Maskaxda waa qaybta ugu muhiimsan jirkeena, waa qaybta garashada u qaabilsan aadanaha, noole walba wuxuu leeyahay maskax heer garasho leh, garashadaas maskaxdu hoyga u tahay inta ay hadba le’egtahay ayay noolayaashu kala muhiimsan yihiin, kuna kala saamayn badan yihiin masraxa nolosha.

Bini’aadamku wuxuu ka mid yahay makhluuqaadka ugu fadliga badan uunka Illahay uuntay oo idil, waa noolaha ugu saamaynta badan nolosha aan noolnahay, aaladda ugu muhiimsan ee uu saamayntiisa u isticmaalo waa maskaxda, waxaa jira noolayaal aad ufara badan oo ka xoog badan bini’aadamka hadana isaga ayay u yihiin gacan yare, isaga ayaan adeegsada oo danihiisa ku gaara, waxaa cad inta uu ka maskax iyo garaad badan yahay makhluuqaadka kale ayuu uga saamayn batay koonkan aynu dul naal.

Waa maskaxda waxa inanka yari ku hugaamiyo awrka geela ah oo intuu rarto dhankuu rabo u wado, waa maskaxda waxa baddaas wayn dusheeda aan ku marnay, ma aragtay noole birri ku nool ah oo badda khasbay danihiisana u adeegsaday, waa maskax waxa hawada inoo sakhiray oo inaan ku safarno hawada sare ina gaarsiiyay, ma ogtahay libaaxuba awood badni boqor uguma aha duur joog.

Maskaxdaas aan ognahay muhiimadeeda iyo sidda ay qaaliga u tahay ayaan rabaa inaan dhinac kaa tuso muhiimadeeda, waxaan rabaa inaan kula wadaago falsafad muujinaysa sidda maankeenu u guda wayn yahay, in bandanna uga mugwayn yahay sidda aynu malaynaynu.

Wax walba oo uu bini’aadamku samaynayo waxay ka soo fulaan marka hore maskaxda, maskaxda ayaa awaamiirta (instructions) siisa xubna siddaas ayayna xubnuhu ula fal galaan amaradii la siiyay, halkaas ayaa waxaa ka dhasha waxa aynu u naqaan “wax qabad ama fal”, insaanku wax badan oo saamayn iyo ilbaxnimo ah ayuu sameeyay, si ballaaran ayuuna u camiray koonka, waxaas aad arkaysid oo ay ka mid yihiin magaalooyin, dabaqyo daruuraha gaara (sky-scrapers), laamiyo, maraakiib, tareeno, gawaari, diyaarado, kumbuyuutaro, iyo dhammaan qalabyada kala duwan ee aan adeegsano waa dhacaankii maskaxdeena, geedka marka la tuujiyo ama qolofta sare laga qaado wuxuu soo saaraa xabag aan markii hore ka muuqan.

Wax walba oo bini’aadamku sameeyay qof ayaa bilowgiisii lahaa, waxaasi mar un bay maskaxdiisa ku bilowdeen, waxaa jira hanaan joogta ah oo maskaxda bini’aadamku ula falgasho aragtiyaha ay hayso, aragtida ayaa qofka is tusta (impulse thought), deeto qofka damac (desire) ayaa u gala suurta galinta aragtidaas, damacaasi marba marka ka dambeeya wuu sii xoogaystaa, ugu dambayn damicii ayaa aaminaad (belief) isu badala, qofkuna wuxuu aaminaa in aragtidaasi ay tahay mid laga dhabayn karo.

Markaas ayaa maskaxda waxaa ku bilowda suurad iyo humaag uu qofku si dhab ah ugu suuradaysanayo shaygii ama shaqadii uu doonayay inuu xaqiijiyo, sawir maskaxeedkaas marba marka ka dambaysa wuu sii xoogaystaa illaa uu ku yeesho maskaxda dhexdeeda jurmi ama xajmi ay maskaxdu iyadu ku taaban karto gacma gaar ah oo iyadu ay leedahay, sawir maskaxeedkaasi wuxuu koraba heer aanay maskaxdu hayn Karin ayuu gaaraa siddaas ayuuna dabadda ku yimaadaa isaga oo leh suurad dhab ah magac gaar ahna leh.

Haddii aan tusaale ku caddeeyo sharaxaadda sare: ninka injineerka ah marka uu rabo inuu naqshad guri cusub sameeyo, marka hore naqshado badan ayaa maankiisa ku soo dhacaya, deeto mid ayaa dareenkiisu soo jiitaa, rogrogid kadib maskaxdiisu waxay go,aamisaa macquulnimada naqshaddan, wuuna ku qancaa in uu naqshadaan qaato, waxay maskaxdu samaysaa sawir maskaxeed tilmaamaya guriga uu doonayo injineerku, markaas ka dib ayuu waraaq ku sawiraa naqshadiisii oo uu maskaxda ka guurinayo ama muuqaalkii maankiisa ku jiray uu ka koobiyaynayo, kadib shaqadii ayuu bilaabaa guri u eg kii maskaxdiisa ka dhex dhisnaana ayuu dhisaa.

Sidda tusaalahaas ku cad si la mid ah ayaa waxlba oo bini’aadamku sameeyo ay usoo maraan maskaxda, wax walba oo suurad muuqata leh oo uu aadanuhu sameeyayna inta aysan jiritaanka imaan maskaxda ayuu muuqaalkaasi muddo soo harsaday kana soo bilaamay.

Taas wuxuu macneheedu noqon wax walba oo aan maanta aduunka ku aragno oo bini’aadam sameeyay waxay soo mareen maskax qof bini’aadam ah, dhammaan guryaha waawayn ee aan aragno, maraakiibta badda dul sabaynaya, diyaaradaha hawada duulaya dhammaan sidda aynu u aragno samayskooda iyo muuqooda ayay maskaxda markii hore ugu soo samaysmeen, ma is tiri maskaxda qofka bini’aadamka ah badwaynta hindiyana ka mug-wayn.

Habkaas ay maskaxdu u shaqayso ulana falgasho aragtiyaha ku soo dhac-dhacaya waxaan ku matali karnaa ukunta, ukuntu waa qolof daboolan, waxaa marka hore ku dhex abuurma biyo iyo xab, xabkaasi aayar aayar ayuu isu badalaa ilaa uu shimbir xajmi leh noqdo, muddo kadib qoloftii daboolnayd way hayn waydaa noolaha gudaha uga jira, way dilaacdaa waxaana ka soo baxa shimbir nool oo soconaysa.

Sidda ukuntaba qayb u fuuntowdo oo aanu uwada baalal dilaacsan ayaa afkaarta qofka ku soo dhacdaana qaar badan u fuuntoobaan maskaxdana soo dhaafi waayaan, waxay noqdaan aragtiyo aan helin damacii iyo aaminaadii sawir maskaxeedka siin lahaa, siddaas ayayna aragtiyahaasi ku waayaan nasiibkoodii nolosha, kuwa aan jiritaanka boos ku lahayna u noqdaan.

Falsafadan kooban waxaan ka dhiraan dhirsan karnaa muhiimada ay leeyihiin aragtiyaha maankeena ku soo dhaca iyo sidda ay u mudan yihiin inaan dabno inta aysan ina ka ka baxsan, waayo dhammaan hal-abuurada dunida il-baxnimadeeda meel gaarsiiyay dhamaantood waxay ahaayeen aragtiyo qof maskaxdi mar is tusay dabadeedna uu dumay sidaasna uu ku suurta galiyay in uu maskaxda ka soo saaro oo uu jiritaan u yeelo, malaha imisa aragti oo kugu soo dhacda oo fuuntowday ayaa nolosha iyo i-lbaxnimadaba gacan wayn ka gaysan lahaa haddii aad barbaarin lahayd diirrimaad ay ku baalal dilaacsadaana aad siin lahayd.

Marka aan eego insaanka muuq yaridiisa, haddana aan eego baaxadda iyo muuq waynaanta waxyaabaha uu sameeyay ee maankiisa ka soo maaxday oo uu ka dul dhisay uunka, waxaa iila matal noqda mirta yar ee geedka wayn dhasha, waxaan la yaabaa sidda/meesha uu geedkan wayn uga jiray iniintan yar, ogow mirtu waxay u baahan tahay camaliyadda beeridda si ay geedkaas wayn u dhasho.

Facebook Comments