Sodonkii sano ee la soo dhaafay ee dalku burburka iyo dib u soo kabashada ku jiray waxaan u qaybin karnaa loolanka ka taagnaa dalkeena labo loolan oo mid walba waqti uu lahaa:

  1. Loolankii sokeeye: waxaa dalka isku haystay qabaa’ilka soomaalida, waxaa dhacayay dagaalo sokeeye oo aad u kharaar, waxaa jiray barakac iyo burbur baaxad leh, waxaa maalinba maalinta ka dambaysa sii dumayay intii ka harsanayd astaamihii qaranka.

Marxaladaas adag dawladdaha caalamka ee Soomaaliya daneeya iyo guud ahaanba Geeska Afrika waxay ahaayeen kuwa kor ka eegta sida wax u socdaan, la’na meel ay kala qabsadaan dadkan is cunaya, iyo kuwo ku dhex jiray oo siyaabo kala duwan dalka faraha ugula jiray, waxay ahaayeen qaar kaalmooyin siiya dadka tabaalaysan oo isku muujinayay inay yihiin dad soomaalida bani’aadamnimo ugu danqanaya si biri ay ugu noqoto abaal loo hayo.

Waxaa jiray kuwa siyaasad ahaan iskugu dayayay in ay dadka soomaalida iyo kooxohooda is haysta ay heshiisiiyaan iskuna soo dhaweeyaan oo shirar u qaban jiray, waxaa jiray dawladdo dalkaba yimid oo isku dayay in ay cudud ku xaliyaan mushkilada dalka oo milatari keenay.

Marxaladaas waxay ahayd marxalad laga fakarayay soomaali iyo shisheeyaba ay ku mashquulsanaayeen in la kala dhiciyo dadkan is cunaya iyo sidii meel un mar la iskugu keeni lahaa, taas wax badan ayay qaadatay, waxay hadba maalin meel harsataba maanta waxay maraysaa meel wanaagsan, dadka soomaaliyeedna waxay leeyihiin dawlad ay wada leeyihiin caalamkana laga ictiraafsan yahay, habacsanaan badanba ka iska jirtee.

  1. Loolanka dhanka siyaasada iyo dhaqaalaha lagu loolamayo oo gobalka oo idil si xoogan uga bilowday Soomaaliyana saamayn wayn ku yeeshay, markuu dalkeenii dagaalada sokeeye ka soo baxay, dib u soo kabashadana uu bilaabay wuxuu la kowsaday loolankan carcartiisa qaba, waa loolan aan qabaa’il soomaaliyeed ka dhaxayn ee ka dhexeeya dawladdo shisheeye oo tartan ugu jira khayraadka gobalka iyo sidii ay saamayn ugu yeelan lahaayeen Geeska Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Waxaa wada kowsaday danaha shisheeye ee is diidan ama is riixriixaya ee gobalka soo food saaray iyo innagii oo dawladeenii aysan wali cagaheeda si dhab ah ugu istaagin, waxaa dhacay in aan siyaasad ahaan wareer galno oo ay ina harqiyaan hirar ina ka waawayn oo aan wacyi ahaan iyo aqoon ahaan iyo nidaan ahaan midna aynaan ugu diyaarsaneen ka hortagooda.

Dawladdii oo kabkab ku jirta ayaa hadba dhan waxaa ka soo galaya dawlad hor leh oo qorsheheeda iyo danteeda wadata, waad dareemi kartaa dawlad aan tabar lahayn dalkeeda iyo dadkeeduba hada ay burburkii ka soo baxayaan walina aan si dhamays tiran aysan isku raacsanayn sida ay ugu dhex maanshoon karto loolan caalami ah oo kan Geeska Afrika ka jira oo kale ah.

Hada Soomaaliya waxaa ka jirta dawlad la aqoonsan yahay caalamkuna uu rumaysan yahay in cilaaqaad iyo heshiisyaba lala yeelan karo sidaas awgeed ayay dawlad walba isugu dayin in ay kuwa kale kaga hormarto maalgashiga iyo heshiisyada wax ku oolka ah ee dalkaan dihin lala yeelanayo, waxaa saf dheer soo galay dawladihii intii uu dalku burbursanaa gacanta kula jiray oo Soomaaliya taladeeda wax ku lahaa iyo kuwii danaynayay ee uu burburkii jiray marxaladihii murugsanaa ay jaanis u siin waayeen in ay Soomaaliya meel un kala lug xirtaan.

Waa wax fiican in Soomaaliya maanta ay tahay dal dawladeeda la ictiraafsan yahay, maalgashi in ay ku samaystaana ay dawladdo badan ka rajaqabaan, balse halka uu walaacu ka jiro ayaa ah innaga oo wali aan qaan-gaar noqon wacyigeena dawladnimana uusan bislayn, taas oo sabab u noqon karta in marxaladaan cusub ay iyana mushkilad kale oo tii dagaaladii sokeeye oo kalaa cagaha inoo galiso, waayo waxaa loo baahan yahay siyaasad iyo qorshe qaran oo u dhigma kan dawladaha inoo imaanaya ay leeyihiin inaan leenahay si aynu u noqono dad si siman wax u wada wadaagi kara, waxaan u baahanahay inaan ka fakarno sidii aan qorshe qaran iyo dawladnimo dhab ah u dhisan lahayn si aan ula jaan qaadno marxalada hada aynu joogno.

= Maanta ma aha maalintii qabaa’il Soomaaliyeed dib u heshiisiin loo qaban lahaa, maanta ma aha maalintii aan ka fakari lahayn sidee colaadaha sokeeye loo soo afmeeraa, maanta waa maalintii aan dawlad wanaagsan dhisan lahayn, maanta waa maalintii aan qorshe qaran yeelan lahayn, maanta waa maalintii aan istiraatiijiyad ummadeed dhigan lahayn, maanta waa maalintaan asaageen wax la qaybsan lahayn, maanta waa maalintaan maslaxadaha gobalka aan teena ka ilaashan lahayn loolanka taaganna aan hab ula macaamil dagsan yeelan lahayn.

Waa inaan kor eegnaa meesha aan hadba joognana aan wax ka sii wadnaa, ma aha wixii shalay dhamaaday inaan maanta dib usoo cusboonaysiinaa, waxa maanta taagan waa inaan wax ka qabanaa. Dalku hugaan wacan ayuu u baahan yahay, dadkuna wacyi iyo aqoon wax-tarleh ayay rabaan, markaan intaas helno ayaan hormar gaaraynaa, dadyowga kalana si wacan wax u wadaagaynaa ulana tartamaynaa.

Facebook Comments