Walxaha iskujira waxaa mid mid loogu kala saari karaa ayadoo laraacayo habab kala duwan, hababkaas oo kutiirsan nooca iskujirka. Hababkaas waxaa kamida ah, miirida, uumibixinta, xareedaynta iyo midabsawir saafida.

Kala soocitaanka adkaha laga soocayo hoorka (miirid)

Hadii walaxdu aysan kumilmin dareeraha waxaa ugu yeernaa mamilme. Tusaale ahaan, ciidu kuma milanto biyaha, waa mamilme.

Miirid waa hab looga soocayo mamilmaha kujira hooraha (milaha), marka iskujirku yahay biyo iyo ciid waa lakala miiraa.

Ciidu waxa ay ku haraysaa waraaqda miirida (waxa ayna noqonaysaa haraa). Biyuhu waxa ay dhaafayaan oo ka gudbayaan waraaqda (waxa ayna noqonayaan saafi).

Bakeeriga waxaa kujira iskujir mamilme adke ah iyo biyo. Bakeeriga kalena waxaa dulsaaran dubaalad xambaarsan warqada miirida.

Kala soocida adkaha iyo hooraha (uumibixin):

Uumibixinta waxaa loo adeegsada in lagu kala saaro adkaha milma iyo hooraha (mile) tusaale ahaan, copper sulfate waxay kumilantaa biyaha-waa wiriqyo kumilma biyaha si ay usameeyaan Milan copper sulfate ah. Inta uumibixinta lagu gudo jiro, biyuhu waa ay uumibaxayaan wayna katagayaan wiriqyadii copper sulfateka ahaa.

Milanka waxaa lagu shubay digsiga uumibixinta waana la uumibixiyey ayadoo dab la isticmaalayo.

Kala soocida milaha iyo milanka (xareedayn sahlan)

Xareedayn sahlan waa hab milaha looga soocayo milanka. Tusaale ahaan, biyaha waxaa laga soo sooci karaa milanka cusbada ayada oo la isticmaalayo xareedayn sahlan. Habkaas ayaana lagu shaqeeya, waayo biyuhu waa ay ka bar karsan hooseeyaan cusbada.

Marka milanka lakululeeyo biyuhu way uumibaxayaan kadibna uumiga waxaa lagu samaynayaa qaboojin iyo xarfin waxaana lagu shubayaa weelka kala soocida (Bakeeriga). Cusbadu ma uumibaxayso waxa ayna kuharaysa weelka ay kujirtay.

Walaxkasta oo saafiya waxay leedahay bar dhalaal iyo bar karsan ugaar ah. Marka larabo in la ogaado saafi ahaanta walaxda lasoosoocay waxaa lacabiraa barkarsankeeda. Tusaale ahaan, bar karsanka biyuhu waa 100 degree centigrade hadii ay kujiraan waxmilme adke ahi bar karsanku waa uu kabadanayaa intaas.

Kalasoocida milaha iyo iskujirka (qayb xareedayn):

Qayb xareedayn waa hab lagu kala soocayo milaha kujira mid ama inkabadan oo dareere ah. Tusaale, ethanol dareere ah waxaa laga soosoocikaraa iskujirka biyo iyo ethanol ayadoo la adeegsanayo qayb xareedayn. Habkan ayaa la adeegsadaa, waayo dareerayaasha isku jira waxa ay leeyihiin bar karsan kala duwan. Marka iskujirka lakululeeyo hal dareere ayaa ka hor uumibaxaya midka kale.

Iskujirka biyaha iyo ethanolka ku jira darmuuska waa la kululaynayaa ayadoo la isticmaalayo kululeeye koronteed. Uumi ayaana kusamaysmaya hawada ka saraysa isku jirka.

Bar karsanka ethanol waa78 degree centigrade. Uumiga ethanolku waxa uu siimaraya xarfiyaha kaas oo qaboojinaya, kadibna waxa uu uumigii ubadalayaa hoore kaas oo kudhib dhibci doona bakeeriga marka inta ugu badan ee ethanol ay baxdo, biyuhuna waa uumibaxayaan markay gaaraan 100 degree centigrade oo bar barsankoodu  yahay. Uumiga biyuhu waxa uu siimarayaa xarfiyaha kaas oo qaboojinaya una badala hoore, hoorahaas oo ku dhib dhibcidoona bakeeriga.

Siloo hubiyo saafi ahaanshaha dareerayaasha lakala soocay waxaa la cabirayaa bar karsankooda. Tusaale, ethanolka saafiga ah bar karsankiisu waa 78 degree centigrade, biyaha saafiga ahna waa 100 degree centigrade .

Kala soocida adkayaasha isku Milan (midabsawir saafid)

Waraaqda midabsawir saafida waa hab lagu kala soocayo adkayaasha isku milan midba midka kale, badanaa waxaa la adeegsadaa marka walxaha isku Milan ay yihiin kuwo midabaysan sida khada, cuntada midabaysan, iyo midabada dhirta.

Habkan ayaa la adeegsadaa, waayo inkamida walxaha midabaysan waxay ku milmaan milaha ayagoo midba midka kale uga hor milmi wanaagsan yahay taas oo keenaysa in ay kor uraacaan waraaqda.

Waxaa lagu sameeyey xariiq toosan qaybta hoose ee waraaqda ayadoo la adeegsanayo Qalin qori waxaana lagu kordhibciyey dhibco khad ah. Weeelka waxaa kujira mile, sida biyo ama ethanol.

Waraaqda waxa la dhexdhigay milaha. Miluhu waxa uu kor uraacayaa waraaqda waxa uuna horey usii qaadayaa qayb kamida walaxdii midabaysnayd (khada).

Marka uu miluhu kor usiiraacayo waraaqda, walxaha midabada kala duwani waa ay kala baxayaan. Tusaale, midabada walxuhu waxa ay ukala baxayaan jaale, casaan, iyo madow sida ka muuqata sawirka.

Walxaha saafida ah waxa ay samaynayaan hal dhibic oo midabsawir ah marka la adeegsanayo waraaqda midabsawir saafida. Labada walax waxa ay  isku mid noqonayaan hadii ay sameyaan midab iskumid ah sidoo kalena ka midaysan yihiin heer socodka ay  ku samaynayaan waraaqda. Tusaalaha hoose, casaan, buluug, iyo jaale waa sadex walax oo saafi ah. Muuqaalka dhanka bidix waxaa uu muujinayaa iskujirka sadexda walxood:

Eray bixin:

Bar karsan: waa heerkulka kaas oo walxuhu si dhakhso ah iskaga badalayaan hoore una noqonayaan neef.

Midabsawir saafid: waxaa loo adeegsadaa in lagu kala sooco walxo kala duwan oo isku milan kuna jira hoore.

Uumibixin: waa nidaam hooraha loogu badalayo neef.

Miirid: waa habka walaxaha mamilmaha ah looga soocayo milanka.

Qayb xareedayn:  qayb xareedaynta iskujirada walxo kala duwan, sida saliida ceeriin, waa laxareedeeyaa lana uumibixiyaa, qayb qayb ayaa loo uumibixiyaa ayagoo ku qaboobaya heerkul kala duwan.

Mamilme: waa walax aan kumilmin mile cayiman. Tusaale, ciidu kuma milanto biyaha.

Xareedayn sahlan: waa hab loo adeegsado in milaha laga sooco milanka.

Facebook Comments