Fahamka Diinta Islaamka waxa ay soo shaac baxday xilligii Suubanaheenna NNKH, waana waqtigii uu soo daggaayey xukunadda Shareecadda Islaamka. Subanaheenna NNKH  waxa uu ahaa mid u caddeyo dadka  xukunadda Islaamka iyo sharuudahooda. Waliba waxa uu ku xoojin jirey  hadal ama ficil uu sameeyo.

Ka dib waxaa soo baaxay goobo lagu barto fahamka ku dhaqanka shareecada islaamka sababo la xariiro hormarka nolosha iyo baahi weyn oo loo qabay in la caddeeyo arimo soo ifbaxay,ayadoo waliba xukunadda lagala soo baxaaya Qur’aanka iyo Sunnada Subanaheenna NNKH.

Ugu danbeyntii waaxaa soo caan baxay Afar Mad-hab ee laga qaaddanayo fahamka iyo ku dhaqanka shareecada waxa ayna kale yihiin:

Mad-habka Xanafiyadda oo uu imaankeeda yahay Abuu Xanifaha Al Nucmaan waxa uuna ku aas-aasay mad-habkaan Waddanka Ciraaq gaar ahaan Caasimadiisa Baqdaad.

Mad-habkaan waxa uu caan ku yahay oon loo yaqaan mad-habka fikraka u saaxiibka ah  (اهل الراى ) Mad-habkaan waxaa asal ah oo uu imaaamka kale soo baxay:

Kitaabka Qur’aanka.

Sunadda Subanaheenna NNKH.

Asxaabta Nabiga NNKH  xukunno ay  isku waafaqeen oo aan laga helin kitaabka iyo sunadda.

Qiyaas oo ah xukun horey aan loo aragg.

Ansixin uu kale soo baxay Imaamka qiyaasta iyo xukunada ee ay isku waafaqeen Asxaabtii Subanaheenna NNKH.

Sidoo kale waxaa uu asal ugu dhigay waxa ay isku waafaqeen dadka caqliga leh oo aan qilaafeyn Shareecada islaamka waxaana afka carabiga lagu dhahaa curfi ( العرف)).

Mad-habka Maalikiyadda oo uu imaamkeeda yahay imaam Maalik binu Anas,waxaa ku aas-aasay madhabkaan xijas gaar ahaan Magaladda  Madiina.

Imaam Maalik  waxa uu madhabkiisaan asal ugu dhigay:

Kitaanka Qur’aanka.

Sunadda Suubanaheenna NNKH.

Xukundda ay asxaabta Subanaheenna NNKH isku waafaqeen.

Qiyaaso oo aha xukun horey aan loo aragg. iyo

Shaqooyinkii dadkii madiina daganaa, Imaamka qodabkaan Madhabkiisa gaar ayuu la yahay,oo imaamka waxa uu qabay fikrad ah dadka madiina daggan in ay ka fadli badan yihiin dadka kale ah.

Sidoo kale waxa uu mad-habkaan asal ugu dhigay  Hadaladii Asxaabta nabigga  Allah raali noqo dhammaantod.iyo

Sharciyaddii Dadkii naga horeyey oo aan  qur’aanka lagu nasaqin.

Mad-habk Shaaficiyadda oo uu imaamkeedi yahay Imaamu shaafici,waxaa uu imaamka ku aas-aasay mad-habkaan waddanka Ciraaq gaar ahaan magaalada Baqdaad.

Mad-habka waxaa Asal u ahaa oo uu imaamka kale soo baxay:

 Kitaanka Qur’aanka.

Sunnadda Subanaheenna NNKH.

Hadalada Asxaabta waliba kuwa aysan isku khilaafin.

Qiyaas oo ah xukun horey aan loo aragg.

Madhabka Xanbiliyadda oo uu Imaamkeeda yahay Imaam  Axmed binu Xambal, madhabkaan waxaa uu imaamka ku Aas-aasay  Waddanka Ciraaq gaar ahaan  Magaalada Baqdaad. Imaamka waxa uu mad-habkaan asal ahaan kale soo baxay:

Kitaabka Qur’aanka.

Sunnada Subanheenna NNKH.

Hadaladii Asxaabta Suubanheenna NNKH.

Qiyaasoo ahaa xukun horey aan loo aragg.

Ansixin uu kale soo baxay Imaamka qiyaasta iyo xukunada ee ay isku waafaqeen Asxaabtii Subanaheenna NNKH.

Maslaxadda ummada oo aan ka hor imaaneynin Shareecada islaamka.

Mahadsanid

Facebook Comments