoo ah waxaan si wacan usoo garanay in sinnaantu aysan mar walba ahayn cadaalad, cadaaladuna tahay in wixii siman la simo wixii kala duwanna la kala duwo.

Ragga iyo dumarku way ka siman yihiin dhamaan shuruucda la xidhiidha dhowrista karaamada bini’aadamka, lahaanshaha gaar ahaaneed, hanashada go,aannada nolosha, magaca iyo magac xumada ka dhalata camalka ama ciqaabta iyo abaalmarinta la xidhiidha wixii uu sameeyo qofku, dhammaan qawaaniinta qusaysa waxyaabaha labada dhinac ka midaysan yihiin waxaan ka arkaynaa sinnaan iyo kala saarid la’aan marka aynu shareecadeena suuban eegno, waana sidda cadaaladu tahay in lasimo wixii siman.

Marka ay timaado waxyaabaha ay labada dhinac ku kala duwan yihiin, shareecadeenu way tixgalisay qofna lama saarin wax aysan awoodiisa caqli ama jir ahaaneed xamili karin, waxaa jira kala duwanaansho abuuritaan ah (biological difference) oo ragga iyo dumarka u dhexeeya, waxyaabaha cilmi ahaan loo ogaaday waxaa ka mid ah in dhanka caqliga iyo wax fog araga ragga uu ku badan yahay, halka caadifadda iyo raxmadu ay dumarka ku badan tahay.

Bulshooyinka oo dhan isku celcelis waxaa la ogaaday in raggu ay hablaha ka dheeryihiin joog ahaan 10cm, waxaa siddoo kale la ogaaday in murqaha raggu ka xoog badan yihiin kuwa dumarka 1/3, waxaa iyana iska cad waxyaabo badan oo farqi ah oo jira sidda uurka, dhalmada, wallaca, xilli kaleedka bisha oo dhamaantood dumarka u gaar ah lehna duruufo iyo xaalado nafsadeed iyo kuwa jir ahaaneedba oo tix galin mudan, hadaba kala duwananshahaas wuxuu ubaahan yahay tixgalin dhanka sharciga ah, gabadha waa inaan la saarin waajibaad tabarteeda ka wayn, siddoo kale waa in tixgalin la siiyaa xaaladaha iyo duruufaha u gaarka ah ee saamaynta leh.

Islaamku ragga wuxuu saaray maamulkii guriga, dhaqaalaha reerku u baahan yahay (biil) iwm, gabadhiina waxaa la saaray daryeelidda iyo barbaarinta jiilka curdunka ah, markaan sharci dajintaan eegno waxaan si fudud uga dheehan karnaa mudnaanta iyo tix galinta la siiyay qof walba awoodihiisa abuuritaan. Wax walba oo kala duwanaansho sharci ay ka muuqato oo sharciga Islaamka la xidhiidha wuxuu ku salaysan yahay kala duwanaanshaha abuuritaanka ama awoodda ee uu labada jinsi mid walba gaarka u leeyahay.

《أَلَا يَعْلَمُ مَنْ خَلَقَ وَهُوَ اللَّطِيفُ الْخَبِيرُ》

Facebook Comments