Laga soo bilaabo maalintii Nabi aadam la uumay ilaa maanta bini’aadamku hor-umar ayuu nolosha ka samaynayay, waagii baryana garaad iyo garasho ayuu aadanaha u kordhinayay. Nolosha waxaa tiir dhexaad u ah dhaqaalaha, dhaqaaluhuna waa wax-soo-saarka, si wax-soo-saar loo helana waa in la shaqeeyaa.

Dhaqaale wax-soo-saar la’aan ma abuurmo, wax-soo-saar aan shaqo loo marina ma lahelo, umad walba inta ay umadaha kale ka shaqa badan tahay ayay ka wax-soo-saar badan tahay, kana dhaqaale roontahay, dhammaan ummadaha hor-umaray dadaal ay dadkoodu sameeyeen ayay hor-umarka ku gaareen, tabac iyo wax-soo-saar ayaana dhaqaalahooda kobciyay.

Ujeedada ugu dambaysa ee ay dadku wax u tabcayaan waa in ay nolol baryo samaad leh helaan, qof walba marka uu shaqaynayo waxa uu doonayo waa in uu la soo baxo wixii uu ku noolaan lahaa. Hadaba dadku isku awood ma aha, isku aqoon ma aha, isku degaan ma aha, qolo walba gaarkeeda ayay duruufo u haystaan, hayeeshee Allihii arlada abuuray inaan ku dul noolaanana inoo dooray, kala duwanaanshaheena kama uusan dhigin mid caqabad ku noqda inaan shaqaysano xoogeenana wax kula soo baxno, qof walba oo bini’aadam ah meeshuu doono dunida ha kaga noolaadee waxaa awood loo siiyay in uu shaqaysto, wixii uu ku noolaan lahaana la soo baxo, isla markaas irsaaqadiisa Eebe ayaa u kafaala qaaday halka uu joogo ayuuna kala soo bixi karaa haddii uu xoogaa dadaal ah la yimaado.

Hababka uu aadanuhu degaanka uga faa’iidaysto nololna ugu dul-sameeyo taariikh dheer ayay soo martay, hadii aan soo koobnana waxaa ku soo koobi karnaa afar marxalad:

1- Xilligii ugaarsiga iyo mira-gurashada “Hunting and gathering era”, raggu way soo ugaari jireen, dumarkuna miraha ayay soo guri jireen, sidaas ayay noloshuna ku socotay taariikh dheer oo malaayiin sano gaaraysa.

2- Xilligii bilowga beerashada iyo xoola dhaqashada (Horticulture and pastoralism era), xilligan nolosha dadku waxay ku tiirsanayd beerasho qalab gacmeed fudud la adeegsan jiray iyo xoolo dhaqasho, sida muuqata mirihii dhirta dhuurka ku taal laga guran jiray waxaa badalay miro la beerto, duurjoogtii la soo ugaari jirayna waxaa badalay xoolo la dhaqdo oo guryaha jooga, taas waxay ahayd boodo wayn oo uu bini’aadamku ka sameeyay dhanka wax-soo-saarka iyo tabaca nolosha.

3- Xilligii beerashada “agrarian era”, casrigaan waxaa hor-umar laga sameeyay farsamada beerashada, waxaa la hindisay in xoolaha loo adeegsado falida beeraha, waxaa soo biiray qoraalka, lambarada, helida biro cusub iyo samaynta taagirada wareega: xilligan taariikhyahannadu waxay u yaqaanaan waabarigii il-baxnimada (the dawn of civilization).

4- Xilliga warshadaha (industrialization era) oo ah xilliga aynu hada noolnahay, inkastoo ay culumada wax ka qorta dhigaalada aadanaha ay leeyihiin casri shanaad ayaynu u gudubnay oo ay ku magacaabeen “post-industrialization era”.

Casriga warshadaha ee aynu noolnahay waa casri aqooneed, aqoontuna ay hugaaminayso wax kasta, si adagna ay iskugu milmeen fursadaha wax tabaca iyo aqoontu, balse marna taas macneheedu ma aha in nolosha maanta uusan ku noolaan karin qof aan aqoon lahayn, iyadoo ay aqoontu muhiim tahay hadana sunnadii Eebe ee ahayd qofna in uusan quudkiisa dhulka ka waayin inta aynu joogno dunida isma badalin, fursadaha shaqo iyo kuwa wax tabac ee maanta jirana waa kuwa cid walba ay ka faa’iidaysan karto.

Dabcan sida aan soo sheegnay noloshu waa shaqo, inaad shaqaysato waxaad cuntana aad la soo baxdo ma aha wax aqoon iyo xirfado gaar ah kaa xanibayaan ee qof walba heer kastuu yahay degaankiisa wuxuu ka heli karaa fursado shaqo iyo kuwa wax-soo-saar oo uu noloshiisa ku sii wato, arrintaasi waa qaanuun dabiici ah iyo sunno kawni ah oo Eebe jideeyay.

Iyadoo arrintaas laga duulayo shaqooyinka nolosha casriga ah waxaa loo qaybiyaa: “blue-collar jobs”, iyo “white-collar jobs”, si guud mar ah qaybintani waxay tilmaamaysaa nolosha casriga ah oo waxbarashada siiba aqoonta sare iyo shaqooyinkii iyo fursadihii wax tabaca ay aad iskugu milmeen in ay wali jiraan jirina doonaan fursado shaqo oo u furan dadka aan aqoonta tooska ah (formal education) lahayn.

“Blue-collar jobs” waa shaqooyinka inta badan ay ka shaqeeyaan dadka aan aqoonta tooska ah (formal education) lahayn, waa shaqooyinka aan u baahnayn waxbarasho badan iyo xirfad sare, qarkood qofku wuxuu u baahan yahay tababar iyo xirfad waqti kooban, halka qaar kale ay yihiin kuwa qof walba qaban karo, waxaa ka mid ah: inta badan shaqooyinka farsamada gacanta, noocyada kala duwan ee xamaaliga, wadida gawaarida, nadiifinta, kuukarnimada iwm. Shaqooyinkan waxay ka siman yihiin in aysan u baahnayn aqoon badan, sidoo kale waa shaqooyin badankooda gacanta laga qabto, dakhliga laga helana wuu kala duwan yahay qaarba waa si’.

“White-collar jobs” waa shaqooyin u baahan aqoonta tooska ah (formal education) iyo xirfado sare, waa shaqooyin intooda badan dakhgligoodu wacan yahay, waxaa kamid ah: maamulka, xisaabaadka maaliyadda, dhakhtarnimada, looyarnimada, bayloodnimada iwm. Dhamaan shaqooyinkan waxay u baahan yihiin aqoon iyo xirfado sare waana shaqooyin qof kasta uusan ka shaqayn karin ee u baahan takhasus iyo xirfad gaar ah.

Aan mawduuca usoo noqdee marka aan eegno dunida aan ku noolnahay iyo halka ay maanta marayaan umadaha hor-umaray, deetana aan hoos u eegno xaalkeena iyo waxa aynu hayno soomaalideenu waxaa muuqanaya ceebteena iyo inta dib-u-dhaceenu le’eg yahay, heerka hor-umarka nolosheena marka la cabiro waxaa la is waydiin karaa horta ma soo gaarnay casrigii beerashada “agrarian era”, dib-u-dhacaas baahsan ee nolosheena ka muuqda iyo habsanka baaxadda leh ee ina helay waa doqonimo oo aynu isku dhaamin soomaali saynu u nahay.

Wali waxaad moodaa in aynu fahmin in irsaaqadii Eebe inoogu tala galay ay ku jirto dhulka iyo badaha balaadhan ee aynu haysano, halkii aynu ku fakari lahayn sidii aan ugala soo bixi lahayn dhul beereedkeena iyo badaheena wixii aan cuni lahayn ayaynu Dubai iyo China u doonanaa burka iyo bariiska aynu karsan lahayn, taasi waa doqonimo iyo caqli xumo aynu ka simanahay soomaaliyoo idil.

Hadaba doqonimada Puntland taal maxay tahay?

Marka aynu qaymeyno duruufta iyo xaalada nololeed ee dalkeena Soomaaliya uu ku jiro, sidoo kale aan eegno sida aan nolosha fahankeeda runta ah uga dhacsannahay reer Puntland doqonimadaas guud saamigooda ayay helayaan, balse marka aynu waxa aan haysano iyo nolosheena heerka ay hada joogto wax ku qaymaysano ayaa waxaa jira doqonimo ay reer Puntland soomaalida kale sii dheer yihiin, hadaba doqonimadaasi maxay tahay?

Sida aan soo sheegnay noloshu waa wax tabac, fursadaha wax tabacuna heer walba oo ay noloshu tahay waa kuwa iska diyaara, qof walbana caqliga iyo xooga Illahay siiyay ayaa u saamaxaya in uu bay’adiisa wax kala soo baxo, aqoon dheeri ah ha lahaado ama yuusan lahaan, degaan walbana waxaa yaal shaqooyinka noocyadooda kala duwan, waxaa jira shaqooyin “blue-collar jobs” iyo kuwa “white-collar jobs”, arrintaas oo suurta galinaysa in qof walba uu degaankiisa ka helo fursad uu ka xoogsado.

Puntland oo kamid ah degaanada Soomaaliya ugu dhaqdhaqaaqa roon, shaqooyin badanna ay yaalaan, nasiib uma yeelan dadka degaanka ka soo jeeda in badan oo ka mid ah in ay ka shaqaystaan degaankooda, taa badalkeeda waxay ka doorbideen baaga-muudayn iyo tahriib, hadaba fursadaha jira maxaa looga faa’iidaysan waayay? Oo dhalinyaradeenu wax cududaar ah maxay u haystaan baaga-muudayntaas?

Hadaan bixiyo jawaab kooban waa doqonimo iyo fahan yaraan ina haysa.

Reer Puntland shaqooyinku uguma qaybsana sida standard-ka ah ee shaqooyinka loo qaybiyo, ma jiraan wax la yiraahdo “white-collar jobs” iyo “blue-collar jobs” ee waxaa Puntland ka jira shaqooyinka reer Puntland ay ka shaqeeyaan iyo kuwa aysan ka shaqayn, jaahilkooda iyo aqoon-yahankooduba waxay doonayaan inay ka shaqeeyaan shaqooyinka reer Puntland ay ka shaqeeyaan waa qaybin ay iyagu jeebkooda kala yimaadeene, taas waxaa ka siidaran marka shaqaalanimada laga gudbo ayay ka sii faanaan ganacsiyada yar yar qaar ka mid ah, bal shaqo gaar ah oo laga faano mar bayba macquul noqon kartaaye qof in uu ganacsi abuurto oo si xoriyad ah ula soo baxo quudkiisa ka faanaya, shaqo xalaala oo sharaf lehna quursanaya isaga oo shaxaad jidadka la taagan maxaa lagu macnayn karaa? Waxaan odhan karnaa waa maangaabnimo jumlaysan.

Waxaad arkaysaa dhalin yaro wada shaqa la’aan ah oo ka faanaya in ay xamaashaan, guryaha dhisaan, gaarigacan ku shaqaystaan, gawaarida dhaqaan, meheradaha iyo hudheelada ka shaqeeyaan, dhamaan waa shaqooyin si balaadhan loo helo, hadana dhalinyaradii ka shaqaysan lahayd iyagoo dhooban bay dad kale ka shaqeeyaan, sababtuna waa fahan xumo ina ka haysata sida loo noolaado, inay shaqaystaan waxay ka doorbidaan shaxaadka iyo tahriibka.

Waxaa taas ka sii daran in ganacsiyada yar yar qudhooda ay ka faanayaan intooda badan, waxaa jira ganacsiyo yar yar oo qofkii gala hor-umar badan uu ka gaari karo, sida kabarada, bacadlayaasha, sandaqadaha iwm, balse nasiib darro waxaad arkaysaa mid aan shilin isku furan oo toban shaqo oo uu heli karo ka faanaya, ganacsiyo fud fudud oo usuuroobi karana luminaya kibir doqonima ah oo ku jira awgi.

Hab fikir nololeedkan qariban waa mid Puntland un ku kooban, gobolada kale ee Soomaalida marka aad tagto waxaad arkaysaa dad nolosha fahansan, shaqooyinkuna ugu qaybsan yihiin sidii standard-ka ahayd, dadka aqoonta lehna ay shaqooyinkooda doontaan (white-collar jobs), kuwa aan aqoonta lahaynna ay shaqooyinkooda iyo fursadahooda ka faa’iidaystaan, sidoo kale qof walba fursadii ganacsi ee uu helo wuu ka faaiidaystaa, hal-abuurka ganacsina waa mid loo siman yahay, noloshu waa fahan.

Waxyaabaha soo jiidashada leh waxaa kamid ah: waxaa jira gobolada soomaalida qaar ninka bakhaarka leh gaari-gacan layaasha u adeega ay yihiin wada reerkiisa, ma lihi shaqada hala reereeyo laakiin arrintaasi waxay cadaynaysaa in qofku uu ku qanacsan yahay degaankiisa uuna yahay mid ka faa’iidaysanaya fursadaha horyaal. Laakiin reer Puntland see u arkaan gaari-gacanle in la noqdo waa su’aal aan idinka idin waydiinayo.

Waxaa iswaydiin mudan shaqooyinka yaa inoogu qaybiyay shaqooyinka reer Puntland iyo shaqooyinka dadka kale? Standard-kan yaa inoo dejiyay? Goormaanse degsanay? Ani meel uu xeer ahaan inoogu qoran yahay ma arag balse dhaqanka bulshadeena la yaabay!

Noloshu waa fahan!

Facebook Comments