Bal ka fikir qof geesinnimo sameynaya xilli uu dagaal socdo. Qofka maskaxdaada ku soo dhacay ee geesinnimada sameynaya ma nin baa mise waa haweeney?

Inta badan doorka halyeeynimo ee dumarka xilliyada ay dagaallada socdaan lama aqoonsado, sidaas darteed, annagoo dib u xasuusaneyna 75 guuradii kasoo wareegtay markii uu Dagaalkii Labaad ee Adduunka dhammaaday (dagaalku wuxuu Yurub ka istaagay 8 May), waxaan u dabaaldageynaa siddeed dumar ah oo geesinnimadii ay sameeyeen uga duwanaa malaayiin qof oo ku dhiirranayay dagaalkaas halaagga badan geystay.

Cheng Benhua: Oo geerida ku salaantay dhoollacaddeyn

Cheng Benhua waxay ahayd geesiyad iskacaabbin leh oo la dagaallantay ciidamadii Japan kaddib markii ay xoog ku galeen waddankeeda Shiinaha sanadkii 1937-kii. Sawir laga qaaday wax yar kaddib markii lagu dilay beynaadda qoriga ayaa noqday sawir caan ah oo astaan ahaan loogu adeegsado geesinnimada isdifaacidda ah.

Waxaa sawirkaas qaaday wariye u dhashay Japan oo la joogay waqtigii ugu dambeeyay nolosheeda, kaddib markii gacanta lagu dhigay iyadoo ku jirta dagaalka. Waxaa si wadar ah u kufsaday raggii qabtay, kuwaasoo marar badanna kufsigaas u geystay, laakiin wax cabsi ah kama aysan muuqanin. Sawirka laga qaaday waxaa laga arkayay iyadoo dhoollacaddeyneysa xilli ay geerida u muuqato, gacmaheedana ay xabadka ku xiran yihiin.

Dhimashadeeda waxaa lagu xusaa taallo shan mitir ah oo looga sameeyay magaalada Nanjing, oo ah meesha uu ka dhacay xasuuqii ugu xumaa ee dagaalka – halkaas waxaa lagu laayay dad ay tiradoodu gaareysay 300,000 oo isugu jiray rag, dumar iyo carruur – waxaana hilibkooda jarjaray ciidamadii Japan.

Da;deedu waxay ahayd 24 sano markii ay geeriyootay sanadkii 1938-kii, waana hal sano ka hor xilligii uu dagaalkaas gaaray qaaradda Yurub, laakiin waxay ahayd hal sano ka dib markii uu gaaray Shiinaha. Cheng Benhua “waxay ahayd haweeney shakhsiyad aad u wanaagsan leh oo qurux badan, waxayna mudneyd in la ixtiraamo” mudnaan gooni ahna ka leh malaayiintii shiineyska ahaa ee geeriyooday, sida uu sanadkii 2013-kii taariikh yahanka Shiinaha u dhashay ee lagu magacaabo Mr Fan Jianchuan u sheegay wargeyska People’s Daily.

Noor Inayat Khan: Amiiraddii basaaska ahayd

Noor Inayat Khan: Amiiraddii basaaska ahayd

Noor Inayat Khan – oo ahayd amiirad u dhalatay Hindiya, basaasna u ahayd Britain – waxay farac toos ah ku lahayd Tipu Sultan, oo ahaa boqorkii qarnigii 18-aad maamulayay muslimiintii Mysore.

Waxaa iska dhalay aabe Hindi ah iyo hooyo Mareykan ah, waxayna ku dhalatay Moscow, halka waxbarashadeedana ay ku qaadatay magaalada Paris.

Xirfadda luuqadaheeda oo aad u sarreysay ayey shaqo uga heshay Waaxdii howlgallada gaarka ah ee Britain – taasoo howlo basaas ah ka fulin jirtay Faransiiska xilligii la waday dagaalkii ka dhanka ahaa Naaziyiintii Jarmalka. Waxay ku biirtay jaajuusiintii ciidamada Faransiiska ee waday dhaqdhaqaaqyadii iskacaabbinta.

Waxay iska dhigeysay inay tahay wariye Raadiye ka shaqeeya – iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee qaataday doorkaas khatarta badan – si joogto ahna waxay u baddali jirtay goobaha ay ku sugan tahay, si aan loo fahmin.

Ugu dambeyntii waxaa gacanta ku dhigay booliskii Naaziga, kuwaasoo su’aalo weydiiyay, jirdilna ku sameeyay. Marar badan ayey isku dayday inay baxsato – iyadoo mar ku dhawaatay inay fakato kaddib markii ay ka baxday saqafka kore ee xabsigii ay ku jirtay.

Mar kasta oo ay baxsad isku daydo, xaaladdeeda way sii adkaaneysay, su’aalaha la weydiinayay iyo jirdilkana waa lagu sii badinayay, laakiin waxaa la aaminsan yahay inaysan waligeed wax sir ah siinin Jarmalka. Waxay yaqaaneen magaceeda is-afgarashada kaliya, mana aysan xitaa ogeyn inay Hindi ahayd.

Bishii September ee sanadkii 1944-kii, Inayat Khan iyo saddex haween ah oo ay isku waax ka tirsanaayeen, waxaa loo wareejiyay saldhiggii weynaa ee Dachau, halkaas ayaana lagu toogtay 13-kii September. Geesinnimadeeda awgeed, waxaa iyadoo geeriyootay lagu sharfay abaalmarinta dahabiga ah ee ay bixinayeen dowladaha Britain iyo Faransiiska.

Waxaa sidoo kale ficilladeedii geesinimada ahaa astaan lagu xasuusto loogu sameeyay fagaaraha Gordon ee magaalada London.

Lyudmila Pavlichenko: Marwadii Dhimashada

Lyudmila Pavlichenko: Marwadii Dhimashada

Lyudmila Pavlichenko waxay ka mid tahay dadkii ugu shiishka wanaagsanaa ee abid too maray taariikhda caalamka. Waxay gacanteeda ku dishay 309 askari oo jarmal ah, kuwaasoo la xaqiijiyay inay rasaasteeda ku geeriyoodeen wixii ka dambeeyay markii ay ciidamadii Naaziga faragalinta ku sameeyeen Midowgii Soviet sanadkii 1949-kii.

Tobannaan ka mid ah dadkii ay dishay waxay qudhooda ahaayeen shiishleyaal iyada oo kale ah oo uu cadowga lahaa. Badankood waxay madaxa ka toogatay iyagoo isku dayaya inay dilaan lafteeda. Sidaas darteed waxaa gabadhan Rushka u dhalatay lagu naaneysay Marwadii Dhimashada.

Raggii shiishka ku dheereeyay ee Naaziga way awoodi waayeen inay dilaan laakiin waxay ku dhaawacantay hoobiye lasoo riday, inkastoo ay dhaawacaas ka kacday. Markii dambe waa laga soo saaray furintii hore ee dagaalka waxaana lagu daray waaxdii abaabulka dagaalka ee dhinaca Soviet-ka. Iyadoo habkaas u shaqeyneysa ayey ku safartay caalamka, waxayna xitaa la kulantay madaxweynihii Mareykanka Franklin D. Roosevelt. Inkastoo billad dahab ah lagu siiyay geesinimadii ay u sameysay ciidamada Soviet-ka, haddana goor dambe waxaa wax badan laga baddalay taariikhdeedii.

” Waa arrin layaab leh in haweeney shiishka xirfad sare ku lahayd aan si quman loogu sharcin, loona dabaaldagin xasuusteeda,” ayey tiri Iryna Slavinska, oo ka mid ah dadka u dooda xuquuqda sinnaanta ragga iyo dumarka.

Maamulkii Soviet-ka ayey ku dhaliishay inay xusi jireen raggii geesiyaasha ahaa oo kaliya.

Nancy Wake: Jiirkii Caddaa

Nancy Wake: Jiirkii Caddaa

Marka laga soo tago inay siyaabo badan taariikhda baal dahab ah uga gashay, Nancy Wake waxaa si gaar ah loogu xasuustaa inay ahayd dagaalyahanad cajiib ah, inay aad khamriga u cabi jirtay iyo inay ahayd qof aad u neceb cadowna ku ah Naazigii Jarmalka.

Waxay ku dhalatay New Zealand, laakiin waxay ku barbaartay Australia. Waxay iskuulka ka carartay iyadoo 16 jir ah, waxayna shaqo wariyenimo ah ka heshay Faransiiska, waxaana lasoo tabiyay inay been ka sheegtay xirfaddeeda, si loogu fasaxo inay ku biirto koox wax ka qoreysay taariikhdii hore ee Masar.

Halkaas waxay kula kulantay, kuna guursatay nin warshado ku lahaa Faransiiska oo lagu magacaabi jiray Henri Fiocca, kaasoo ay kula nooleyd magaalada Marseille xilligii ay Naaziyiinta xoog ku galeen Faransiiska sanadkii 1939-kii.

Wake waxay durbadiiba ku biirtay ciidamadii iskacaabinta ee Faransiiska, waxayna hagtay ciidamo xulafo lahaa oo u baxsaday dhinaca Spain.

Markii kooxdii ay ka garab dagaallameysay la fashiliyay, waxay u baxsatay Britain, iyadoo sii martay Spain.

Fiocca halkiisa kama uusan tagin, waana la qabtay oo la jirdilay, ugu dambeyntiina waxaa dilay ciidamadii Naaziga. Wake waxay dib ugu laabatay iyadoo la shaqeyneysa laantii sirdoonka ee Britain. Waxay ka qeyb qaadatay howlgallo badan oo halis weyn lahaa – waxay sheegatay inay iyadoo aan wax hub ah wadanin gacanteeda ku dishay nin ka mid ahaa askartii Jarmaka.

“Xarunta surdoonka waxaa nalagu bari jiray tababar hub la’aan lagu dagaallami karo, anigana waan ku faa’iiday. Laakiin halkaas mar kaliya ayaan isticmaalay – kow ayaana uga siiyay ninkaas,” ayey tiri mar ay telefishin wareysi siineysay 1990-meeyadii.

Wake waxay abaalmarinno badan heshay markii uu dhammaaday dagaalka. Magaalada London ayey iyadoo 98 jir ah ku geeriyootay 7-dii bishii August ee sanadkii 2011-kii. Waxay codsatay in haraadigeeda lagu aaso Faransiiska.

Jane Vialle: Wariye, basaas, siyaasiyad

Jane Vialle Waxay ku dhalatay ku dhalatay Jamhuuriyadda Congo balse waxay u guurtay Paris iyadoo carruur ah, waxayna ahayd wariye markii uu qarxay Dagaalkii Ladaab ee Adduunka. Markaas kaddib Vialle waxay ka baxday magaalada Paris waxayna ku biirtay sirdoonkii Faransiiska ee ku sugnaa dhinaca koonfureed ee waddanka, oo ah dhankii uusan sida rasmiga ah ula wareegin Naazigii Jarmalka, laakiin ay maamuleysay xukuumad dabadhaq u ah Jarmalka.

Waxay aruurin jirtay xogta sirta ah ee ku saabsan ciidamada Naaziga, iyadoo usii gudbin jirtay xulafada Faransiiska. Cadowga ayaa qabtay bishii January ee sanadkii 1943-kii, waxaana lagu soo oogay dacwad ku saabsan khiyaano qaran. Hase yeeshee wax sir ah lagama helin. Vialle waxaa markii hore lagu hayay xero milatari, kaddibna waxaa loo sii gudbiyay xabsi dumarka loogu talagalayoo ku yaalla magaalada Marseille.

Laakiin ama way baxsatay ama waa la sii daayay, wayna ka badbaadday dagaalkii. Sanadkii 1974-kii, waxaa loo doortay kursi ka mid ah golaha Senate-ka ee Faransiiska.

Hedy Lamarr: Bambadii ifeysay ee Hollywood-ka

Hedy Lamarr: Bambadii ifeysay ee Hollywood-ka

Atariishadan oo ku dhalatay Australia waxay ku caanbaxday xirfaddeeda filim jilidda oo aad u sarreysay. Waxay jishay filimkii Hollywood walk of fame. Waxay ka dhalatay qoys Yuhuud ah oo maalqabeenno ahaa. Markii hore waxay guursatay nin hubka ka ganacsan jiray, kaasoo ku khasbay inay ka tagto xirfaddeeda jilitaanka si ay ugu adeegto saaxiibbadiis, oo ay ka mid ahaayeen Naaziyiin.

Lamarr arrintaas ma aysan dooneynin, waxayna si qarsoodi ah ugu baxsatay Paris, kaddibna waxay u sii gudubtay London, halkaasoo ay kula kulantay ninka caanka ah ee lagu magacaabo Louis B. Mayer, oo markaas madax ka ahaa MGM Studios.

Wuxuu usoo bandhigay qandaraas Hollywood-ka ah, wuxuuna ku garab istaagay inay noqoto “haweeneyda ugu quruxda badan caalamka”.

Guulihii ay kasoo hoyisay in ka badan 30 filim ayaa ilaa hadda si weyn loo xasuustaa, balse taas geesinimo looma arkeynin.

Ficilkii ay liiska geesiyaasha ku gashay wuxuu ahaa inay soo hindistay hab ay ku jaam gareyso mowjadihii raadiyeyaashii ay ku wada xiriiri jireen ciidamadii cadowga, sidaasna uu wada xiriirkooda ku go’i jiray iyagoo uu dagaal ku socdo.

Ciidamada badda ee Mareykanka ma aysan waxba kasoo qaadin taariikhdeeda, laakiin qaar ka mid ah qalabkii ay soo hindistay waxaa ilaa maanta lagu arki karaa tiknoolojiyadda Bluetooth-ka iyo WiFi-ga.

 

Mya Yi: Gabadhii wadan jirtay Seef iyo sun

Mya Yi: Gabadhii wadan jirtay Seef iyo sun

Mya Yi dagaalkeeda wuxuu billowday xitaa ka hor inta aysan ciidamada Japan xoog ku galin waddanka Burma, xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Waxay ka mid ahayd halyeeyadii u dagaallamay xornimada waddankeeda, iyadoo kasoo horjeedsatay gumeysigii Ingiriiska.

Markii dambe waxay ku biirtay ciidamadii iskacaabbinta ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Mar walba waxay gacanta ku wadan jirtay seef iyo dhalo ay sun ugu jirto, si ay nafteeda ugu difaacdo.

Sanadkii 1944-kii, waxay iyadoo lugeyneysa ku safartay dhul buuraley ah oo ay cadowgeeda gacanta ku hayeen, waxayna gaartay Hindiya oo uu British-ka heystay, si ay halkaas uga sii waddo halgankeeda. Waxay dhaawacyada soo gaaray ku xiraneysay maro ay jeex jeexday, wayna soconeysay iyadoo diideysay inay ragga qaadaan.

Intii ay Hindiya ku sugneyd waxay ka qeyb qaadaneysay qoritaanka warqado lagu daadin jiray Burma, kuwaasoo lagu sharraxayay sida ay ciidamada Japan ula dhaqmayeen shacabka.

Inkastoo ay qorsheyneysay inay dib ugu laabato Burma, iyada, seygeeda iyo cunug u dhahsay – waxaa loo tababaray inay ka mid noqoto ciidamada dallaayadaha ku booda – booskeediina waxay ku wareejisay dagaalyahan kale, iyadoo dib u laabatay bishii October ee sanadkii 1945-kii, xilligaasoo ahayd markii uu dagaalka dhammaaday.

Intaas kuma ekaanin halgankeedii, waxayna usii dagalalantay xorriyadda, kaddibna waxay dagaal kale la gashay ciidamadii xukuumadihii soo maray dalkeeda.

Rasuna Said: Goosha libaax

Rasuna Said: Goosha libaax

Rasuna Said, waxay khaas kasii tahay liiskan haweenka geesiyaasha ah. Intii uu dagaalka socday waxay la safatay ciidamadii la dagaallamayay isbahaysiga, waxayna mudan tahay in ugu yaraan magaceeda la xuso.

Waxay halyeel la yaqaanno ka ahayd halkankii xornimo doonka ee Indonesia. Cadowgeedana inta badan ma uusan ahayd Japan ee wuxuu ahaa dalkii gumeysiga ku heysay waddankeeda ee Dutch-ka.

Said waxay siyaasadda ku biirtay iyadoo aad u da’ yar, waxayna sameysatay xisbi siyaasadeed – Ururka muslimiinta ee Indonesia – horaantii 1920-meeyadii.

Waxay ku dagaallameysay fikir diini ah iyo waddaniyad. Waxay jeedin jirtay hadallo sida dabkii oo kale afkeeda uga soo baxa, oo dadka qaar ay ku tilmaamaan “hillaaca roobka”, aad ayeyna ugu dhiirranaan jirtay inay cambaareyso gumeystihii Dutch-ka, taasoo ay ku yeelatay naaseysta ah Goosha Libaax.

Maamulkii Netherland ee dalkeeda gumeysanayay marar badan ayey khudbadaheeda joojiyeen, wayna xireen, marna waxayna xabsi ku hayeen muddo 14 bilood ah. Markii ay ciidamadii Japan qabsadeen jaziiradaha archipelago sanadkii 1942-kii, Said waxay ku biirtay koox taageereysay Japan, laakiin waxay u adeegsaneysay inay kusii wadato halgankeeda xornimo doonka.

Markii Indonesia la eego, dagaalka ma uusan dhammaanin xitaa markii laga adkaaday Japan. Dutch-ka ayaa ku laabtay si uu gumeysigiisa ugu soo celiyo. Markii hore wuxuu garab ka helayay Britain, kaddibna waxaa xigay dagaal culus oo socday afar sano.

Wuxuu dagaalkii ku dhammaaday in Datch-ka uu aqoonsado madaxbannaanida Indonesia sanadkii 1949-kii. Doorkii ay arrintaas ku lahayd Said lama illoobin, waxaana loogu magac daray mid ka mid ah waddooyinka ugu waaweyn magaalada caasimadda ah ee Jakarta. Urur awood leh oo u ol’oleeya xuquuqda sinnaanta iyo waxbarashada, oo lagu magacaabo Rasuna Said ayaa hadda ka mid ah ururrada faro ku tiriska ah ee ay dumarka ku leeyihiin Indonesia.

Facebook Comments