Milan waa isku jir isku kaan ah oo ka kooban labo walax ama in kabadan. Milanadu waxa ay u jiri karaan wajiyo badan.

Milanku waxa uu a kooban yahay milme iyo mile. Milme waa walaxda ku milanta milaha. Xadiga milmuhu uu ku milmo milaha ayaa loogu yeeraa milankiisa. Tusaale, cusbadu waa milme ku milanta biyaha oo ah mile.

Milanka ay xubnihiisu halka waji yihiin, walxaha ku jira ee ugu ribanaanta yar waa milmayaal, halka walxaha ugu badan ee ku jirana ay yihiin milayaal. Tusaale hadaan sooqaadano hawada, oksijiin iyo kaabon labo oksaydh waa milmayaal halka naytarojiin ay tahay mile.

Astaamaha milanada:

  • Milanku waxa uu ka kooban yahay isku jir isku kaan ah.
  • Milanku waxa uu usamaysan yahay hal waji (tusaale, adke, hoore, ama neef).
  • Milanku ma uu firdhiyo iftiinka
  • Xubnaha uu ka kooban yahay milanku laguma kala saari karo ayada oo la adeegsanayo habka fudud ee miirida.

Tusaale  sharaxaatya milanada:

Labo shay oo kasta oo sibuuxda iskugu milmi kara ayaa samayn kara milan, xataa walxo wajiyo kala duwan leh ayaa hadii la isku geeyo samayn kara milan, laakiin waxay ugu dambaynta qaadanayaan ama u jirayaan hal waji. Tusaale, milan adke ah hadaan usooqaadano Baraas (isku dhis bir ah oo ka kooban copper iyo zinc),  milan dareere ah waxa usooqaadan karnaa haydarokoloorik asiidh iyo biyo halka milan ka samaysan neefna ay noogu filan tahay hawadu.

Nooca milanka Tusaale
Neef – Neef Hawada
Neef-Hoore Kaarboon labo oksaydhka kujira soodhaha (casiirada gaaska leh)
Neef- Adke Neefta haydarojiin ee kujirta birta Palladium
Hoore- Hoore Gaasoliinta
Adke- Hoore Sonkor biyo kujirta
Hoore – Adke Meerkuriga kujira biraha ilkaha lagu buuxiyo
Adke –Adke  Isku dhafka biraha
Facebook Comments