Deegaan walba wuxuu leeyahay dhallan iyo cimilo u gaar ah, dadkuna bay’adda waxay kula nool yihiin dabeecad la qabsi (adoption) la dhaho, qof walba degaanka uu ku koro ayuu astaamihiisa yeeshaa: midab, dabeecad, dhaqan, adkaysi, iyo fikirba, taasina waxay u sahashaa in uu noloshiisa si hab-sami leh ugu dhex wato deegaankaas.

Qofka magaalada ku kora wuxuu leeyahay hab-dhaqan nololeed ka gedisan hab-dhaqanka midka miyiga jooga, dadka xeebaha dagan waxay leeyihiin dabeecado iyo dhaqamo ka gedisan kuwa dhul-beeratada ah, kala duwanaanshuhu sidaas ayuu ku soconayaa inta ay bay’addu kala duwan tahay.

Waxaa xusid mudan in sidaasoo kale ay bay’addu qaabayso hab fikirka dadka, mar walba oo ay dadku fakaraan waxaa jira xayndaab ku geedaaman oo ah xakame uusan ka bixi karin fikirkoodu waana degaanka ay ku dhaqan yihiin ee ogaalkoodu uu ka soo dhambalmayo, fikirka oo ah aaladda koowaad ee aadanuhu u adeegsado hor-umarinta noloshiisa had iyo jeer waxaan ka dheehan karnaa astaamo cimileedka degaanka uu fikirkaasi ka soo jeedo.

Dadku xikmadahooda iyo hal-abuurkooda fikradeed waxay ku cabiraan inta badan maahmaahyada iyo suugaanta qaybeheeda kala duwan, marka aad maahmaahyada eegto tusaale ahaan waxaad ka garan kartaa maahmaahyo badan bay’adda ay ku dhalatay maahmaahdaasi, waxaa kala duwanaanaya maahmaahda uu geel-jiruhu bixiyo iyo mida kaluumaysatada ama beeralaydu ay bixiyaan.

Xaqiiqada kale ee iyana fahanka u baahan ayaa ah qofku hadii uu bay’o la qabsado si sahlan ayuu noloshiisa ugu wadanayaa, balse hadii uu bay’o kale u guuro way ku adkaan noloshu waqti dheer ayayna uga baahan tahay in uu la-qabsi sameeyo, qof cimilo kulul ku koray way ku adag tahay cimilo qabow, qofka magaalo ku korayna way ku adag tahay miyi in uu ku noolaado.

Sida dadka ay ugu adag tahay in ay cimilada badashaan ayay afkaartana ugu adkaataa bay’o badalashadu, fikirku degaanka uu ku abuurmo wuxuu ka haystaa la-qabsi waxaana taageeraya bay’adda uu ku dhashay, halka marka uu dool degaan kale ku tago uu tagayo bay’ad laga yaabo in ay ka badalan tahay gabi ahaanba cimiladii uu ku abuurmay taas oo sababi karta ragaad ama ma dhalaysnimo ku timaada fikirkii, halka uu bay’addii hore wax-tar uu ku lahaa.

Fikradda ah in la baabi’iyo furuuqda dabaqadeed ee bulshada ka dhex jirta siiba dhanka dhaqaalaha oo dadku ay xaga lahaanshaha hantida ka sinnaadaan waxay ku kori kartaa bulsho aan arxan ka dhaxayn, kana kooban dabaqad yar oo hanti haysata oo cabiidsata dabaqad badan oo faqri la il daran, fikradani kuma kori karto degaan dadkiisu siman yahay ama ay dareemayaan kafaalo qaad bulshadeed, sidoo kale fikirka ah in diinta iyo dawladda la kala saaro wuxuu soo dhawayn ka heli karaa cimilo bay’adeedka ay diintu dadnimada iyo aqoonta ka soo horjeedo, balse fikirkani ma aha mid ay la qabsan karto bay’o diintu ay quud u tahay, noloshana ay iyadu wanaaga ku hagayso.

Labadan tusaale waxaan uga danleeyahay in aad fahanto sida degaanku uu u saameeyo dadka, isla markaasna ay afkaartu tahay mid xidhiidh muhiim ah la leh degaanka iyo dadka ku nool hadba astaamaha ay leeyihiin iyo dhaqanka ka jira halkaas, fikir ay umad u alifatay in ay nolosheeda ku hormariso iyada oo ka cabir qaadanaysa xayndaabkeeda iyada u goonida ah way adag tahay in fikirkaasi uu si habsami leh ula qabsado ama uga shaqeeyo degaan kale oo ka gadisan degaankaas hore dhaqan iyo duruufba.

Waxyaabaha dib dhaca inoo keena marar badanna xaajada ina ka xumeeya waxaa kamid ah afkaarta umadaha kale ee ina ka cimilo degaaneedka badalan, ina kana duruufo iyo xayndaabka gadisan intaan soo xambaarsano inaan doonayno inaan xaraf xaraf u fulino inaga oo aan update-garayn waafajinna cimilada bay’adeena si uu fikirku u noqdo mid haboon oo inoo shaqeeya waaba hadii uu fikirku muhiim nolosheena u yahay.

Labada qolo ee ugu badan ee afkaarta umadaha kale inoo soo waarida waa culumada iyo aqoonyahanka galbeedka wax ku soo barta, wadaadadu waxay soo waaridaan dhaqamo iyo afkaar carbeed oo laga yaabo in aan nolol ahaan waxyaabo badan oo tixgalin mudan ku kala duwannahay, isla markaas wadaadadu waxay doonayaan in ay si dhamays tiran oo aan update-garayn lahayn ay inoogu dabaqaan dhaqamadaas aan la-qabsiga ka haysan degaankeena.

Sidaas si lamid ah aqoonyahanka galbeedka wax ku soo barta waxay arkaan afkaar iyo doodo xiise ku leh galbeedka markaas ayay soo waaridaan afkaartaas iyaga oo aan eegayn baahi in degaankeena looga qabo iyo in kale, sidoo kalena aan eegayn in bay’adeenu ay qaabili karto afkaartaas oo kale, way iska soo xambaaranayaan wax aan la-qabsi iyo jawi munaasiba midna ku haysan degaankeena, markaasaa waxaa dhacaya jahwareer dhaqan iyo mid fikradeedba.

Mararka qaar waxaa dhacaysa in afkaartii carabta laga keenay iyo tii galbeedka laga keenay oo labaduba aan degaanka aqbalaad ka haysan baahina aan loo qabin ay isku dhacaan oo halkaas ay ka dhalato dood laba dhaqan oo aynan lahayn ka dhaxaysa la inoogana dhigayo afkaar soomaaliyeed, afkaarta doolka ah iyadoo marka hore ba qalo ahayd oo aan degaanka la-qabsi iyo aqbalaad ka haysan marka ay iyadii iska hor-imaad abuurto saamaynteeda taban way ka sii xuntahay marka kale.

Tusaale waxaan u soo qaadan karaa afkaarta la soo waariday hadana isku dhaca abuurta iyadoo wada afkaar qalaad ah: guurka hablaha yaryar, qaar baa ku dhagan carabtu yaraan bay isku guursan jirtay ee lama diidi karo, halka qaar kale ay ku doodayaan waa xadgudub guurka hablaha yaryar, inta aynaan dooda mid taageerin horta bay’adeena miyay qaymaynayaan labada qolo mise waa afkaar ay dadyow kale ka soo minguuriyeen, xaqiiqadu waxay tahay waa afkaar dad kale laga soo guuriyay ee ma jirto labadooda qolo uu degaankeena iyo dhaqankeenu u qaymaysan yahay oo mas’alada gudaha ka dhistay, qolo walba afkaar yeeris ah ayay ku doodaysaa.

Marka aan dhab ugu fiirsanno afkaar badan – oo la inoo soo waariday muran iyo iska hor-imaad fikradeed oo fikrado wada doola ka dhexeeya abuurtay sida mas’alooyinka jinsiga oo kale ama muran iyo culays dhanka la-qabsi la’aantaa iyo degaanka oo aanba u baahnayn abuurtay sida cilmaaniyadda iyo shuuciyadda – dhamaan waxay iskugu biya shubanayaan in ay yihiin afkaar qalo ku ah degaankeena inta aan la soo jumlaysanna ay ahayd in la iska eego oo wax shaandhaysan aan soo qaadano inaga oo hab nololeedkeena maxaa ku quman ama hor-umar u horseedi kara eegayna.

Afkaarta iyo dhaqamada waa la kala bartaa waana waxyaabaha umaduhu isku saameeyaan, hasayeeshee waxaa muhiim ah in mar walba maanka lagu hayo in afkaarta umadaha kale laga soo waarido ay tahay sadex midkood: fikrad ummadaha oo dhan ay wada intifaacsan karaan cimilooyin (bay’ado) kala duwanna ka shaqayn karta, fikrad update-garayn u baahan marka degaan kale la geeyo si looga faa’iidaysto, iyo fikrad gabi ahaanba aan degaankeeda degaan aan ahayn anfacayn oo xayndaabka ay ku dhalatay aan ka bixi karin.

Hadaba inaga iyadoo ay ina haysato dhibaatada ah soo xantoobsashada afkaarta iyo dhaqamada ummadaha kale ayaa waxaa dhib ka sii wayn ah oo ina haysta inaynaan ba lahayn afkaar iyo dood cilmiyeedyo bay’adeena la haysata oo abwaano iyo faylasuufyo aynu leenahay ay inoo curiyeen iyagoo bay’adeena ka shidaal qaadanaya, waxaa jira faqri dhanka afkaarta ah oo hadaan soomaali nahay ina haysta, waana sababta u wayn ee soo dayn qaadashada indha la’aanta ah ee dhibaatada badanna ina ku keentay inoo baahi galisay.

Facebook Comments