Waxaan jecelahay inan idin la wadaago mowduuc dulucdiisu tahay ‘wadaniyada iyo faa’iidada ay leedahay.’’Mowduucan aad buu u balaadhan yahay maqaal kobanna lagagama hadli karo marka si kooban oo qodobaysan ayaan uga hadli doona insha allah hadaba.

Waa maxay wadaniyada?

 “wadaniyadu waa dareen qofnimo iyo damiir umadeed taas oo shakhsigeeda ku dhalisa jacayl uu uqabo dalkiisa iyo dadkiisa, taas oo qofkeeda ka dhigta shaqsi kadamqanaya wixii xun ee dalkiisa iyo dadkiisa loo asteeyo una damqanaya dadkiisa iyo dalkiisa.”

   Macne labaad ayaa isna ah barashada cilmi bulsho kaas oo lagu baranayo gaar ahaan xaquuqda (rights) iyo masuuliyada (responsibility) uu leeyahay qofka muwaadinka ah. Macnayaal kale oo badana way jiraan.

Ahmiyada ay leedahay wadaniyadu

Wadaniyadu waxa ay leedahay ahmiyad balaadhan oo halkan lagu soo koobi karayn laakin waxaa laysku raacsanyahay in wadaniyadu ay tahay wax lagama maarmaan ah ayna muhiim utahay jiritaanka umadeed si ay uxaqiijiyaan jiritaanka jiilalkooda dambe, ahaanshahooda dadeed iyo lahaanshahooda dhuleed.

waxaana la aaminsanyahay in  umada damiirkeeda wadaniyadeed oo dhamaadaa ama diciifaa uu astaan uyahay dabargo kusoo fool leh umadaas qarniyada dambe aysan macquul ahayn in ay sii jirto umad aan lahayn wax isku haya ama wax ay wada jecelyihiin oo wada ilaasha daan.

Guud ahaan waxaan intaa ka fahmaynaa inay tahay in la barto xaqaad dalkaaga ku leedahay iyo waajibka adi ku saaran inaad barato.

 Faa’iidooyika wadaniyada

  1. Waxay inagu abuuraysaa kalsooni aynu ku qabno sinaanta iyo cadaalada.
  2. waxay inagu jiheynasaa in aynu guul ka gaadhno is badbadalka faraha badan ee ku gadaaman nolosha sida kala sooca midabka iyo heybta yasida iyo takoorida qolo ama koox
  3. Waxay inoo faa’iidaynasaa in ay soo baxaan dad niyad ahaan dhisan kuwaas oo u fikiraya si taban oo isku qiimeynaya midba midka kale wadanka iyo wadaniyada
  4. Waxay abuuraysaa bulsho ka shaqeysa nolosha qaranka iyo nabad kuwada noolaanshaha adduunweynaha
  5. Waxay inagu abuuraysaa aqoonta iyo fahamka deegaanka
  6. Waxay inoo faa’iidaynaysa xuquuqda muwaadinka iyo xoriyada shacbi weynaha ,dhaqaalaha iyo lacagta,cadaalada ,sinaanta ,ismaamulka iyo kaalinta sharciga ,xalinta khilaafaadka
  7. Waxa ay ka qeybqaadanaysa horumarka qaranka ,dhiiri gelinta dhalinyarta iyo caruurta mustaqbalka si ay u bartaan nafahooda iyo difaaca dalkooda.

 Sido kale jacaylka dalkaaga waxa daliil u ah nabi muxamad (NNKHA) waa kii lahaa markuu maka ka baxay, “makaay kaamaan tageen hadaan layga kaa eryan”. Waxaa kale oo xusid mudan in mabaadi’da islaamka kamid tahay, in dadka muslimka ahi aaney kala xigin wadanka, xuquuqda allena ay u siman yihiin.

Xukunka wadaniyada aan laba u kala qaadno waa;

  1. Wadinaydu waa xalaal hadaaney handadayn diinta iyo caqiidada, oo qofku waa jeclaan karaa dadkiisa iyo dalkiisa hadaaney taasi ka indha tirayn jacaylka diinta iyo jacaylka muslimiinta.
  2. Waa xaaraan hadii ay ka hor imaaneyso xeeraraka diinta. Tusaale, hadii jacaylka qawmiyada iyo wadanka ay kaa indho saabaan jacaylka diinta.

 Gabagabo

Waxaan ku soo gabagabaynaya Wadaniyadu waa lagama maarmaan waayo maanta waa waxa uu caalamku isku dhaafay, waxaana muhiim ah in lagu soo barbaariyo jiilalka soo kacaaya lana fahansiiyo macnaha iyo qiimaha ay leedahay wadaniyadu gaar ahaan soomaalideena…

 

Wixii fikrad iyo talo ah waxaad igu soo gudbisaan cinwaankan.

mawlid.qanciye@gmail.com

00249993043134

MAWLID AHMED HASSAN (Qanciye)

Facebook Comments