Caruurta inta badan waxa ay soo maraan marxaladdo kale duwan, marba marka ka danbeyso canugga waa uu koraa oo waxaa is badal ku imaado muuqaalkiisa, sidoo kale waxaa kobco caqligiisa.

Isbadaladaas waxa ay ku keenta cannugga in ay ku soo kordhaan dabeecado badan oon uusan  horay u lahaan jirin, sida in uu madax-adeeg lasoo baxo, ama qalafsanaan, Badanaa caruurta waxaa lagu arkaa marka ay da’dooda gaarto inta u dhaxayso 12-19 Sanno.

Xiligaan waxa ay maraan marxaladd aad u addag waxa ay kasoo gudbaan ilmanimada ayagoo noqdo Wiil ama Gabar weyn.

Marxaldaan waa marxada uu ilmaha lasoo baxo Madax-adeeg,Xanaq badan, intabadan waxaa lagu arkaa inay dilaan caruurta ka yar.

Haddaba Maxaa U Daawaha Madax-adeygga  Caruurta?

Wax-yaallaha aan ku daaweyn karno waxaa kamid ah:

In aan dhagaysanno sheekooyinka ay noo sheegayaan.

In uu  mararka qaar waalidka la cunteeyo canugga. 

In laga illaaliyo amarada badan.

In lagu abaal mariyo wanaaga uu qabto.

Dilka  ama garaaca in aan ka illaalino.

Waalidka inay ku faanan canugga marka ay qarabadooda la joogaan waliba asago oo maqlaayo canugga.

U nasteexee marka u qalad sameeyo, ciqaabtiisaa waxaa wanaagsan in aad ka dhigto in aad u diido wax-yaalaha u jecel yahay.

In aan ka illaalino Canugga aflaagadada ilamaha kale hortooda.

In aadan u diidin ciyaarta.

Inaad qiyaar u siiso wax-yaallaha xalaasha.

In canugga lagu baraarujiyo marxalada uu maraayo in uu ka faa’ideysto.

In la baro ilmaha aqriska iyo in lagu mashquulay tamartiis cimli sida uu ugu faa’deysan lahaa.

Sidoo kale waxaa wanaagsan in ay u kaxeeyeen waalidka  meelaha garta lagu qaaddaayo.

Canugga in laga soo qeyb galiyo doodaha guriga si loo baro dhagaysiga dadka iyo sida uu dhiiban lahaa fikridiisa si xushmad ku jirto.

In canugga la saaro mas’uuliyad sidda in la dhaho waxaad mas’uul ka tahay guriga aad seexato.

In loo sameeyo caruurta saaxibo wanaagsan.

In loowado dalxiis waliba adiga oo waqti la qaaddanaayo.

Ilmahaada in aad u  noqoto tusaalle wanaagsan oo uu ku deydo,waxa ay qeyb lixaad leh ka qaaddataa habsame u dhaqanka iyo dhaga nuglaanta canugga.

In wax badan in laga baro diinta iyo dhaqanka waanagsan.

In lagu booqdo caruurta goobaha waxbarashada, waliba aad u sheegto wax-yaallahi wanaagsan ee uu maamulka ku amaanay.

Dhammaan arimaahisa waxa ay canugga ka dhigi karaan mid ka daawoobe madax- addeega badan iyo sidoo kale mid ka faa’iideysto waqtigiisa.

 

 

 

 

Facebook Comments