Democritus

Dalton waxa uu noolaa intii u dhaxaysay 470BC ilaa 380BC waxa uuna ahaan filasoof Giriig ah, waana ruuxii u horeeyey ee daaha ka qaaday fikrada atamka. Democritus waxa uu aaminsana wax kasta oo aduunka yaala ama kuxeeran in ay ka samaysmeen atamyo, atamyadaas oo ah ilma-aragtay.

Democtrus waxa uu soo qaatay gabal maatar ah waa uuna u qaybiyey labo, hadana labadii mid ka mid ah ayuu labo usii kalo qaybiyey wuuna waday kalay qaybintii ilaa uu gaaray bar aan labo loogu kala qaybin Karin taas oo uu Democritus uu ugu yeeray atom.

  • Democritus waxa uu yiri:
  1. Maatarka oo dhan waxa uu ka samaysan yahay atamyo aad u yaryar oo aan la arki Karin.
  2. Waxaa ira boosas maran oo u dhexeeya atamyada.
  3. Atamku malahan qaab dhismeed hoose.
  4. Atamka walxo kala duwani waa ay kala gedisan yihiin cabirkooda, culayskooda iyo qaabkooda.

Democritus (470BC ilaa 380BC)

  • Ameodo Avagadaro

Lerenzo Romano Ameodo Carlo Avagadaro waxaa lagu garansho og yahay Avagarado waxa uuna noolaa 9ka bishii 8aad 1776 ilaa 9ka bishii 7aad 1856dii waxa uuna ahaa saynis yaqaan talyaani ah.

Avagarado waxa uu ku magacaaban yahay aragtidiisii ahayd muggaga iskumidka ah ee neefo kala duwan waxa ay ka kooban yihiin tiro isku mid ah oo kolikuyuulo ah marka kulka iyo cadaadisku ay yihiin isku mid.

Avagadaro waa saynisyahankii u horeeyey ee xaqiiqsanaa in curiyayaashu ay u jirikaraan molikuyuulo ahaan, halkii ay u jiri lahaayeen kali ahaan (hal atam ama curiye oo kaliya)

Ameodo Avagadaro (1776 ilaa1856)

  • John Dalton

Dalton waxa uu noolaa intii u dhaxaysay 6da bishii 9aad 1766dii ilaa 27da bishii 7aad 1844tii, Dalton waxa uu u dhashay Biritan, waxa uuna ahaa aqoon yahan ku xeel dheer culluumta kemisteriga, fiisikiska iyo dabeecadaha deeganka.

Aragtidii Dalton ee uu soo jeediyey waxa uu yiri maatarka oo dhami waxa uuu ka kooban yahay atamyo il-ma’aragtay ah iyo isku dhisyo aan lataaban Karin, halka atamyada dhamaan ee curiyaha ay isku mid yihiin. Curiyayaasha kala duwan waxa ay lee yihiin atamyo cufkooda iyo cabirkoodu kala duwan yahay.

John Dalton (1766 ilaa 1844)

  • Joseph John Thomson

Tomson waxa uu noolaa 18ka bishii 12aad 1856dii illaa 30ka bishii 8aad 1940kii waxa uuna u dhashay biritish, waxa uuna ahaa fiisikisyaqaan ku guulaystay abaalmarinta Nopel Laureate ee fiisikiska. Tomson waa ninkii soo helay in atamku leeyahay saxaro tabane ah oo loogu yeero elektaroono. Sanadii 1904tii Tomson waxa uu soo jeediyey in qaabdhismeedka atamku yahay kubad danab togan leh oo ay kudhex firiqsan yihiin elektaroono.

Joseph John Thomson (1856 ilaa 1940)

  • Ernest Rutherford

Radarfood waxa uu noolaa 30ka bishii 8aad 1871 ilaa 19ka bishii 10aad 1937 waxa uuna u dhashay Niyuusilaan (New Sealand), waxaa uuna aha fiisikisyaqaan. Radarfood waxa uu yiri hadii fikradii Tomson hagaagsanaan lahayd marna madhici karten in saxarada Alfaha ahi qalloocsamaan ama ay dib usoo noqdaan, sidaa awgeed Radarfood waxa uu soo jeediyey in atamku uu leeyahay xudun saxaro togan oo cufka atamku ku uruursan yahay.

Ernest Rutherford (1871 ilaa 1937)

  • Niel Henrik David Bohr

Bohar waxa uu noolaa 7da bishii 10aad 1885 ilaa 18ka bishii 11aad 1962 waxa uuna u dhashay Denmark, wuxuuna ahaa fisikyaqan kuguulaystay abaalmarinta Nopel Price ee fiisikiska sanadii 1922dii. Sidoo kale Bohar waxaa ahaa falsafoyaqaan sameeyey baritaano cilmiyeed.

1913kii Bohar waxa uu soojeediyey aragtida atamka haydarojiin ee ku salaysnayd aragtida kuwaantum, taas oo xaalad go’an Tamarta loo wareejinayo xaddiyo.

Elektaroonadu waxa ay ku wareegaan bu’da ayaga oo ku wareegaya majiiro go’an. Marka ay ka boodan hal wareeg tamarna ugu boodaan mid kale waxa ay soodaynayaan if-kuwaantam.

Niel Henrik David Bohr (1885 ilaa 1962)

  • Erwin Rudolf Josef Alexander Schrodinger

Shirodhiigar waxa uu noolaa 12ka bishii 8aad 1887 ilaa 4ta bishii 1aad 1961 waxa uuna ahaa fisikisyaqaan Irish ah. Waxa uu horey u qaaday hal tilaabo aragtidii Bohar ee kuwaantumka.

Shirodhiigar waxa uu adeegsaday isle’eg xisaabeed si uu u sharaxo suurta galnimada helitaanka boos ugaar ah elektaroonada. Habkaas uu Shirodhiigar sameeyey waxaa loo yaqaanaa Qaab dhismeedka farsamo ee Atamka.

Erwin Rudolf Josef Alexander Schrodinger (1887 ilaa 1961)

  • Sir James Chadwick

James waxa uu noolaa 20ka bishii 10aad 1891 ilaa 24ta bsihii 7aad 1974tii waxa uuna ahaa biritish fisikisyaqaan ah. Sanadii 1935 waxa uu ku guulaystay abaalmarinta Nopel Prize ee fiisikiska.

James waxa uu boos muhiim ah ka ciyaaray aragtida atamka axa uuna sanadiii 1932 soo helay in bu’da atamka ay ku jiraan Niyuutaroono, waxa uuna yiri niyuutaroonadu waxa ay dhacaan bu’da atamka iyaga iyo borotoonkuba waxa ayna u jiri karaan tabane ama togone waxa ayna cuf isku mida leeeyihiin borotoonka.

Sir James Chadwick (1891 ilaa 1974)

  • Louis de Broglie

Borogli waxa uu noolaa 15ka bishii 8aad 1892dii ilaa 19ka bishii 3aad 1987 waxa uuna ahaan fiisikisyaqaan faransiis ah, waxa uuna lafagurid hoose ku sameeyey aragtida kuwaantam. Cilmibaaris uu sameeyey 1924tii waxa uu soo helay (hindisay) dabeecad hireedka elektaroonada waxa uuna soo bandhigay in maatarka oo dhan leeyahay astaamo hireed.

Louis de Broglie (1892 ilaa 1987)

  • Werner Heisenberg

Werner waxa uu noolaa 5ta bishii 12aad 1901kii ilaa 1da bishii 1aad 1976 waxa uuna ahaa Jarmal fiisikisyaqaan ah. 1932 waxa uu kuguulaystay abaal marinta Nobel Prize ee fiisikiska. Werner waxa uu hormariyey aragtida Kuwaantam asaga oo balaarinaya aragtidii Bohr, wuxuuna soo saaray xeerka ama aragtida aan lahubin taas oo sheegaysa boosaska iyo daafada (awooda dhaqdhaqaaq) ee saxarada in aan labadooda la ogaankarin si sax ah.

Werner Heisenberg (1901 ilaa 1976)

Gunaanad:

  • Inta ugu yare e curiye ayaa loogu yeeraa atam.
  • Atamkasta ee curiye waxa uu ka qaab duwan yahay atamka curiye kale.
  • Atamka waxa loo qaybinkaraa saxaro yaryar oo atam hoosaadyo ah (borotoon, niyuutaroon iyo elektaroon).
  • Bu’du waa xudunta dhexe ee atamka waxa ayna ka kooban tahay borotoono iyo niyuutaroono.
  • Elektaroonadu waxa ay ku wareegaan bu’da atamka.
  • Markasta oo aan kor u baxno shaxda curiyayaasha waxaa siyaadaya elektaroonada iyo borotoonada.
  • Elektaroonadu waxa ay dagaan heerar tamareed kala duwan.
  • Marka heeerka tamartu buuxsamo, heer cusub ayaa bilaabmaya.
  • Midkasta oo ka mid ah heerar tamareedka waxaa ku jira noocyo gaar ah oo majiiro ama meeris gaar ah.
  • Meeriskasta waxa uu qaadaa labo elektaroon.

Maxaad ka taqanaa qaabdhismeedka atamka?

Facebook Comments