Mudo labo bilood ku dhawaad ah ayaa dalkan Norway waxa ka jirtay xaalad caabuq xakameyn ah, oo meel walba la xirey, saameyn weyna ku yeelatey dadkii. Qofkii ugu horreeyay ee laga helo fayraska faafa ee korona dalka Norway ayaa aheyd haweeney ka soo laabatay safar ay ku tagtay dalka Shiinaha, dhammaadkii febraayo.

Qofkii u horeeyay ee u dhintana uu noqdey odey waayeel oo bukaan ahaa. Waxuu dhintey 12-kii maarso. Isla maalintaa ayay dowlada Norway soo rogtey talaabooyin xakameyn ah, si faafida caabuqa loo xadido. Hay’adda Caafimaadka Aduunka, WHO ayaa 11-kii Maarso ku dhawaaqdey in feyraskii uu ka gudbey xaalada cudurada faafa una gudbey xaaladd saf-mareen ah. Isla maalintaa ayay Denmark ku dhawaaqdey talaabooyin xakameyn ah, halka ay Norway ay maalintii ku xigtey ay ku dhawaaqdey.

Iswiidhan, bilowgii wax talaabooyin ah maysan qaadin, ilaa ay dhimashadii ku badnaatey ka dibna xakameyn yaryar bilaabeen. Balse saddexda dal waxey isaga midka ahaayeen wacyi gelinta, in la ilaaliyo nadaafada, dhaqida gacmaha lays taaban, oo la kala fogaado

Maxaa laga baran karaa sida ay Norway ula dagaalantey caabuqa?

Hoggaanka wanaagsan qiimihiis waxa uu u muuqdaa sida ay u xaliyaan maamulka iyo shacabkiisa, wadajirnimo marka ay masiimo ama dhibaato soo gaarto. Maamulka noocaa ah, kuma ekaado keliya xalinta dhibka, balse daryeelida dadkiina ma hilmaamo. Hoggaanka labo ficil isku qaban karo, waa hoggaanka guuleystaa. Waana waxa dalkan lagu arkey.

Mucaarad iyo muxaafad isku meel ayay uga soo wada horjeesteen la dagaalanka caabuqa. Isku cod ayay wada yeesheen. Sida ay dadka ay ula hadleen, mar walba ay u wargeliyeen hadba xaalada meesha ay mareyso, warkooda dhageystey, cabashadooda tixgeliyay waxey u sahashey in ay shacabka kalsooni ka mutaan. Talaabooyinkoodana la raaco.

Markii uu feyraska ka bilaabanayay dalka Shiinaha dhamaadkii sanaddkii hore, looma maleyneyn in wakhti gaaban gudaheed uu dilaaga aduunka ku noqon karo. Dalkii ugu horeeyey Yurubta ee feysraska soo gaaro waxa uu ahaa Talyaaniga, oo si ba`an ugu habsadey. Markaa ayaana lagu baraaurgey halista uu yeelan karo haddii aan laga hortegin.

Talyaaniga waxuu ka mid ahaa dalalkii u gurmadey Shiinaha markii ay la tacaalayeen dhibkaa, balse markii uu isagu kaalmo u baahdey, oo qeylo dhaan u dirsadey asxaabtii Midowga Yurub ee uu xubinta ka ahaa, waa loo aamusey. Midowga Yurub ayaa ku dhisan fikradd ah haddii mid ka mid ah waddamada xubnaha ka ah, dhib soo gaaro, in loo gurmado.

Balse markii uu Talyaani caawimaad u baahdey waa loo aamusey. Waxey taa muujisey in ku tiirsanaanshaha Midowga Yurub aysan wax weyn keeni karin, haddii uusan dalka keyd ku filan heysan, xaajaduna nin walbo iyo naftaa ayay noqotay.

Ka hor, inta aan xakameynta caabuqa la soo rogin, Norway waxey ku fakartey isticmaalida istiraatiijiyadda la dhaho `herd immunity`oo ah tan ay Iswiidhan isticmaashey. In wax xakameyn ah la sameyn, caabuqa iska fido, dadkana aakhirkii difaac bey ka yeelan feyraskaa.

Machadka Caafimaadka Dadweynaha ee Norway ayaa qiyaas tirakoob ku sameeyeen haddii istiraatiijiyadda la isticmaalo, waxa ay xaaladu noqon karto. Waxey sheegeen in mudo gaaban gudaheed, labo malyan ku dhawaad, oo ah bulshada kala barkeed uu feyraska ku dhici doono. Ka dib waxaa bilaabatey dood ah, haddii dad intaa le`eg ay jiradaan, cisbitaalo lagu daaweeyo ma jiraan? Dhaqaatiiro iyo aqoonyahanno caafimaad oo dadkaa daryeeli kara ma la heli karaa? Qalab daawo oo dadka ku filan ma jiraan? Jawaabahaa oo dhan waxey noqdeen ‘Maya.

Tirakoob sameynta waxey sahleysaa in loo gaashaan qaato, keydna loo sameysto dhibka kugu soo socda. Sannad walba dad gaaraya 10 kun ku dhawaad ayaa u dhinta cudurka kansarka. Sannadkii 100 qof ku dhawaad ayaa neef u dhimata. Dalka oo dhan wax ka badan kun sariiraha deg dega ee isbitaalka (intensive beds), ma heysto. Qiyaasta la heysto darteed, waxey kaliftey in aan istiraatiijiyadda herd immunity la qaadan karin, balse badalkeed la qaatey istiraatiijiyadda `The Hammer and the Dance`. Oo ah istiraatiijiyaddii ay Shiinaha ku dhaqmeen, guul weyna ka gaareen muddo afar asbuuc gadahood ah.

Maalintii uu dhintey qofkii ugu horeeyay ee feyraska galaabsado, 12-kii maarso ayay dowlada Norway soo rogtey talaabooyinka xakameynta. Xakameyntaa waxey noqotey talaabooyinkii abid la qaado, iyadoo xilli nabad ah lagu jiro. Dalkoo dhan ayaa hal mar la xirey, oo sababtey in mudo gaaban gudaheed dhaqaalihii dalka hoos u dhac weyn soo gaaro. Boqolaal kun oo shaqo ayaa lumey, qiimihii lacagta dalka iyo beecii saliida oo dhacsanaa ayaa ka sii darey.

Wax soo saarka guud ee dalka GDP ayaa boqolkiiba 14% hoos u dhac soo gaarey. Nasiib wanaag, nidaamka dalkan ayaa ku dhisan nidaam is daryeelid ah (welfare system). Canshuurta ay dadka bixinayaan iyo dakhliga ka imaanaya beeca saliida iyo gaaska ayaa noqdey keyd lagu badbaadey. Dadkii shaqooyinka lumiyay iyo ganacsiyadii dhaqaalaha lumiyay, waxey caawimaad dhaqaale ka heleen keydkaa.

Caabuqii oo aan weli laga soo kobsan, daawadii la helin, waxa uu yahey iyo waxa sababey weli la fahmin, qasaaraha uu geystey weli la qiyaasin, ayay dalalkii Yurubta Galbeed waxey bilaabeen ka doodida qiyamka bulsho isku xira, heykalka maamul siyaasadeed lagu wajehi karo marka uu dhib yimaado iyo muhiimada ay leedahey in uu dal heysto keyd ku filan hadey noqoto raashin, qalab iyo daawo uu heysto. Waxaa xaqiiq ah in jawiga doodaha ay is badeli doonaan marka laga soo baxo xakameynta, layskuna diyaarinayo. doorashada baarlamaanka ee sanadka dambe.

TikTok iyo sida ay soomaali u isticmaasho

Aalada TikTok waa aalad barashadeed ay dadka qaarkii ku cusub tahey. Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa ka dambeysey aasaaska aaladaa, sannadkii 2012 Waxaa lagu soo bandhigaa fiidiyowyaal gaagaaban oo waxyaalo kala gedisan sida musigga, qosol, qoob-ka-ciyaarin iwm ka hadlaya. Aniga, barashada iyo jiritaankaa aaladaa waxaa iigu horeysey maalmihii xakameynta caabuqa la galey. Waa meel kaa qosolsiineyso, kana yaabineyso waxa lagu soo bandhigayo. Kaagana sii daranee, hadaad bilowdo, isma qaban kartid.

Waxaan aad u raadiyay waxyaalaha ay soomaalida ku soo bandhigto halkaa, oo isku barbardhigey waxyaalaha ay umaddaha kale soo bandhigaan. Kuwa soomaalida aad iyo aad ayay kaaga yaabinayaan. Maxaa ka qaldan umaddan ayaad is weydiin?

Talo bixin

Isticmaalkaa aaladaa, waa aalad dhalinyaro, ha loo daayo dhalinyaradda. Iyagana si wanaagsan ha u isticmaalaan, oo ay safiiro ugu noqon karaan naftood iyo umadda ay jinsiyadda la wadaagaan. Ha isku dayaan istcimaalka meeshaa in ay xirfad kororsi iyo hal abuur ka sameyn karaan.

Dadka waaweyn, fikrad ahaan, aad bey igula fool xun tahey in ay meeshaa ka muuqdaan. Hadeysan ka maarmi karin, waa in ay da`da ay yihiin dhaqankood la yimaadaan. Garan karaan wax kasta oo baraha bulshada la soo dhigo, in aysan lumin, saameyn dambana ku yeelan karto iyaga iyo waxa ay dhaleen. Hadaba hadaad qiimeyneyso, u naxeyso sharafta dhalaankaaga maanta iyo beri, ficilka xun ka ilaali.

Facebook Comments