Rer banii israa’iil waxa ay ahayeen dadkii ama bulshadii  uu Allah usoo direy Nabi Muuse Cs, taariiq-yanahadda qaarna waxa ay sheegaan in ay asal ahaan kasoo farcameen Nabi yacquub Cs.

Waxa ay ku caan baxeen madax addeeg iyo xaqa oo la diido, mar walibo oo xaqa loo sheegana ma aysan qaaddan jirin,mararka qaarna diidmo iyo dil ayey isugu dari jireen Anbiyadda uu Allah u soo diray.

Waxaa uu Allah ku yiri Magaaladda gali idinka oo sajuudsan madax-addayg waxa ay ka qabaan magaaladii waxa ay galeen ayagga oo salka ku siqaayo!!!

Waxa ay nabi Muuse Cs ku dhehen ma rumeynaynno  Allaah in aan aragnno mooyee. Mar waliba oo xaqa loo sheegana waxa ay kasii  qaaddi jireen kibir.

Mar waliba oo ay Allah ballan la galaana waa ay ka bixi jireen, Wax-yaallaha la yaabka leh ee ummaadas lagu arkay ayaa waxa ay aheyd ayagoo xaqa diidan inay haddana dhihi jireen anagga naarta nama taabanayso, maalmo qura ma ogiye subxaanlaah!!!.

Rer banii israa’iil waxaa la siiyey xujooyin cad cad waxaana kamid ahaa xujooyinka la siiyey:

Samada ayaa looga soo dajin jirey  shibira duban iyo malab diyaarsan mar waliba oo ay baahdaan. Nabi muuse cs waxaa ay ku dheheen kuma samri karno hal cunno oo kali ah.

Waxaa laga badbaadiyey halaagii fircoon,badda ayuuna Allah  u kale jeexay si u maraan ayagoo nabad qabo.

Waxaa dushooda la keenay buurtii siinaay, oo ku taall meel xogaa kadurugsaneyd meesha ay joogeen, Waxaana lagu amaray kitaabka in awood ku qaaddaataan.

Waxaa Uu Allah  soo nooleyey qof ayaga kamid ahaa Ee dhintay,si loo dareensiyo in uu Allah waxna dilo waxna soo nooleeyo.

Waxa ay aaheyeen Umad Allah ka doortay Caalamka markaa jirey waxa ayna ku badasheen doorashadii Rabigooda Carrada Ilaahay iyo cadaab kulul Subxaanaah.

Tani waxa ay noo tahay cibro ummadda hadda joogta waxaa ugu kheyr badan ummadda Nabi Muxamed NNKH, waana umada wanaaga isku sheegta xumaha  iska reebta.

 Ogowse haddii aan sifaada ka baxnno doorashadeenna ma wanaagsaneyso natiijadana mid lagu farxo ma naqon doonta.

Walaallayaal aan nooleynno  sunnada, qur’aankana aan  aqrinno  kuna camal falnno.

 

Facebook Comments